Kani waa maqaal ku saabsan magaalada Dallas ee wadanka Maraykanka.

Dallas (/ləs/) waa magaalo aad u weyn oo ku taala gobolka Tegsaas ee wadanka Maraykanka. Magaalada Dallas waa tan 4aad ee ugu weyn magaalooyinka wadanka Maraykanka marka loo eego baaxad ahaan, laakiin waa mida 3aad ee ugu dadka badan gobolka Tegsas, marka laga reebo Houston iyo San Antonio.[8][9]

Dallas, Tegsas
Caasimada Dallas
Kor ilaa hoos, midig ilaa bidix: Farasmaaglka Dallas, dhismayaasha badhtamaha magaalada, Old Red Museum, Beerta NorthPark, Guriga Martida Dallas, Hooyga Farshaxanka Dallas, Aqalka Ciyaarta Opera, Xarunta Sayniska Dallas, Astaanta gobolka Texas, Istaadiyaamka magaalada Dallas, beerta quruxda magaalada, iyo xarunta diyaaradaha Dallas
Flag
Seal
Nickname(s): 
"D Wayn"
Dallas, Tegsas is located in Earth
Dallas, Tegsas
Dallas, Tegsas
Meesha Dallas County kaga taalo gobolka Texas
Deegaan United States
StateTegsas
CountyDallas
Dowlada HooseFebraayo 2, 1856
KoontiyadaDallas, Collin, Rockwall
Dowlada
 • NuucaMaamulka Golaha
 • BodyGolaha Degmada Dallas
 • Duqa magaaladaEric Johnson
Area
385.8 sq mi (999.3 km2)
 • Land340.5 sq mi (881.9 km2)
 • Water45.3 sq mi (117.4 km2)
Joogga
430 ft (131 m)
Tirada dadka
 • Caasimad1,197,816
 • Estimate 
(2014)[2]
1,281,047
 • Rank(US: 9aad)
 • Cufnaanta dadka3,645/sq mi (1,407/km2)
 • Urban
5,121,892 (6aad)
 • Metro
6,954,330 (4aad)
 • Bulsho
Dallasite
Aag saacadeedUTC-6 (Central)
 • Xagaa (DST)UTC-5 (Central)
Area Kodhe214, 469, 972, 682, 817[3][4]
FIPS code48-19000[5]
Astaanta GNIS1380944[6]
ZIP kodh752,753
Websitedallascityhall.com

Jiritaanka caasimadan waxay ka soo unkantay taariikh ahaan waa helitaanka iyo qodida saliida iyo cudbiga, waxaana aad u caawiyay ineey korto oo fido wadooyinka tareenka ee iskugu yimaada badhtamaha magaalada. Intaas waxaa dheer, magaaladani waxay fadhi u tahay dowlada Dallas County, laakiin waxay gaadhsan tahay ilaa Kolin County, Denton County, Kaufman County iyo Rockwall county, kuwaasi oo dhamaan ku hareersan magaalda. Tiro koob dadka ah oo dowlada wadanka Maraykanku sameeysay sanadkii 2010ka ayaa lagu ogaaday in magaalada Dallas leedahay shacab ku dhaqan oo gaadhaya ilaa 1,197,816, midaasi oo sii kortay sanadihii xigay ilaa sanadkii 2014ka la sheegay in shacabka magaaladu gaadheen 1,281,047.[10]

Hordhac wax ka badal

 
Wadada Elm goor habeen ah, Janaayo 1942

Xaga dhaqaalaha waxaa la sheegay in Dallas tahay magaalada 6aad ee ugu dhaqaalaha badan wadanka Maraykanka, mida koowaad ee 12ka kowni ee la isku yidhaahdo "DWP", iyo mida 3aad ee ugu awooda badan gobolka Tegsas. Waxaana sanadkii 2013ka lagu xusay dhaqaalaha magaaladan GDP of $448 bilyan.[11] Sidoo kale waxay Dallas tahay magaalada ugu koritaanka badan ee wadanka Maraykanka; iyo mid ka mid ah afarta magaalo ee ugu shaqada badan dalkaasi dhexdiisa, (waxaa ka horeeya oo kali ah magaalooyinka New York, Los Angeles and Chicago)[12]

