Calanka SNM
Dagaalyahannadii SNM 1980-yadii.

Siyaasada xaadirka wax ka badal

SNM Dadkii u soo halgamay waxay ahaayeen saraakiil military oo ka goostay ciidankii kaligii taliyaha, siyaasiyiin, hobollo iyo shacab.

Dhanka saraakiisha militariga

• MAXAMED FAARAX XUSEEN MIRE (Axmed Faarax)

•Xasan Libaaxe

•Ibrahim Dhegaweyne,

•Maxamed Salebaan (MAGUBTE),

•Maxamed Xaashi Lixle,

•Cabdiqaadir Koosaar,

•Maxamed Xaaji Muuse (HARAG WAAFI),

•Axmed Mire,

•Cabdillahi Askar

•Xuseen Axmed Guuleed (Xuseen dheere)

•Aadan Sheekh Maxamed (Aadan Shiine)

•Mustafe Maxamed Xasan (Gacmadheere)

•Xasan Yonis Habane,

•Cawil Cadami,

•Maxamed Kaahin,

•Ismaciil Cali Abokor,

•Muuse Biixii Jaamac,

•Maxamed Cali,

•Axmed Xuseen Warsame (Maloosh)

•Cali Xuseen

•Xasan Kayd

•Cabdulahi Xuseen Iimaan (Darawal)

•Axmed Dhagax

•Faarax Siciid Sugule (Ifiso)

•Carab Ducaale

iyo askar badan oo aan lasoo koobi karin.

Dhanka siyaasiyiinta

Cabdiraxmaan Tuur

•Ibrahim Meygaag Samatar

•Xasan Ciise Jaamac

•Cabdisalaam Yaasiin

•Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)

•Axmed Ismaciil Cabdi (Duqsi)

•Axmed Maxamed Jaamac (Dable)

•Axmed Jimcaale Guuleed

•Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Sh.Madar

Dhanka abwaanada iyo fanaaniinta

•Cali Sugule (Duncarbeed)

•Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi)

•Cismaan Aadan Xuseen (Xuseen Askari)

•Yuusuf Aadan Xuseen

•Cali Xasan Aadan (Cali Banfas)

•Axmed Ismaciil Diiriye (Qaasim)

•Cabdixakiim Baraar

•Maxamed Mooge Liibaan

•Faysal Cumar Mushteeg

•Maxamed Yuusuf Cabdi

•Cabdinasir Macalin Caydiid

•Mustafe Macalin Caydiid

•Ibrahim Gadhle

•Axmed Diyaar Ismaciil

•Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan)

•Rashiid Buullo

•Muuse Aaye

•Maxamed Cige Ilbir

•Boon Xirsi

•Xuseen Cali Kaahin

•Cusmaan Cumar

•Wali Maxamed

•Hibo Axmed Qalinle

•Faysa Cabdi Xasan

•Faadumo Yuusuf Cabdi

•Xasan Cabdulahi Ganay

•Ismaaciil Cabdi Basbaas

•Cabdi Maxamed Jaamac

•Sahra Cali Xasan

•Canab Diiriye

•Xaamud Caydiid

Taariikhda snm wax ka badal

Marka laga hadlayo bilowgii dagaalka lama odhan karo waa wax sida makhaayad ama dukaan la furayo waqti go’an oo gaar ah bilaabmay. Ha jirto in rasmi ahaan ururkii SNM bishii April 1981 kii ‘London’ lagaga dhawaaqay. Laakiin colkayagii ilaa bilowgii la socday wuxu u ahaa maraaxil dheer oo isdaba j ooga oo marxalad waliba wejigeeda, waajibaadkeeda iyo duruufaheeda gaarka ah leedahay. Ku dhawaaqidda rasmiga ah waxa ka horreeyey maraaxil dheer oo isugu jiray baraarug, dareen, garasho nooca nidaamkii jiray iyo wixii laga qaban lahaa. Intii dareenku galay si ay u doodaan, wax isu tusaan, isu aaminaan waxay qaadatay waqti dheer oo dhib badan. Waxa lama huraan ahaa in waxaas oo dhanoo socda, haddana sirta laga qarsado nidaamkii jiray. Taasaa keentay habka xidhiidhka reernimada. Xidhiidhkaasi gudaha iyo dibeddaba wuu ka socday. Dibedda ayaa, sida la garan karo, u gacan bannaanayd. Waxaa dadkii qurba-joogga ahaa bilaabeen lajnado, gaar ahaan dalalka carabta iyo Ingriiska. Kuwii gudaha joogayna xidhiidho hoose oo qarsoodiya ayey lahaayeen: heer saraakiil, heer dhallinyaro aqoonyahan ah iyo heer siyaasiyiinta maamulka ku jirtay qaarkood. Intuba dadweynaha magaalooyinkii degaanka joogay (odayaal iyo wax garadba) xidhiidh bay la lahaayeen. Intaasoo hawl ahna waa in la asturaa. Markii ay arrintu heer gaadhay waa lala oggolaa inay dadkii dibeddu ku dhawaaqaan dhaqdhaqaaqa. Saraakiishii ugu sarsareysay S.N.M waxa kamid ahaa 1-Lixle 2-Koodbuur 3-Maxamed Cali 4-Maxamed Kaahin 5-Axmed Dhagax 6-Muse Bixi 7-Xasan Yonis