Mujaahid Maxamed xaashi diiriye (lixle)Sannadkasta Bisha Tobnaad 17keeda, waxa la xusaa oo loo asteeyey Maalinta Shuhadada SNM, Maalintaasoo ahayd Maalintii ay Mujaahidiin badan oo uu ka mid ahaa Halgamaagii weynaa Mujaahid Maxamed Xaashi (lixle) ay ku le’deen Dagaal ba’an oo ka dhacay Burco-duurray.[1][2]

sida loo xuso ilaa hada wax ka badal

Xuskii ugu weyna oo lagu qabtay Fagaaraha beerta xoriyada ee Magaalada Hargeysa, waxa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo],Wasiirada Warfaafinta Cabdilaahi Geel-jire, arrimaha gudaha Maxamed Cabdi Gaboose, hawlaha guud Xuseen Axmed Caydiid, Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aadan Maxamed Mirre [Waqaf],Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, maamulka jimciyada mujaahidiinta ee Sooyaal,qaar ka mid ah agoomihi ay ragoodi ku naf-waayeen halgankii qadhaadha ee dib u xoreynta dalka, xildhibaano ka kala socday labada Gole Baarlamaan Guurtida Wakiillada iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo muuqaalkiisa ay ka muuqatay farxad iyo dhoola cadeyn, oo qofka arka uu ku niyad samaanayo jawiga guud ee Madaxweynuhu ku sugnaa,

