Kani waa maqaal ku saabsan caasimada Philadelphia, Pennysvalia ee dalka Maraykanka.

Filadelfiya, Philadelphia (/ləˈdɛlfiə/) waa caasimada ugu weyn ee gobolka Pennsylvania, Maraykanka, iyo magaalada 5aad ee ugu bulshada badan leh wadnkaasi. Gobolada Waqooyibari ee Maraykanka, gaar ahaan deegaanda u dhexeeya Webiga Delaware iyo Webiga Shuylkill, caasimada Filadefiya waa hogaanka koowaad ee dhaqaalaha iyo dhaqanka deegaanadaasi. Tiro koob dowladu samaysay sanadikii 2014ka ayaa lagu ogaaday in caasimada Filadelfiya leedahay shacab dhan 1,560,297 taasi oo ka dhigeysa mid ka mid ah caasimadaha ugu shacabka badan wadanka Maraykanka.[2][5][6][7][8][9][10]

Philadelphia, Pennsylvania
Caasimada Filadelfiya
Kor ilaa bidix, dhismayaasha dhaadheer ee Filadelfiya, Sanabka Benjamin Franklin, Jalaska Liberty, xarunta Farshaxanka Filadelfiya, Haalka Caasimada Fiilaadelfiya, iyo Haalka Xoriyada
Flag
Seal
Nickname(s): 
"Filly", "Caasimada Jacaylka Walaalka", in badan...
Motto(s): 
"Philadelphia maneto" ("Haku gaadho Jacaylka Walaaltinimo")
Philadelphia, Pennsylvania is located in USA
Philadelphia, Pennsylvania
Philadelphia, Pennsylvania
Meesha kaga taalo Maraykanka
Wadanka United States of America
GobolkaPennsylvania
Degmo Degmada Filadelfiya
Taariikhda GumeysigaBoqortooyada Ingiriiska Gobolka Bensyfaniya
La helayOctober 27, 1682
Dowlad HooseOctober 25, 1701
Founded byWilliam Penn
Dowlada
 • NuucaGolaha Duqa-Magaalada
 • BodyGolaha Dowlada Filadelfiya
 • Duqa-magaaladaMichael Nutter (Xisbiga Dimuqraadiga)
Area
141.6 sq mi (367 km2)
 • Land134.1[1] sq mi (347.3 km2)
 • Water7.5 sq mi (19.4 km2)
 • Urban
1,799.5 sq mi (4,660.5 km2)
 • Metro
4,629 sq mi (11,988.6 km2)
Joogga
39 ft (12 m)
Tirada dadka
 • Caasimad iyo Degmo1,560,297
 • RankUS: 5aad
 • Cufnaanta dadka11,635.3/sq mi (4,492.4/km2)
 • Metro
6,051,170 (US: 6aad)
 • CSA
7,164,790 (US: 8aad)
 • Bulsho
Philadelphian
Aag saacadeedUTC-5 (EST)
 • Xagaa (DST)UTC-4 (EDT)
ZIP code
191xx
FurahaArea kodh 215, 267
FIPS kodh42101 (Degmo) [3]
Astaanta GNIS1215531[4]
Websitewww.phila.gov

Sanadkii 1682 ayaa nin la odhan jirey William Penn aasaasay caasiamad gobolka Bensykfaniya, taasi oo wakhtigaasi ahayd meel uu maamulo nidaamkii Boqortooyada Ingiriiska.[11] Si kastaba aha ahaatee, caasimada Filadelfiya waxay qeyb libaax ka soo qaadatey "Kacaankii Maraykanka", waxayna ahay goobta ay ku kulmi jireen hogaamiyayaashii dhisay wadanka Maraykanka, ayaga oo u saxeexay ku Dhawaaqitaankii Xoriyada iyo Madax-banaanida sanadkii 1776, hadana mar labaad ku saxeeyay qodobada "Dastuurka Wadanka Maraykanka" sanadkii 1787.

