Somaliland portal
Somaliland portal

Hiddaha iyo Dhaqanka Sooyaal Juqraafi Taariikh Xisaab Saynis Bulsho Farsamo Falsafad Diimaha Tusmo Cunto

Portalka Somaliland

Calanka Somaliland
Calanka Somaliland
Astaanta Ciidanka Somaliland
Astaanta Ciidanka Somaliland
Meesha dhacdo

Somaliland (Af Carabi : ar‎) sida dowliga ah loo yaqaano Jamhuuriyada Somaliland, waa dowlad iskeed isugu dhawaaqday madaxbanaanid oo caalamka u aqoonsan ismaamul goboleed ka mid ah Soomaaliya. Somaliland waxee ku taala Geeska Afrika, waxay xad la leedahay Jabuuti, Itoobiya iyo Puntland. Somaliland waxey kamid tahay dhulkii soomaalida ee Ingiriisku gumaysan jirey. Waxeyna xornimadda qaadatey Juun 26 1960 afar maalmood ka dibna waxay la midowday Soomaliya inteeda kale oo Talyaanigu guumeysan jiray. magaalada caasimada wa Hargaysa oo ah caasimadda labaad ee Soomaaliya. Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur oo ahaan jirey hogaamiyihii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliyeed SNM, ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynahii ugu horeeyay ee maamulka Somaliland. Waxaa ku xigey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaaloo noqdey Madaxweynihii Labaad ee Somaliland, waxaana ka danbeeyay Daahir Rayaale Kaahin. Kahina waxa ku xigay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Madaxweynaha maanta waa Muuse Biixi Cabdi. Somaliland waxaa ka jira saddex xisbi siyaasadeed oo kala ah Kulmiye, Wadani iyo UCID.

Maqaal xul ah

Magaalada Borama
Boorama (sidoo kale loo yaqaano Borame iyo Boorame) waa magaalo madaxda gobolka Awdal ee waqooyi-galbeed Somaliland, iyo fadhiga dowlada Degmada Boorama. Boorama waxay u dhowdahay xadka Itoobiya iyo Jabuuti. Magaaladan waxaa degan dad gaaraayo in ka badan 200,000 oo qof. Boorama waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu taariikhda dheer dalka Somaliland, waa dhulkii eey maamuli jireen saldanadii Adal. Deegaanka magaaladu ku taalo waa dhul sare oo buuroleey ah, midaasi oo ka dhigta qaboow wakhtiga jiilaalka.

Magaalada Boorama waa saldhiga waxbarashada dalka Somaliland, waxaa ku yaala dugsiyo, koolejyo iyo jaamacado badan; midaasi oo sababtay in Boorama loo bixiyo "hooyga waxbarashada shacabka Soomaaliyeed". Borama waxa ku yaala Jaamacada ugu wayn waqtigan dalka Soomaaliya ee Jaamacadda Camuud. Intaasi waxaa dheer in Borama tahay meeshii lagu aasaasay heshiisyadii beelaha waqooyiga Soomaaliya ka dib dagaaladii sokeeye ee 1991kii.

Sawir xul ah

Magaalada Hargeysa
Magaalada Hargeysa
Hargeysa waa caasimada dalka Somaliland. Wakhtiyadii hore, magaalada Hargaysa waxay ka tirsanayd maamulkii Saldanadii Cadal ee ka arimin jirey deegaano badan ee ku taala Somaliland. Boqortooyadii Ingiriiska ayaa magaalada Berbera ka dhigay magaalo madaxdii British Somaliland, waxa sanadkii 1941 lagu wareejiyay magaalo madaxda caasimada Hargeysa.

Maqaalo

Portal la xidhiidha

Mashaariic Bahwadaag

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia ee qodobkaan raacsan:

Wikibooks
Buugaag

Commons
Sawirro

Wikinews 
Warar

Wikiquote 
Oraahaha

Wikisource 
Qoraal

Wikiversity
Xogaha waxbarashada

Wikivoyage 
Hagaha safarrada

Wiktionary 
Qaamuus

Wikidata 
Liiska caddeymaha

Wikispecies 
Abla-ablayn

Hooyga muhiimka ah:
Qaaradaha:

Aasiya | Afrika | Antarktika | Ooshiyaaniya | Latin Ameerika | Woqooyiga Ameerika | Yurub |

Portal Bahwadaag la ah:

Carabta | Hiddaha iyo Dhaqanka | Af-Soomaali | Siyaasadda |

Sidoo kale:

Soomaaliya

Bulsho ] Hooyga ]