border=#000000
Warbixin Guud   Juqraafiga


Yurub (Af Ingiriis : Europe; Af Carabi : ar‎) waa qaarada ugu xigta dhinaca galbeed ee arliga weyn ee la isku yidhaahdo "Eurasia" kaasi oo ka kooban qaarada Aasiya iyo Yurub. Qaarada Yurub waxaa dhinaca waqooyi ka dhaca Bada Arktik, dhinaca galbeedka waxaa ka xiga Badweynta Atlaantik, dhinaca koonfureed waxaa ka dhaca Bada Mediterraniyan. Si kastaba ha ahaatee, dhinaca bari iyo koonfurbari qaarada Yurub waxaa inta ugu badan loo yaqaanaa Xadka Qaaradaha; taasi oo laga wado meesha qeybisa qaarada Aasiya iyo Yurub. Sida caadiga ah labada qaaradood ee Aasiya iyo Yurub waa kuwo isku-xidhan deegaan ahaan; waxaana badhtanka u dhaca wadano dhowr ah oo ka mid tahay wadanka Turkiga oo labada qaaradoodba ka tirsan.

Guud ahaan, qaarada Yurub waxay ku fadhidaa deegaan dhan 10,180,000 square kilometres (3,930,000 sq mi), ama 2% oogada sare ee Dhulka (taasi oo u dhiganta 6.8% dhulka aduunka). Dhinaca siyaasada, qaarada Yurub waxaa ku yaala ilaa 50 dowladood oo madax-banaan, kuwaasi oo wadanka Ruushka noqonayo kan ugu weyn ee ugu bulshada badan - taasi oo qiyaas ahaan noqon karta 39% dhulka qaarada iyo 15% bulshada qaarada. Dhinaca kale, qaarada Yurub waxaa ku nool dad dhan 740 million (qiyaastii ilaa 11% bulshada aduunka) tirokoob 2012.) Taariikh ahaan, qaarada Yurub waxay leedahay taariikh dheer oo ka soo bilaabanta wakhtiyadii ilbaxnimada ugu horeeysay, inkastoo dadka reer Yurub aad u horumareen markay bilaabantey kacaankii wershadaha.

Muuqaal xul ah

Interior of the Colosseum
Interior of the Colosseum
Xuquuqda sawirka: Paolo Costa Baldi

Muuqaalka guud ee Qasriga Colosseum in Roma, wadanka Talyaaniga. Qasrigan waxaa la dhisay badhtamihii qarnigii 1aad ee C.D ilaa maantana wuxuu ka mid yahay dhismayaasha ugu badan dalxiiska.



Maqaal xul ah

Turkiga (Af-Turki: Türkiye; Af Carabi : ar‎) sida dowliga ah loo yaqaano Jamhuuriyada Turkiga, waa wadan aad u balaadhan waxa uu ku kala yaala labad qaaradood ee Aasiya iyo Yurub wadanka

Turkigu waxa uu xuduud la leeyhay Joorjiya, Iran, Armiiniya, Azrabijan dhinaca bari dhinaca koonfur waxa uu xuduud kala leeyahay dalalka, Ciraaq Suuriya iyo bada dhexe dhinaca galbeed waxaa ka xiga wadan giriiga iyo wadanka Bulgaariya iyo bada loo yaqaano eeje, dhina waqooyi waxaa ka xiga bada madaw,waxa uu ahaa turkigu mid ay maa musho dawladii cismaaniyuuntu ilaa 1922 markaas oo la sameeyay dawladan turkiga ee aynu manta naqaano, dawladaas oo uu sameeyay ninkii la odhan jiray Mustafa Kemal Atatürki. Magaca Turkiya waxa uu kasoo jeedaa laba kalmadood oo laysisaaray oo kala ah kalmada Turk oo ah kalmada tilmaamaysa shacab waynaha Turkiga iyo kalmada iye oo ka hadlaysa wexeenaa markaa magacu macna ahaan waxa uu noqonayaa Turkiyadeenii. Wadanka Turkiga intii kahoraysay sanadkii 1922 waxaa maamulaysa Dawlada Cosmaniya. Kadib markii ay bur burtay Dawladii Suluuqiyiinta waxa samaysamay Dawladi Sismaaniyiinta.


Sawir xul ah

An aerial view of the fortress
An aerial view of the fortress
Xaquuqda sawirka: Godot13

Qasriga Peter and Paul Fortress (ee kaligiis ku yaala gasiirada Zayachy Island), waa qasri qadiimi ah oo ku yaala gasiirad ka tirsan degmada Saint Petersburg, ee wadanka Ruushka.

Mashaariic Bahwadaag

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia ee qodobkaan raacsan:

Wikibooks
Buugaag

Commons
Sawirro

Wikinews 
Warar

Wikiquote 
Oraahaha

Wikisource 
Qoraal

Wikiversity
Xogaha waxbarashada

Wikivoyage 
Hagaha safarrada

Wiktionary 
Qaamuus

Wikidata 
Liiska caddeymaha

Wikispecies 
Abla-ablayn

Hooyga muhiimka ah:
Qaaradaha:

Aasiya | Afrika | Antarktika | Ooshiyaaniya | Latin Ameerika | Woqooyiga Ameerika | Yurub |

Portal Bahwadaag la ah:

Carabta | Hiddaha iyo Dhaqanka | Af-Soomaali | Siyaasadda |

Sidoo kale:

Soomaaliya

Bulsho ] Hooyga ]