Yurub (Af Ingiriis : Europe; Af-Carabi: أوروبا‎) waa qaarada ugu xigta dhinaca galbeed ee arliga weyn ee la isku yidhaahdo "Eurasia" kaasi oo ka kooban qaarada Aasiya iyo Yurub. Qaarada Yurub waxaa dhinaca waqooyi ka dhaca Bada Arktik, dhinaca galbeedka waxaa ka xiga Badweynta Atlaantik, dhinaca koonfureed waxaa ka dhaca Bada Mediterraniyan. Si kastaba ha ahaatee, dhinaca bari iyo koonfurbari qaarada Yurub waxaa inta ugu badan loo yaqaanaa Xadka Qaaradaha; taasi oo laga wado meesha qeybisa qaarada Aasiya iyo Yurub. Sida caadiga ah labada qaaradood ee Aasiya iyo Yurub waa kuwo isku-xidhan deegaan ahaan; waxaana badhtanka u dhaca wadano dhowr ah oo ka mid tahay wadanka Turkiga oo labada qaaradoodba ka tirsan.

Kariirada Yurub

Guud ahaan, qaarada Yurub waxay ku fadhidaa deegaan dhan 10,180,000 square kilometres (3,930,000 sq mi), ama 2% oogada sare ee Dhulka (taasi oo u dhiganta 6.8% dhulka aduunka). Dhinaca siyaasada, qaarada Yurub waxaa ku yaala ilaa 50 dowladood oo madax-banaan, kuwaasi oo wadanka Ruushka noqonayo kan ugu weyn ee ugu bulshada badan - taasi oo qiyaas ahaan noqon karta 39% dhulka qaarada iyo 15% bulshada qaarada. Dhinaca kale, qaarada Yurub waxaa ku nool dad dhan 740 million (qiyaastii ilaa 11% bulshada aduunka) tirokoob 2012.) Taariikh ahaan, qaarada Yurub waxay leedahay taariikh dheer oo ka soo bilaabanta wakhtiyadii ilbaxnimada ugu horeeysay, inkastoo dadka reer Yurub aad u horumareen markay bilaabantey kacaankii wershadaha.

Hordhac

Qaaradda Yurub waa mid kamida qaaradaha shanta ah juquraafi ahaan waa qarad u eeg ama jaziirad u eeg. Waxa ay dhererantay ilaa buuraha oral waa dhanka bari iyo Bada Qaswiin.

Wadanada

  1.  Albaniya
  2.  Andorra
  3.  Armania
  4.  Austriya
  5.  Ayslaan
  6.  Belarus
  7.  Beljim
  8.   Boland
  9.   Boosniya
  10.   Bulgariya
  11.   Burtuqaal
  12.   Denmark
  13.   Estoniya
  14.   Faransiiska
  15.   Finlan
  16.   Giriig
  17.   Holland
  18.   Hungari
  19.   Ireland
  20.   Islofaakiya
  21.   Islofeeniya
  22.   Isbayn
  23.   Iswiidhan
  24.   Jarmalka
  25.   Iswisarlan
  26.  Jamhuriyada Makedonia
  27.  Jamhuuriyadda Tashik
  28.   Joorjiya
  29.   Jasiirada Qabrus
  30.   Kosofo
  31.   Kroweeshiya
  32.   Latfiya
  33.   Lekhtanishtayn
  34.   Lithuaniya
  35.   Luksemburg
  36.   Malta
  37.   Moldofa
  38.   Monako
  39.   Montenegro
  40.   Norwey
  41.   Romaniya
  42.   San Marino
  43.   Serbia
  44.   Talyaaniga
  45.   yukrayn

Sidoo kale fiiri

Linkiyo Kale

Tixraac


Dalalka Yurub  
Albania • Andorra • Armania • Aserbiijaan • Awstriya • Belarus • Beljim • Boland • Midowga Boqortooyada • Bortuqaal • Bosniya • Bulgaria • Denmark • Estoniya • Faatikan • Faransiiska • Finland • Giriig • Holland • Hungaria • Isbania • Islofaakiya • Isloveeniya • Iswisarland • Iswiidhan • Jarmalka • Joorjiya • Kosofo • Kroatia • Latfiya • Liechtenstein • Lithuaniya • Luksemburg • Makedonia • Malta • Monako • Montenegro • Norway • Romania • Ruushka • San Marino • Serbia • Talyaaniga • Jamhuuriyadda Tashik • Turki