Intaasi waxaa dheer, caasimad Filadelfiya waxay ahaan jirtey magaalo-madaxdii ugu horeeysay ee wadanka Maraykanka, mar labaad noqotey magaalo-madax goortii uu socday Dagaalkii Sokeeye ee Maraykanka, iyo goortii dhismaha Caasimada Washington D.C oo Filadelfiya ahayd xarunta dowlada ee kus ii meelgaadhka ah. Horaantii qarnigii 19aad, Filadelfiya waxay noqotey xarun horumar oo leh wershado aad u badan, waxayna yeelatay wadooyin tareen oo ku xidha caasimadaha kale ee wadanka, taasi oo suurtogelisay dhoofinta iyo u iibgeynta alaabo faro badan oo lagu sameyo deegaanda Filadelfiya. Wakhtiyadani waxaa magaalad aad ugu soo qaxay qoxooti shaqo-doon ah oo intooda badan ka yimid bariga Yurub. Sidoo kale, wakhtiyadani waxay caasimada Filadelfiya noqotey xarun u soo guureen Dadka Madoow (African American) ee wadanka Maraykanka, kuwaasi oo doorbidayay fursadaha shaqo, waxbarsho iyo xoriyad ee caasimadu lahayd. Waxaa la sheegay in sanadkii 1950kii tirada Dadka Afrikan Ameerikanka ah ee ku dhaqan Filadelfiya iyo nawaaxigeeda kor u dhaafeysay labo milyan.

Guud ahaan, Caasimada Filadelfiya waa xarunta dhaqaalha iyo dhaqdhaqaaqa ee gobolka Pennsylvania, waana hooyga todobo ka mid ah Shirkadaha Fortune 1000. Dhismayaasha dhaadheer ee badhtamaha iyo nawaaxiga caasiamada ayaa ah kuwo aad u sii badanaya, waxaanay magaaladani leedahay qaar ka mid ah dhismayaasha ugu dhaadheer wadanka Maraykanka iyo dunida.[12] Caasimadani waxay caan ku tahay hidaha iyo dhaqanka, taariikhda, dalxiiska (ayadoo la sheegay iney soo siyaartaan dad ka badan 39 milyan sanadkii 2013ka).[13][14] beerta raaxada iyo dalxiiska Fairmount Park waa deegaanka ugu balaadhan aduunka ee ku dhexyaala magaalo.[15] Sidoo kale waxay caasimadu leedhay 67 meelood oo taariikhi ah, kuwasi oo Filadelfiya ka dhigay meesha koowaad ee ugu dalxiiska badan wadanka Maraykanka gudahisa, isla markaana ka hesha tiro lacag ah oo dhan $10 bilyan dollarka Maraykanka.[13] Philadelphia waa meesha lagu aasaasay ee hooyga u ah Ciidamada Milatariga Bada loo yaqaano United States Marine Corps,[16][17] sidoo kale waa xaruntii ugu horeeysay waxyaabo badan ooy ka mid yihiin librarygii ugu horeeyay (la dhisey 1731),[18] Cusbitaalkii ugu horeeyay (la dhisey 1751)[18] iyo midii ugu horeeysay ee laga furo dugsi caafimaad (sanadkii 1765),[19] magaalo-madaxdii kowaad (laga dhigey 1777),[18] meeshii koowaad ee laga furo Sarifka lacagaha Filadelfiya (1790),[18] iyo tii ugu horeeysay Beerta Xayawaanka (zoo) (1874),[20] iyo dugsigii ganacsiga ee ugu horeeyay wadanka (la furey 1881).[21] 7차 재난지원금 신청

Bulshada wax ka badal

Sida lagu sheegay tirokoob dowlada Maraykanku sameeysay sanadkii 2014ka waxaa caasimada Filadelfiya ku nool bulsho tiradoodu dhan tahay 1,560,297,[2] taasi oo u dhiganta 2.2% kordhitaan marka loo barbardhigo sanadkii 2010. Noocayada bulshada sanadkii 2013ka ku noolaa Filadelfiya waxay kala ahaaheeyn: 45.5% cadan (36.3% ahayn-Hispanic), 44.2% Madoow ama Afrikan Ameerikan, 0.8% dadka u dhashay qaarada ee loo yaqaano Hindida Cas, 6.9% Aasiyan, 0.1% ka soo jeeda gasiirada Hawaii, 2.4% iska dhal, iyo 13.3% Latino ah.[22][23]

