Tirada maqaalada hadda ku jira ee Wikipedia Soomaaliga kuna saabsan Soomaaliya waa : 8 Maqaal.

  Soomaaliya
Astaanta Qaranka
Astaanta Qaranka
Calanka Soomaaliya
Calanka Soomaaliya

Soomaaliya, waxaa loo yaqaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Jamhuuriyadda eyada waxaa horay loo oranjiray Jamahuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliyeed, waa Dal dhaca Geeska Afrika. waxay xad kala wadaagtaa woqooyi galbeed Jabuuti, Kiinya Koonfur Galbeed, Gacanka Cadmeed Yemen woqooyi Badweynta Hindiya bariga iyo Itoobiya Galbeedka.

  Maqaal Gaar Ah

Dadka Soomaaliyeed (Af-Carabi: الصوماليون) waa dad ku nool Geeska Afrika Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxayna ku hadlaan Af-Soomaali Waana mid kamid ah Luqadaha Kushitiga Faraceeda Afro Aasiya.

Soomaalida Waxaa kala qaybiyey Gumeysigii qarnigii 19aad, kaas oo ukala qaybsaday 5 qaybood oo Kala ah:

Loona yaqaan Soomaaliweyn

Waxay wada leeyihiin dhaqan iyo luqad Ay wadaagaan. Somalida waxay ku kala nool yihiin, qurbaha iyo dhulka Soomaaliya gaar ahaan Soomaaliweyn .


  Magaalo Xul Ah

Muqdisho (Af-Taliyaani : Mogadiscio, Carabi: مقديشو, Xamar, Carabi: حَمَر) waa caasimada Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya, waxa ayna ku taalaa galbeedka Badweynta Hindiya, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo aay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay sadax jiho.

Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladani la aas'aasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.

Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta aan la qodin Kanaalka Suwees) iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari Magaalada Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo aay deganaayeen qabaail, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad.

  Shaqsi Xul Ah

Gen. Daauud Cabdulle Xirsi (1924-1965) wuxuu ahaa Janaraalkii ugu horeeye ee yeelato Soomaaliya isla markaasna ahaa taliyihii ugu horeeyey ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Janaraal Daauud wuxuu ku dhashay tuulada Mareeg ee ka tirsan gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya halkaas oo uu ku dhameeye aqoontiisa Qur'aanka asagoo da' yar ah. Mudo sanad ah asagoo ka shaqaynayaa xaafiiska Talyaaniga ee degmada Buuloburde ayuu wuxuu u gudbay magaalada Muqdisho, xoogaa kahor intaan la gaarin Dagaalkii Labaad ee Aduunyada. 1943dii wuxuu ku biiray Ciidamada Booliska ee Ingiriiska oo markaas hayste koonfurta Soomaaliya, Janaral Daauud waxaa uu ka gaare shaqadiisa ilaa barre (macalin) tababare ka ah Dugsiga Booliiska ee Xamarjajab.

Dagaalkii labaad ee Aduunka kadib, horaantii 1950meeyadii ayaa taliskii Talyaaniga ku soo noqde koonfurta Soomaaliyaayaa Janaraal Daauud ku guulayte imtixaan uu u galay leyli sarkaal. Waxaana loo qaaday dalka Talyaaniga halkaas oo uu ku soo dhamaystey tababarkii ciidan ee sarkaalnimada.








  Mashaariicda Bahwadaagta la ah
  Ma Ogtahay...

Dagaalkii xoraynta Soomaali Galbeed waxa uu ahaa dagaal dhexmaray somaliya iyo Itoobiya. Kaasoo u jeedada dagaalku u bilaabmay ay ahayd, khilaaf kataagnaa gobolka soomaalida ee Itoobiya amaba ogaden ee Soomaalida utaqaan Soomaali Galbeed. kadib markii ay fashilmeen dhamaan wada hadaladii siyaasadeed ee ku saabsanaa arinta gobolka ogaden ayaa ciidamada somaliya waxa ay weerar ku qaadeen wadanka Itoobiya.

Todobaadkii ugu horeeyayba waxa ciidamada soomaaliya u suurto gashay in ay gacanta ku dhigaan bartamaha iyo koonfurta gobolka Soomaali Galbeed.

Intii dagaalku socday waxa ay ciidamada soomaaliya marba marka kadanbaysa kasoo hooynayeen guulo isdaba joog ah waxa ay ciidamada soomaaliya eryanayeen ciidamada itoobiya ilaa ay laga gaaro goobta looyaqaano Sidamo.

Markii la gaadhay sebtembar sanadkii 1977 ciidamada soomaaliya waxa ay gacanta ku dhigeen dhamaan gobolka Soomaali Galbeed waxa kale oo ay qabsadeen goobo iyo magaalooyin muhima oo kabaxsan gobolka.

Kadib markii ciidamada soomaaliya ay go'doon galiyeen magaalda Harar waxa dagaalka soogalay oo kuuba isisoo garabtaagay wadankii la odhan jiray Midowga Sofiyet.

Sofiyeedku waxa uu taakulo dhanwalba leh siiyay ciidamada iyo dawladda Itoobiya, waxa kale oo uu sofiyeedku ugu deeqay itoobiya inkabadan 18,000 oo askari oo kayimi wadanka kuuba, taaso oo keentaya in ciidamadii soomaaliya dib loosoo jabiyo laguna qasbo in ay kabaxaan gobolka Soomaali Galbeed.

  Sawiro Xul Ah

Xiriirka Turkiga-Soomaaliya Sawirkaan wuxuu tilmaamayaa xiriir laba geesood ah ee udhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyadoo waliba la sii timaamay cadda danta wyn ku qabta.

Xiriirka Turkiga-Soomaaliya Sawirkaan wuxuu tilmaamayaa xiriir laba geesood ah ee udhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyadoo waliba la sii timaamay cadda danta wyn ku qabta.

  Oraah Xul Ah
  Wararka Soomaaliya
  Qaybaha
 Template
 Portal Bahwadaag
Commons
Xarunta filasha lawada wadaago
Wiki
Oraaho caan ah lana soo wariyey
Buugaag wiki
Buugaag Soomaali ah
 Bortal kale