Cali bin Abii Daalib (ingiriis: Alī ibn Abī Tālib; carabi: ﻋﻠﻲ ﺑﻦ ﺃﺑﻲ ﻃﺎﻟﺐ; magaca dhamaystiran Cali ibn Abi Daalib "ﻋﻠﻲ ﺑﻦ ﺃﺑﻲ ﻃﺎﻟﺐ") dhashay 13kii Rajab 22 H.K Sebtembar 20, 601 Makka dhulka jasirada carabta, isla markaana dhintey 21kii Ramadaān 40 H.K ≈ Janaayo 27, 661 C.D Kuufa, Ciraaq, wuxuu ahaa ina adeerka iyo wiilka sodoga u yahay Nabi Muxamed, hogaamiyihii shanaad ee Dawladda Islaamka, asxaabi ka mid ah Kulafo Raashidiinta iyo mid ka mid ah asxaabta rasuulka.[1][2]

Khulafo Raashidiin
ﺍﻟﺨﻼﻓﺔ ﺍﻟﺮﺍﺷﺪﺓ
Imaam Muslimiin
(ﺃﻣﻴﺮ ﺍﻟﻤﺆﻣﻨﻴﻦ)

Abu Bakr Sadiiq

Wakhtiga Hogaanka: 8 Juune 632 – 23 Ogosto 634 (27 bilood)

Deegaanka dowlada Islaamka wakhtigii Abu Bakr.

Cumar bin Khattab

Wakhtiga Hogaanka: 23 Ogosto 634 C.D – 03 Nofember 644 C.D

Deegaanka dowlada Islaamka wakhtigii Cumar.


Cusmaan binu Cafaan

Wakhtiga Hogaanka: 644 C.D ilaa 656 C.D

Deegaanka dowlada Islaamka wakhtigii Cusmaan.

Cali binu Abi-Daalib

Wakhtiga Hogaanka: 656 C.D ilaa 661 C.D

Deegaanka dowlada Islaamka wakhtigii Cali.

Dhamaan Khulafada

Khulafo Raashidiin (632-661)

Khulafadii Umawiyiinta (661-750)

Khulafadii Cabaasiyiinta (750-1258)

Khulafadii Cusmaaniyiinta (1517-1924)

Cali waa kan ugu horeeyay ee da'dyarta ka mid ah oo qaata diinta islaamka, Ahlu sunaha agtooda waa Khaliifkii Afaraad ee Khulafo al-Raashidiinta; sidoo kale dadka raacsan Shiicada waxay u aqoonsan yihiin Imaamkii kowaad iyo kan xaqa u leh ee ku xiga Nebi Muxamed.

Cali wuxuu la wareegay khilaafada ka dib markii Cusmaan bin Cafaan la dilay 35H/656, wuxuuna haayay ilaa 40H/661, mudadii uu xilka haayay waxey ku sifeesneyd xasilooni la'aan, fitnadii ka dhalatay dilka khaliifka sadexaad Cusmaan bin Cafaan ayaa umada kala qeybisay waxaana dhacay dagaalo u dhaxeeya muslimiinta dhexdooda.

Abtirsiinta wax ka badal

Waa Cali bin Abii daalib bin cabdi mudalib bin haashim bin cabdi manaaf bin qusayyi bin kilaab bin mura bin kacab bin lu'yyi bin gaalib bin fihir bin maalik bin nadar bin kinaana bin khuzeyma bin mudrika bin ilyaas bin mudar bin nazaar bin macad bin cadnaan.

Hooyadii faaduma binti Asad bin haashim bin cabdi manaaf bin qusayyi bin kilaab.

Hooyadii iyo aabihiis waa ilmo adeero wuxuu sidaas ku ahaa iska dhal banuu haashim.

