Kani waa maqaal ku saabsan magaalada Howston, Tegsas, Maraykanka.

Howston, Houston (Listeni/stən/ HYOO-stən) waa caasimada ugu bulshada badan gobolka Tegsas iyo Koonfurta Maraykanka. Intaasi waxaa dheer, caasimadani waa mida 4aad ee ugu shacabka badan guud ahaan wadanka Maraykanka, taasi oo leh dad dhan 2.239 milyan (sida lagu sheegay tirokoob ay dowlada dhexe Maraykanku sameeysay sanadkii 2014ka).[5]

Howston, Tegsas
Caasimada Howston
Muuqaalka Caasimada Howston.
Flag
Nickname(s): 
Caasimada Cirka (magaca dowliga), in badan...
Howston, Tegsas is located in USA
Howston, Tegsas
Howston, Tegsas
Meesha kaga taalo Maraykanka
Wadanka United States
GobolTegsas
DegmoHarris, Fort Bend, Montgomery
Dowlad HooseJuun 5, 1837
Dowlada
 • NuucaDuqa-magaalada
 • BodyGolaha Degamada Caasimada Howston
 • Duqa-magaaladaAnnise Parker
Area
627.8 sq mi (1,625.2 km2)
 • Land634 sq mi (1,552.9 km2)
 • Water27.9 sq mi (72.3 km2)
 • Metro
10,062 sq mi (26,060 km2)
Joogga
43 ft (13 m)
Tirada dadka
 • Caasimad2,099,451
 • Estimate 
(2014)
2,239,558[1]
 • RankUS: 4aad
 • Cufnaanta dadka3,662/sq mi (1,414/km2)
 • Urban
4,944,332 (7aad U.S)
 • Metro
6,313,158 (5aad U.S)
 • Bulsho
Houstonian
Aag saacadeedUTC-6 (CST)
 • Xagaa (DST)UTC-5 (CDT)
FurahaArea kodh 281, 346, 713, 832]
FIPS kode48-35000[3]
GNIS feature ID1380948[4]
Websitehoustontx.gov

Caasimada Howston waxay degan tahay dhul baaxadiisu dhan tahay 599.9 mayl labo-laaban (1,553 kilomitir labo-laaban).[6] Sidoo kale waa caasimada ugu balaadhan ee ugu shacabka badan Deegaanada Koonfurta Maraykanka,[7]

Caasimada Howston waa fadhiga dowlada Degmada Harris ee koonfurbari gobolka Texas. Marka lagu daro nawaaxigeeda, Houston metropolitan waa mida 5aad ee ugu shacabka weyn wadanka Maraykanka. Taariikh ahaan caasimada Howston waxaa la aasaasay sanadkii 1836dii dooxada deegaanda Buffalo Bayou[8][9] waxaana caasimada leh dowlad-hoose laga dhigey Juun 5, 1837dii. Caasimada Howston waxaa loogu magac daray Jenaraal Sam Houston, kaasi oo madaxweyne ka ahaan jirey Jamhuuriyada Tegsas isla markaana ku guuleystay dagaalkii San Jakinto ee ka dhacay 25 kilomitir bariga meesha ay maanta tahay caasimada Howston.

Dekada dabiiciga ah, wado tareenka laga dhisey deegaanadaasi, wershadaha laga aasaasay dhulkaasi iyo helitaanka shidaalka sanadkii 1901, ayaa waxay qeyb libaaxle ka qaadatey koritaanka iyo balaadhashada caasimada Howston; taasi oo soo jiidatay bulsho-weynta ku soo ururtey deegaankaasi. Horaantii qarnigii labaatanaad waxay Howston noqotey hooyga xarunta caafimaadka gobolka Tegsas, goobta ugu weyn aduunka ee machadka cilmi-baadhista Sayniska iyo caafimaadka, saldhiga weyn ee hay'ada Cilmi Falaga ee NASA, iyo hooyga Mission Kontrol Senter.[10]

Dhaqaalaha caasimada Howston wuxuu ku salaysan yahay wax soo saarka wershadaha, awooda iyo tamarta, soo saarida alaabta, shirkadaha caafimaadka, iyo gaadiidka. Caasimadani waxay hooy u tahay shirkadaha ugu waaweyn ee caafimaadka, xarumaha shirkadaha waaweyn ee Fortune 500; waxaa magaaladani ka horeeya New York oo kali ah.[11][12] Intaasi waxaa dheer, Dekeda Howston waxay ku jirtaa kuwa ugu heerka sareeya dekedaha wadanka Maraykanka, waana dekad caalami ah oo la tacaasha adeega maraakiibta caalamiga ah.[13]

