Awood

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobkaan, eeg Awood.
Hilaacu waa nooc ka mid ah Awooda, waxaa loo yaqaanaa Awooda Korontada.

Awood (ingiriis: Force) waa astaamaha kartida shay leeyahay. Guud ahaan awooda waxaa loo qaybiyaa Awood Socota (kinetic Force) iyo Awood Kaydsan] (potential energy), laakiin intaas uun kuma koobna ee waxaa jira noocyo badan oo awood ah, sida: Awooda Korontada, Awooda Codka, Awooda Ileyska, Awooda Kulka, Awooda Cufisjiidadka, Awooda Falgalayasha iyo kuwo kale oo badan.

Si waafaqsan heshiiska Nidaamka Caalamiga ee Halbeega ee loo yaqaano SI, magaca halbeega lagu cabiro awooda dhamaanteed waa Juul oo astaantiisu tahay j; inkastoo qeybaha kala duwan ee awooda loo isticmaalo cabir halbeegyo kala duwan. Tusaale ahaan, dhererka waxaa lagu cabiraa mitir, awooda socota ee dhererka waxaa lagu cabiri mitir-juul.

Guud ahaan, noocyada awooda intooda u badan waa la isku bedeli karaa ayadoo la isticmaalayo habab kala duwan. Awooda korontada waxaa loo bedli karaa awood kul, awood cod iyo awood iftiin iyo noocyo kale oo badan. Laakiin waxaa jira noocyo badan oo awooda ka mid ah oon la bedeli karin, sida awooda awooda cufisjiidadka lama bedeli karo.

Shey kasta oo leh cuf taagan (rest mass) wuxuu la mid yahay awood taagan (rest energy) waxaana lagu xisaabin karaa qaacidada saynisyahanka Albert Einstein's E = mc2.

Dhinaca kale, noolaha dhamaantiis wuxuu u baahan yahay awood diyaar ah si uu u noolaado; bani-aadamku wuxuu ka helaa awooda cuntada taas oo la falgasha Ogsajiin. Sidoo kale, ilbaxnimo ama xadaarad kasta waxay u baahan tahay illo awoodeed, sida Kheyraadka Dabiiciga ah ee shidaalka, saliida, dhuxul dhagaxa ka midka yahay.

Meerahan aan ku nool nahay ee dhulka wuxuu awooda inta ugu badan ka helaa Qoraxda qaab iftiin ama ileys ah.

Ilaahay awood weyn buu leeyahay[1].

Jaadyada Awooda wax ka badal

Isku-bedelka Awooda wax ka badal

Sharciga Awooda wax ka badal

Qiyaasta Awooda wax ka badal

Tixraac wax ka badal