Taariikhdii Hore wax ka badal

Cali waxa uu ku dhashay makka, shiicada waxey qabaan inuu ku dhashay gadaha kacbada[3][4][5][6], laakin al-sunaha agtooda kama sugnaan warkaas, waxaa sidoo kale khilaaf ka jiraa sanadka uu dhashay, wuxuu uu wariyay ibnu isxaaq inuu dhashay toban sano ka hor bicathada nabiga scw, ibnu xajar ayaa rajaxay warkaas[7]. Waxaa jiro warar kale, iskuu soo duuduub waxaa leysku hayaa sanadihii 600, 598, 599.

Cali waxa uuna ahaa ilmaha abuu daalib kan ugu yaraa, markuu jiray shan sano ama ilx sano waxaa dhacday abaar saameyn ku yeelatay abuu daalib, rasuulka scw iyo cabaas ayaa u bandhigeen abuu daalib inay la koriyaan ilmaha, waxa uu qaatay nabiga scw Cali, halka Cabaas uu qaatay Jacfar[8],

Cali waxa uu ku soo koray guriga nabiga scw, wuxuuna ahaa mid laazimo meel walba uu aado[9][10], Cali ilaahay wuu ka dhooray noloshiisa inuu sanab u sujuujo sidaas darteed ayee muslimiinta u raaciyaan magaciisa erayga "karama Allahu wajahah"[11].

Hijradii Madiina wax ka badal

Dagaaladii uu Galay wax ka badal

Hogaamiye Cali wax ka badal

Qoyska Cali wax ka badal

Qoyska Cali bin Abi Daalib waa aabihiis Dalib ibn Cabd al-Mudalib, hooyo Fatima bint Asad, labo gabdhood iyo sadex wiil ooy walaalo yihiin, todoba xaas, sadex-iyo-toban ilmo ah oo u kala baxa toban-iyo-kow wiil iyo labo gabdhood.

Aabe: Dalib ibn Cabd al-Mudalib
Hooyo: Fatima bint Asad

Walaal
(abaayo)
Walaal
(aboowe)
Xaaska
Wiilasha uu dhalay
Gabdhaha uu dhalay

Qoraalo La Mid Ah wax ka badal

Xigasho wax ka badal

  1. "ingiriis: "Alī ibn Abī Tālib; carabi: ﻋﻠﻲ ﺑﻦ ﺃﺑﻲ ﻃﺎﻟﺐ; magaca dhamaystiran Cali ibn Abi Daalib "ﻋﻠﻲ ﺑﻦ ﺃﺑﻲ ﻃﺎﻟﺐ""
  2. [1], from islam4theworld
  3. العمدة ص : 24 Archived Sebteembar 9, 2009 // Wayback Machine Template:وصلة مكسورة Archived 2009-09-09 at the Wayback Machine
  4. قراءة في كتاب «عليّ وليد الكعبة» Archived 2012-02-24 at the Wayback Machine
  5. الاستفتاءات، الطواف، موضع المستجار في الكعبة Archived Diseembar 14, 2011 // Wayback Machine Archived 2011-12-14 at the Wayback Machine Template:وصلة مكسورة
  6. بحار الانوار، محمد باقر المجلسي، ج9
  7. أ.سامي بن عبد الله بن أحمد المغلوث (2007)، أطلس الخليفة علي بن أبي طالب رضي الله عنه (الطبعة الأولى)، السعودية: مكتبة العبيكان ، صفحة 17-18. بتصرّف. إقرأ المزيد على موضوع.كوم:
  8. تاريخ الطبري-رقم الحديث:437.الحديث على إسلام ويب Archived 2016-11-05 at the Wayback Machine
  9. تهذيب سيرة ابن هشام Archived Febraayo 22, 2020 // Wayback Machine Archived 2020-02-22 at the Wayback Machine
  10. CHAPTER VII ON THE KNOWLEDGE OF THE IMAM (IMAMOLOGY) (part-2)[dead link]Template:وصلة مكسورة Template:استشهاد ويب
  11. موقع الإسلام سؤال وجواب، إطلاق " كرم الله وجهه " على علي بن أبي طالب Archived 2020-03-16 at the Wayback Machine