 
Dhimayaasha ugu dhaadheer magaalada Dallas

Dhaqaalaha magaalada Dallas wuxuu ku dhisan yahay ganacsiga, wershadaha, tamarta, teknoolojiyada casriga ah, bankiyada, soo saarida koombuyuutarada, isgaadhsiinta, caafimaadka iyo cilmi-baadhista. Waxaana degan magaaladan qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn wadanka Maraykanka, sida "Fortune 500"[13] Waxaa magaaladan loo aqoonsaday wakhtiyada dambe ineey Dallas tahay mid ka mid ah caasimadaha ugu waaweyn dunida, ayadoo ah magaalo caalami ah,[14] iyo mida 14aad ee ugu GDP sareeysa caalamka.[15] Magaalada Dallas waxay dhacdaa waqooyiga gobolka Tegsas, waana xarun weyn oo isgaadhsiin gaadiidka cirka iyo dhulka, waxayna isku xidhaa deegaanada koonfurta gobolkaasi iyo waqooyiga. Intaas waxaa dheer, magaalada Dallas waxay leedahay mid ka mid ah gego diyaarad kuwa mashquulka badan caalamka, halkaasi oo tiro badan oo diyaarado ah isku weeydaartaan saacad kasta.[16]

Taariikhda wax ka badal

Guud ahaan, gobolka Tegsas eey ku taalo magaalada Dallas waxaa kumanaan sano ku soo noolaa Dadka Asalka Ameerika, Hindida Cas, qabiilo kale oo loo yaqano Kaddo iyo dad kale oo tiro yar. Qiyaastii qarnigii 15aad ayaa waxaa deegaankaasi qabsaday guymaystihii boqortooyada Isbayn kuwaasi oo deegan ku noqday. Ka dib, badhtamihii qarnigii 18aad ayaa waxa soo gaadhay deegaankaasi dad badan oo ka soo qaxay wadanka Faransiiska sababo la xidhiidha kacdoonadii ka socday Faransiiska wakhtiyadaasi.

 
Mid ka mid ah isgoysyada ugu caansan magaalada Dallas; isgoyska I-635

Walool aanu ka tirsanayn dowladii Maraykanka ee wakhtigaasi, waxaa deegaanka Tegsas intiisa u badan hoostegayeen maamulka dowlada Meksiko oo goortaasi ka tirsanaa Boqortooyada Isbayn. Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 1819kii ayaa heshiiskii "Adams-Onis" dowlada Maraykanka iyo Isbayn ku kala saxeexdeen in Webiga Mississipi wixii ka xiga xadka koonfureed ka tirsan yahay maamulka "New Isbayn".[17]

 
Gegada Diyaaradaha Dallas

Deegaankaasi wuxu hoostegayay maamulka Isbaanishka ilaa sanadkii 1821kii, goortaasi oo Meksiko ku dhawaaqdey xoriyadeeda. Waxaana lagu xisaabshey in Tegsas ka tirsan tahay wadanka Meksiko. Laakiin sanadkii 1836kii ayaa waxaa soo baxay Jamhuuriyada Tegsas oo u badan dad ku hadlayay luuqada Ingiriiska, kuwaasi oo xoriyad xoog ah ka qaatey wadanka Meksiko.[18] Sanadkii 1839kii ayaa waxaa indho-indheeyay deegaanka maanta tahay Dallas nin lagu magacaabi jirey Warren Angus Ferris, kaasi oo soo bandhigay in laga dhiso magaalo maadaama deeganku taageerayo dhismaha iyo korodhka deegaan lagu dhaqo bulsho. Ka dib, sanadkii 1841kii ayaa magaca Dallas loo bixiyey deegaankaasi, isla markaana laga taagey dhismihii ugu horeeyay. Jamhuuriyada Tegsas waxay la midoowday wadanka Maraykanka sanadkii 1845kii, goortaasi oo la aasaasay doowlad hoose ee Dallas County. Waxaana caasimad ahaan loo magacaabay Febraayo 2, 1856.

