Open main menu

Madaxweyne (Af-Carabi: رئيس; Af-Taliyaani: presidente; Af-Ingiriis: president) waa madaxa ugu sareeya ee dowlada wadan ama dal. Sida caadiga ah, madaxweynuhu waxa uu madax u yahay dhamaan xubnaha dowlada oo dhan. Waxaa mararka qaar dhacda in ra'iisul wasaaruhu ka awood sareeyo madaxweynaha. Si kastaba ha ahaatee, madaxweynuhu waxaa inta ugu badan ku soo baxaa doorasho shacabka ama golle.

Dhinaca kale, ereyga "madaxweyne" waxaa sidoo kale isticmaala ururada madaxa banaan, shirkadaha ganacsiga iyo xisbiyada; kuwaasi oo macnaha ereygu u taagan yahay "qofka ugu sareeya ururkaasi ee go'aanka ugu dambeeya gaadhi kara".

Qoraalka gudaha oo kooban

SharaxaadEdit

Madaxweyne waa taliyaha ugu sareeya ee dowlad kaasi oo ku soo baxa doorasho shacab ama golle. Madaxweynuhu wuxuu talada heyn karaa wakhti go'an oo inta ugu badan u dhexeysa 4 sano ilaa 8 sano. Inta ugu badan dowlada caalamku waxay leeyihiin madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen kuwaasi oo talada la wareega wakhti isku mid ah. Hadii madaxweynaha wax gaadhaan ama geeriyoodo waxaa talada dalkaas la wareega madaxweyne ku xigeenka.

La XidhiidhaEdit

Sidoo kale fiiriEdit

TixraacEdit

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: