Dul Madooba (Af Ingiriis : Dul Madoba) waa silsilad buuroley taasi oo dhererkeedu le'eg yahay ilaa 40 kilometres (25 mi) kana soo bilaabanta koonfurbari magaalada Burco ee waqooyigalbeed wadanka Soomaaliya. Buuraha Dul Madooba waxaa ka dhacay dagaalo caan ka ah deegaanadaasi.

Dagaalada

 
Ciidamada Ingiriiska oo saaran geel

Sida lagu sheegay buugaag laga qoray waxaa dagaal adag dhex maray ciidamadii Boqortooyadii Ingiriiska iyo ciidamadii Diiriye Guure. Dagaalkaasi waxaa ka qeybqaatay ragga Diiriye Guure iyo nin caan ahaa oo la odhan jirey Richard Corfield.

Dagaalkaasi waxaa si daran loogu jabiyay ciidamdii Ingiriiska waxaana meeshaas lagu dilay abaanduulihii ciidanka Ingiriiska.

Guusha ay heleen daraawiishta iyo sidii loo jabiyay gumaystahaasi ayaa emiirka Diiriye Guure ka tiriyay gabaygiisa caanka ahaa:

Adaa Koofilow jiitay aan dunida joogayne

Adigaa jidkii laguu waday jimic la'aaneede
Jahanama la geeyow haddaad aakhiro u jihato
Nimankii jannow kacay war bay jirin insha'allahuye
Jameecooyinkii iyo hadaad jowhartii aragto
Sida Eebbahay kuu jirrabay mari jawaabteeda
Daraawiish jikaar nagama deyn tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh
Waxay noo janjuunteenba waa jibashadiinnii dheh
Jigta weerar bay goor barqaa nagu jiteeeyeen dheh
Anigana jikrey ila heleen shalay jihaadkii dheh
Jeeniga hortiisey rasaas, igaga jiideen dheh
Jidheeyadey ila dhaceen jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego
Billaawuhu siduu kuu jarjaray jiirarka u muuji
Nafjeclaysigii baan ku iri jaallow iga daa dheh
Jaljalleecadii baa wadnaha jeex i soo ruqay dheh
Jeedaaladii baa indhuhu kor u jillaadeen dheh
Jimic kagama helin tuugmadaan jiriyey ruuxii dheh
Markaan juuq iraahdaba afkey iga jifeeyeen dheh
Dhaxaan jalaadee dheg baan jalaq la ii siin dheh
Goortaan jarreerana gefoo nolol ka jaanqaaday
Sida janannadii hore tashigu igu jaguugnaa dheh
Taladii jinnigu ii horkacay jisadeed helay dheh
Jiidaha xanuunka leh markii la igu jeeraarshey
Jibaadka iga soo baxay dadkii jiifka qaban waa dheh
Markay rubaddu jaw tiri or bay iga ag jiibsheen dheh
Jirkaygii bahal baa cunoo jiitay hilibkii dheh
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa jugux ka siiyaa dheh
Jiljillaadiyo seedaha tukay igaga jaadeen dheh
Haddaan lays jikaareyn tolkay laga jil roonaa dheh
Weligood waxaa lagu jaraa jilibdhig duullaan dheh

Daraawiishi waa jibindhowga iyo jowga soo bixi dheh


Sidoo kale fiiri

Tixraac

Xigasho

  • "Nuqul Archive". Happy Tours. Waxaa laga kaydiyay the original 15 Bisha Lixaad 2013. Soo qaatay 13 June 2013.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)