Tirokoob Noocyada Bulshada 2010[24] 2000 1990 1980[25] 1970[25]
Cadan (marka lagu daro Cadaan Hispanik ah) 41.8% 45.0% 53.5% 58.2% 65.6%
—Cadaan Ahayn-Hispanic 36.9% 42.5% 52.1% 57.1% 63.8[26]
Madoow ama Afrikan Amerikan 43.6% 43.2% 37.8% 39.9% 33.6%
—Madowg ahayn-Hispanic 42.2% 42.6% 39.3% 37.5% 33.3%[26]
Dadka Asalka Ameerika 0.5% 0.3% 0.2% 0.1% 0.1%
Aasiyaan 6.3% 4.5% 2.7% 1.1% 0.3%
Ka soo jeeda Hawaii ama Gasiiradaha 0.0% 0.0% 0.0%
Noocyo kale 5.9% 4.8% 3.7% 2.7% 0.4%
Dadka iska-dhalka 2.8% 2.2% n/a[27] n/a[27] n/a
Hispanik ama Latino (dhamaantood) 12.3% 8.5% 5.6% 3.8% 2.4%[26]

Muuqaalka Filadelfiya wax ka badal

 
Bilicda caasimada Filadelfiya
 
Muuqaalka dabaqyada dhaadheer ee caasimada Filadelfiya 2009kii

Magaalooyinka Maraykanka wax ka badal


Magaalooyinka Maraykanka  
Atlanta  · Austin  · Boston  · Baltimore  · Bloomington  · Kolumbus, Ohio  · Chicago  · Dallas  · Denver  · Detroit  · Houston  · Honolulu  · Kansas City  · Los Angeles  · Las Vegas  · Memphis  · Miami  · Minneapolis · New York  · Nashville  · Oakland  · Omaha  · Orlando  · Phoenix, Arizona  · Portland  · Philadelphia  · Rochester  · San Antonio  · Saint Paul  · San Diego  · Seattle  · San Fransisko  · Washington D.C


Gobolada Maraykanka  
Alabama  · Alaska  · Arizona  · Arkansas  · Delaware  · Florida  · Fermont  · Firjiniya  · Houston  · Gobolka Joorjiya  · Gasiirada Rhode  · Galbeedka Firjiniya  · Hawaii  · Idaho  · Illinois  · Indiana  · Iowa · Kansas  · Kentucky  · Kalifornia  · Kolorado  · Konektikat  · Koonfur Karolina  · Koonfur Dakota  · Louisiana  · Maine  · Maryland  · Massachusetts  · Mishiigan  · Minnesota  · Mississippi  · Missouri  · Montana  · Nebraska  · Nevada  · Hampshire Cusub  · Jersey Cusub  · Meksiko Cusub  · New York (gobol)  · Ohio  · Oklahoma  · Oregon  · Pennsylvania  · Tennessee  · Tegsas (Texas)  · Utah  · Wyoming  · Washington (gobol)  · Waqooyi Karolina  · Waqooyi Dakota