Khudbadii madax waynaha wax ka badal

Waxa maanta kuligeenba farxadweyn inoo ah inaynu xafladan taariikhiga ah isugu-nimid ee ah maalintii halganka, maalintii shuhadada, inaynu xusno geesiyaashi u halgamay ee naftooda iyo dhiigoodaba u hurey xorriyadan aynu maanta dugsanayno, dawladnimadan aynu haysani, qaranimada aynu haysano.”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka hadlay xuska sanad-guuradii 26aad ee ka soo wareegtay dagaalkii Burca-duuray ee ay ku shahiideen geesiyaal dhiigoodi, naftoodi u huray sidii ummadada reer Somaliland ugu noolaan lahaayeen xoriyada ay maanta haystaan, Mujaahidiinta dagaalka Burco-duuray ku geeriyooday ee lagu calaamadsado waxa ka mid ahaa alle ha u naxariiste Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye [Lixle] iyo qaar kale oo badan. Isaga oo hadalkiisa si watana waxa uu yidhi“In badan waad maqasheen aniga [Siilaanyo] oo halkan ka leh iyo meelo badanba ummadani waxay u soo halgantay maanta wixii ka danbeeya xabad danbe loo qaadan maayo, ee cod ayaa lagu kala helayaa oo lagu kala adkaanayaa”. “Maanta waa Ilaahay xamdigii hadaynu halkan isugunimi, iyada oo maanta is-bedelkii loo baahnaana uu dalkeeni ka hirgalay, dimuqraadiyadii ka hirgashay, doorashooyin xalaal ahi ka dhaceen. Dhaqana ay inoo noqon doonto Imika wixii ka danbeeya inaynu dimuqraadiyada, xoriyda iyo wada-jirka aynu wada ilaashano, maalinta taariikhiga ah ee shuhadda SNM ee aynu halkan ku xusayno, Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo waxa uu sheegay maalinta Shuhadada SNM inuu si weyn u xasuusto, isaga oo ka hadlayaa xasuusta ay maalintaasi ku leedahay ayaa waxa uu yidhi “Maalintaas aad iyo aad ayaan u xasuusta maalintaas waxaan joogay xaruntii SNM ee Magaalada Diri-dhaba, maalintaas waxa noo yimi deeq-bixiyayaashi wax na tari-jirey ee saaxibada inoo ahaa ee wax naga tari jirey halganka inaga [SNM] iyo ururkii la odhan jirey SSDF oo isaguna u halgamayey xoriyadii Soomaaliya. Waxaanu maalintaas muujinay oo aanu cadeynay halgankii aanu ku jirnay, sidii aanu halgankii ugu jirnay ee Shirkii loogu jiray ee la lahaa hawlihiini ma qabateen? Mise maydaan qaban? Ayaa anga oo joogna Ethiopia gudaheedi ayaa weerarkii dhacay, waxaana ku geeriyooday Muj Maxamed Xaashi Diiriye [Lixle],” Md. Siilaanyo waxa uu sheegay xoriyada ay Somaliland ku naaloonayso ay dhaliyeen mujaahidiintii u naf-waayey xoreyntii dalkan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Inaga oo doonayna inaynu dalkeena horumarino, oo wax ka qabano balanqaadyadii aanu balanqaadnay markii aanu xisbiga ahayn inaanu fulino, oo insha allah aanu fulin doono. Dadkii dhaliyey ee asaaska u ahaa, waa dadka aynu maanta halkan ku soo magac-qaadayno , waxaanan leenahay Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo” Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo waxa uu tilmaamay inay qiimayn iyo qadarin u samaynayan dadkii ay dhinteen mujaahidiintii dalka xoreeyey, iisaga oo arrinta ka hadkayana waxa uu yidhi “Waxaanan balanqaadayna, haddii aanu nahay xukuummada cusub inaanu qiimayno oo aanu qadarino iyaga iyo wixii ay ka dhinteen, himilooyinkii ay u dhinteena inaanu ummada u fulino, iyo kuwa aanu Xisbi ahaanba [KULMIYE] balanqaadnay.” Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha kuxigeenka Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha jimciyada Sooyaal Xasan iyo qaar ka mid ah mujaahidiin ka qeybgalay dagaalkii qadhaadha ee Bur-caduurey ee geesiyaal badan ay ku naf-waayeen. Waxaanay dhamaan masuuliyiintani iska daba-mar-mareen wadadii loo maray dib u xoreynta dalka iyo qiimaha ay leedahay, isla markaana waxay u soo jeediyeen ummada inay nabadgelyadooda ilaashadaan, Sidoo kale, sida ay ku soo waramayaan wariyayaasha Shabakada wararka ee hadhwanaagnews ku leedahay gobolada iyo degmooyinka Somaliland in si weyn xuska maalintan looga xusay, iyada oo xuskani si gaar ah u taabanayo dhalinyarta, caruurta ku agoomoobay, isla markaana aabayaashood ku dhointeen dib u xoreyntii dalka. Maalinta oo ay taariikhdu ahayd 17-kii October 2010 waxay ku xardhan tahay sanad-guuradii 26aad ee ka soo wareegtay 17-October 1984-kii, Guushii Ururkii SNM ay ka gaadheen dagaalkii Burco-duurey oo ahayd markii ugu horeysay ee ay ururkaasi weerer toos ah ku qaadeen ama iskaga horyimaadeen Ciidamadii u daacada ahaa Xukuumadii Mahamed Siyaad Barre, howlgalkaasi oo SNM ay ku muujisay awoodeeda Ciidan iyo heerka tababarka ay qabeen dhalinyaradii SNM.guulihii ay soo hooyeena waa ta maanta la hadhsanayo. Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], ayaa shalay dhagax dhigay taallo loogu talo galay in lagu xusuusto shuhaddadii ururkii SNM ee naftooda ku waayey dib u xoreynta Somaliland. Taalladan oo markii Madaxweynuhu uu dhagax-dhigayey ay ku wehelinayeen xubno ka mida Golaha Wasiirada Somaliland oo uu ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Md Cabdilaahi Cismaan Jaamac [Geell-jire], ayaa wuxu dhagax-dhigay oo laga dhisayaa barxada hore ee Wasaarada Warfaafinta. Md. Siilaanyo oo dhagax-dhiga taallada hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay in maanta ay qiimo weyn u leedahay shacbi-weynaha reer Somaliland gudo iyo dibedba, isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay dhagax-dhiga taalladan, isaga oo xusay in ay xukuumadiisu u hawlgali doonto wax u qabashada mujaahidiinta nool iyo agoomihii ay ka tageen mujaahidiintii naftooda ku waayey dagaalkii dib u xoreyntii dalka. Dhinaca kale, C/casiis Max’ed Xaashi (lixle) oo ah wiilka kaliya ee uu ifka kaga tagay Mujaahid Max’ed Xaashi (lixle) inkastoo ay walaalo yihiin laba hablood oo kale ayaa nooga waramay duruuftooda nololeed iyo halka ay xaaladooda guud marayso, waxaanu sheegay inaanay Somaliland qoys ahaan ka helin qiimihii ay mudnaayeen cid gacan qabatayna aanay jirin mudadii ay S/land jirtay, isagoo tusaale u soo qaatay in isaga duruuftu u saamixi wayday inuu dhamaysto waxbarashadiisii. C/casiis waxa kale uu sheegay inay duruuftooda nololeed ay u dheer tahay in lagu haysto dhulkii kaliya ee ay ku lahaayeen magaalada Hargaysa, kuwaasoo uu xusay in dadkii ka haystay aanay ilaa imika siinin cid wax ka qabatayna aanay jirin,waxaanu ugu baaqay S/land inay wax kala qabtaan arintaasi iyo duruufahooda kale ee nololeed. (Aabahay wuxuu ka tagay dhul badan oo ku yaala magaalada Hargaysa iyo agagaarkeeda waxaana dhacday in dadkii hore u garanayay dhulkani inuu lahaa ay runtii iska bililiqaysteen ilaa hadana hawsha arinkaasi waanu ku jirnaa waxbana noogamay qabsoomin cidina wax noogamay qabanin inkastoo ay jirto rag mujaahidiin ah oo waaweyn oo arinkaasi isku dayay inay wax ka qabtaan balse awood u waaway inay wax ka qabtaan kana mid yahay Ibraahim Dhagaweyne ) Mar la waydiiyay inay jiraan masuuliyiin uu la kulmay oo ka tirsan xukuumada S/land oo ay u bandhigeen hawsha haysata oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somaliland balse ay ahayd uun balnqaad uu kala kulmay waxaanu sheegay inuu rajaymnayo balanqaadkaasi inuu Madaxweynuhu u fuliyo (waxaan la kulmay shalay Madaxweynaha S/land Mujaahid Axmed Maxamed Max’uud Siilaanyo iyadoo kulankaasi ahaa uun salaan waxaanu ii sameeyay balan qaad ah inaanu kulmi doono taasi oo rajaynayo inay fusho oo Madaxweynuhuna wax nala qaban doono maadaama uu aqoon buuxda u leeyahay Aabahay yahayna midka garanaya magaca, sharafta iyo abaalka uu mutaystay iyo halganka dheer ee ay soo wada galeen Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa Abaal nin gala waa la helaa nin guda se lama hayo ) Ugu danbayntiina waxa uu bulshada iyo xukuumadaba ka codsaday in la garab qabto qoyskii uu ka dhashay wax kasta oo lala qaban karayana lala qabto dhulka laga haysto ee uu Mujaahidkii dhalay ka geeriyoodayna loo soo dhiciy halkaasu xilka la wareegey mujaahid abdiladiifiyo eygiisa maxamed bintntiner iyo eyadsiisa ina muuse

Okey wax ka badal

[1][dead link]

  1. Islām—The Way to God by Submission (en)
  2. Iimaan Run ah Waa Waddada Nolol Farxad Leh