Guud ahaan, caasimada Howston waxaa lagu naaneysaa magacyo badan kuwaasi waxaa ka mid ah Caasimada Cirka ("Space City"), taasi oo ka turjumeysa duulimaadyada cirka ee ay ka fuliso hay'ada Cilmi Falaga ee NASA. Sidoo kale, Howston waxaa lagu tiriyaa caasimad caalami ah marka la tixraaco awooda dhaqaale, ganacsiga, madadaalada, hidaha iyo dhaqanka, isgaarsiinta wararka, sayniska, ciyaaraha, feeshanka, teknoolojiyada, waxbarashada, daawooyinka iyo cilmibaadhista. Waxaa caasimadani hooy u tahay noocyo badan oo diimaha caalamka; iyo bulsho kale oo ka soo jeeda deegaano kala duwan oo aduunka ah. Waxaa lagu sheegaa in Howston tahay maagaalada ugu badan ee leh shacab kala duwan oo ka soo jeeda wadano kala duwan oo dunida ah.[14]

Marka laga yimaado xeebaha bilicda fiican iyo deegaanka cimilada wacan, caasimada Howston waxay soo jiidataa tiro badan oo dalxiisayaal ah sanad kasta kuwasi oo aad u daneeynaya goobaha hidaha iyo dhaqanka iyo meelaha taariikhiga ah.[15]



Muuqaalka Howston wax ka badal

 
Caasimada Howston
 
Farasmagaalka Howston
 
Dhismayaasha ugu cajabsan
 
Caasimada Howston

Magaalooyinka Maraykanka wax ka badal


Magaalooyinka Maraykanka  
Atlanta  · Austin  · Boston  · Baltimore  · Bloomington  · Kolumbus, Ohio  · Chicago  · Dallas  · Denver  · Detroit  · Houston  · Honolulu  · Kansas City  · Los Angeles  · Las Vegas  · Memphis  · Miami  · Minneapolis · New York  · Nashville  · Oakland  · Omaha  · Orlando  · Phoenix, Arizona  · Portland  · Philadelphia  · Rochester  · San Antonio  · Saint Paul  · San Diego  · Seattle  · San Fransisko  · Washington D.C


Gobolada Maraykanka  
Alabama  · Alaska  · Arizona  · Arkansas  · Delaware  · Florida  · Fermont  · Firjiniya  · Houston  · Gobolka Joorjiya  · Gasiirada Rhode  · Galbeedka Firjiniya  · Hawaii  · Idaho  · Illinois  · Indiana  · Iowa · Kansas  · Kentucky  · Kalifornia  · Kolorado  · Konektikat  · Koonfur Karolina  · Koonfur Dakota  · Louisiana  · Maine  · Maryland  · Massachusetts  · Mishiigan  · Minnesota  · Mississippi  · Missouri  · Montana  · Nebraska  · Nevada  · Hampshire Cusub  · Jersey Cusub  · Meksiko Cusub  · New York (gobol)  · Ohio  · Oklahoma  · Oregon  · Pennsylvania  · Tennessee  · Tegsas (Texas)  · Utah  · Wyoming  · Washington (gobol)  · Waqooyi Karolina  · Waqooyi Dakota

Tixraac wax ka badal

  1. "U.S. Census Bureau 2014 Population Estimates for Cities". Waxaa laga kaydiyay the original 2015-05-21. Soo qaatay 2015-09-13.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. "Nuqul Archive". United States Census Bureau. Waxaa laga kaydiyay the original January 18, 2015. Soo qaatay July 16, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  3. . United States Census Bureau http://factfinder2.census.gov. Soo qaatay January 31, 2008.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. . United States Geological Survey. October 25, 2007 http://geonames.usgs.gov. Soo qaatay January 31, 2008.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  5. Berman, Mark (May 21, 2015). http://www.washingtonpost.com/news/post-nation/wp/2015/05/21/there-are-10-cities-in-the-u-s-with-at-least-1-million-residents/?tid=sm_tw. Soo qaatay May 22, 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. "Nuqul Archive". U.S. Census Bureau. Waxaa laga kaydiyay the original 2011-11-02. Soo qaatay 2021-08-09.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  7. (PDF). December 2008 http://www.census.gov/geo/maps-data/maps/pdfs/reference/us_regdiv.pdf. Soo qaatay December 24, 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  8. Kleiner, D.J: Allen's Landing from the Handbook of Texas Online (February 3, 2005). Retrieved 2007-06-10.
  9. McComb, David G. (January 19, 2008). http://www.tshaonline.org/handbook/online/articles/hdh03. Soo qaatay June 1, 2008.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  10. Texas Medical Center. (2006). In A Vision for Strategic Growth. September 14, 2010 Archived Febraayo 4, 2015 // Wayback Machine
  11. Fortune 500 2010: Cities Accessed May 25, 2011
  12. "Nuqul Archive" (PDF). Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) Bisha Sagaalaad 28, 2011. Soo qaatay May 25, 2011.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  13. (PDF) http://aapa.files.cms-plus.com/Statistics/2010%20U%2ES%2E%20PORT%20RANKINGS%20BY%20CARGO%20TONNAGE.pdf.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  14. . March 5, 2012 http://www.huffingtonpost.com/2012/03/05/houston-most-diverse_n_1321089.html.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  15. "Museums and Cultural Arts PDF (31.8 KB)", Greater Houston Partnership. Retrieved on March 21, 2009.