Tixraac wax ka badal

  1. Source U.S. Census Bureau: State and County QuickFacts. Data derived from Population Estimates, American Community Survey, Census of Population and Housing, State and County Housing Unit Estimates, County Business Patterns, Nonemployer Statistics, Economic Census, Survey of Business Owners, Building Permits.
  2. 2.0 2.1 2.2 "Nuqul Archive". United States Census Bureau. Waxaa laga kaydiyay the original March 31, 2015. Soo qaatay March 26, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  3. "Nuqul Archive". United States Census Bureau. Waxaa laga kaydiyay the original July 16, 2011. Soo qaatay February 2, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  4. "Nuqul Archive". United States Geological Survey. February 2, 2015. Waxaa laga kaydiyay the original Bisha Tobnaad 27, 2023. Soo qaatay January 31, 2008.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  5. "Nuqul Archive". U.S. Census Bureau. December 4, 2014. Waxaa laga kaydiyay the original July 9, 2011. Soo qaatay February 2, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  6. "Nuqul Archive". U.S. Census Bureau. December 4, 2014. Waxaa laga kaydiyay the original July 7, 2011. Soo qaatay February 2, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  7. "Nuqul Archive". U.S. Census Bureau. December 4, 2014. Waxaa laga kaydiyay the original July 15, 2011. Soo qaatay February 2, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  8. "Nuqul Archive". U.S. Census Bureau. December 4, 2014. Waxaa laga kaydiyay the original July 8, 2011. Soo qaatay February 2, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  9. "Nuqul Archive". U.S. Census Bureau. Waxaa laga kaydiyay the original April 4, 2015. Soo qaatay March 26, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  10. "Nuqul Archive". U.S. Census Bureau. Waxaa laga kaydiyay the original February 12, 2020. Soo qaatay March 26, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  11. Brookes, Karin; John Gattuso, Lou Harry, Edward Jardim, Donald Kraybill, Susan Lewis, Dave Nelson and Carol Turkington, Zoë Ross, ed., (Second Edition (Updated) ed.), APA Publications, pp. 21–22, ISBN 1-58573-026-2  Cite wuxuu adeegsadaa barameter hoos u dhaca |coauthors= (caawin); Maqan ama ebar |title= (caawin)
  12. . Visit Philadelphia http://www.visitphilly.com/articles/philadelphia/the-comcast-innovation-and-technology-center/. Soo qaatay April 3, 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  13. 13.0 13.1 . Visit Philadelphia http://www.scribd.com/doc/224082014/2014-Visit-Philadelphia-Annual-Report. Soo qaatay February 10, 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  14. Gateway to Public Art in Philadelphia Archived Agoosto 10, 2011 // Wayback Machine, Fairmount Park Art Association.
  15. http://www.csm.org/philadelphia.php. Soo qaatay September 17, 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  16. http://www.marines.com/history-heritage/timeline.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  17. . Philadelphia Media Network http://www.philly.com/philly/news/20141111_Marines_Corps_marks_its_founding_in_Philly_in_1775.html.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  18. 18.0 18.1 18.2 18.3 . USHistory http://www.ushistory.org/philadelphia/philadelphiafirsts.html. Soo qaatay April 30, 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  19. [1] Archived Luuliyo ama Luulyo 3, 2008 // Wayback Machine
  20. "Nuqul Archive". Philadelphia Zoo. Waxaa laga kaydiyay the original Bisha Saddexaad 30, 2015. Soo qaatay April 30, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  21. . The Wharton School of the University of Pennsylvania http://www.wharton.upenn.edu/about-wharton/. Soo qaatay April 30, 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  22. "Nuqul Archive". United States Census Bureau. Waxaa laga kaydiyay the original July 16, 2011. Soo qaatay March 15, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  23. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original July 16, 2011. Soo qaatay September 17, 2014.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  24. American FactFinder, United States Census Bureau. U.S. Census Bureau, 2010 Census http://factfinder2.census.gov/faces/tableservices/jsf/pages/productview.xhtml?pid=DEC_10_DP_DPDP1&prodType=table. Soo qaatay August 12, 2011.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  25. 25.0 25.1 Pennsylvania – Race and Hispanic Origin for Selected Cities and Other Places: Earliest Census to 1990
  26. 26.0 26.1 26.2 From 15% sample
  27. 27.0 27.1 United States Census Bureau. census.gov https://web.archive.org/web/20000510014718/http://www.census.gov/population/www/socdemo/race/racefactcb.html. Waxaa laga kaydiyay the original May 10, 2000. Soo qaatay January 31, 2011.  Maqan ama ebar |title= (caawin)