Markii la dhisay wadooyinka tareenka ayaa waxay magaaladu yeelatay ganacsi aad u koraya iyo wershado isa soo taraayay. Wakhti yar gudaheed waxay magaalda Dallas noqotey xarun ganacsiga iyo dalxiiska aad ugu fiican, midaasi oo soo jiidatay tiro badan oo shacab ah.

Muuqaalka Magaalada wax ka badal

 
Muuqaalka farasmagaalaha magaalada Dallas, Tegsas
 
Muuqaal kale magaalada Dallas

Magaalooyinka Maraykanka wax ka badal


Magaalooyinka Maraykanka  
Atlanta  · Austin  · Boston  · Baltimore  · Bloomington  · Kolumbus, Ohio  · Chicago  · Dallas  · Denver  · Detroit  · Houston  · Honolulu  · Kansas City  · Los Angeles  · Las Vegas  · Memphis  · Miami  · Minneapolis · New York  · Nashville  · Oakland  · Omaha  · Orlando  · Phoenix, Arizona  · Portland  · Philadelphia  · Rochester  · San Antonio  · Saint Paul  · San Diego  · Seattle  · San Fransisko  · Washington D.C


Gobolada Maraykanka  
Alabama  · Alaska  · Arizona  · Arkansas  · Delaware  · Florida  · Fermont  · Firjiniya  · Houston  · Gobolka Joorjiya  · Gasiirada Rhode  · Galbeedka Firjiniya  · Hawaii  · Idaho  · Illinois  · Indiana  · Iowa · Kansas  · Kentucky  · Kalifornia  · Kolorado  · Konektikat  · Koonfur Karolina  · Koonfur Dakota  · Louisiana  · Maine  · Maryland  · Massachusetts  · Mishiigan  · Minnesota  · Mississippi  · Missouri  · Montana  · Nebraska  · Nevada  · Hampshire Cusub  · Jersey Cusub  · Meksiko Cusub  · New York (gobol)  · Ohio  · Oklahoma  · Oregon  · Pennsylvania  · Tennessee  · Tegsas (Texas)  · Utah  · Wyoming  · Washington (gobol)  · Waqooyi Karolina  · Waqooyi Dakota

Tixraac wax ka badal


  1. American FactFinder United States Census Bureau
  2. Population Estimates, United States Census Bureau, May 25, 2015
  3. Dallas
  4. City Dallas
  5. United States Census Bureau, January 31, 2008, American FactFinder
  6. January 31, 2008, US Board on Geographic Names, United States Geological Survey, October 25, 2007
  7. USPS, Zip Code Lookup
  8. Texas Almanac | Texas State Historical Association | Facts, Profile & Rank; TexasAlmanac.com, May 11, 2013
  9. Largest 100 US cities, City Mayors, May 17, 2012
  10. Dallas-Fort Worth-Arlington, TX MSA Population, U.S. Census Bureau
  11. "Real GDP, US Dept of Commerce, March 29, 2015". Waxaa laga kaydiyay the original Bisha Saddexaad 16, 2016. Soo qaatay Bisha Sagaalaad 5, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |access-date=, |archive-date= (caawin)
  12. DFW Area Employment Oct. 2013, US Dept of Labor, December 5, 2013
  13. Fortune 500: Cities with 5 or more FORTUNE 500 headquarters (2010) – Retrieved on May 18, 2010
  14. Globalization and World Cities Research Network, Loughborough University GaWC – The World According to GaWC 2012, January 21, 2014
  15. Handbook of Texas DALLAS, TX, Jackie McElhaney and Michael V. Hazel, April 20, 2006
  16. Handbook of Texas, DALLAS, TX, Jackie McElhaney and Michael V. Hazel, April 20, 2006]
  17. Herbert Eugene Bolton, Athanase de Mezieres and the Louisiana-Texas Frontier 1768–1780, Arthur H Clark Company, 1914, Cleveland
  18. Handbook of Texas Republic of Texas, Joseph Milton Nance, September 25, 2006