Hargeysa
Hargeysa ama Hargaysa (Af Ingiriis : Hargeisa Af carabi: هرجيسا[2][3]) waa caasimada dalka Somaliland.
[4]
Wakhtiyadii hore, magaalada Hargaysa waxay ka tirsanayd maamulkii Saldanadii Cadal ee ka arimin jirey deegaano badan ee ku taala Somaliland. Boqortooyadii Ingiriiska ayaa magaalada Berbera ka dhigay magaalo madaxdii British Somaliland, waxa sanadkii 1941 lagu wareejiyay magaalo madaxda caasimada Hargeysa.
Sannadkii 1960 waxay madaxbanaani heshay ilaaladii gobolada Waqooyi kuwaasi oo la midoobay Koonfurta Soomaaliya, sidaasi ayaa Hargaysa ku dhaaftey magaalo madaxnimadi. Laakiin waxay magaaladu ahayd mid ka mid ah magaalooyinka ugu wayn Soomaaliya.[5][6]Kadib markii ay Soomaaliya ka dhacday dagaal sokeeye ayay sanadkii 1991 noqotay caasimadda jamhuuriyadda Somaliland.
Hargeysa | ||||||||
---|---|---|---|---|---|---|---|---|
| ||||||||
Coordinates: 9°33′47″N 44°4′3″E / 9.56306°N 44.06750°ECoordinates: 9°33′47″N 44°4′3″E / 9.56306°N 44.06750°E | ||||||||
Wadanka |
![]() | |||||||
Gobolka | Maroodi Jeex | |||||||
Degmada | Degmada Hargeysa | |||||||
Dowlada | ||||||||
• Duqa | Cadiraxmaan Maxmoud Caydiid | |||||||
Bedka | ||||||||
• Dhammaan | 78 km2 (30 sq mi) | |||||||
Joogga | 1,334 m (4,377 ft) | |||||||
Tirada dadka (2019)[1] | ||||||||
• Dhammaan | 1,200,000 | |||||||
• Cufnaanta dadka | 1,600/km2 (3,000/sq mi) | |||||||
Magac kale |
Hargeisan; Hargeysawi | |||||||
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) | |||||||
Furaha | +252 |
Si kastaba ha ahaate, magaalada Hargeysa waxay dhacdaa dooxada Galgodon ee deegaanada Oogo, waxayna magaaladu ka saraysaa biyaha bada joog dhan 4,377 mitir. Juquraafi ahaan magaalada Hargeysa waxay saaran tahay buuro, dooxyo iyo deegaan caro bataax leh. Si la mid ah magaalooyinka kale ee ku yaala Somaliland, dhismayaasha magaalada Hargaysa waxay caan ku yihiin farshaxanka iyo qurxinta dhagaxa dabiiciga ah ee laga helo buuraha ku hareersan magaalada.
Guud ahaan, magaalada Hargeysa waa tan ugu bulshada badan magaalooyinka Somaliland, waxaana ku nool caasimadan dad tiradoodi gaadhto in kabadan 1.2 milyan. Deegaanka magaaladan waxaa aad uga baxa geedka tiinka.
Magaca
Sida ilo badani isku raaceen magaca Hargeysa wuxuu asal ahaan ka yimid ereyga "harga-geeya" oo ka turjumaya in horaantii Hargaysa ahaan jirtey meel loo soo iib keeno haraga xoolaha.[7] Ilo kale waxay ku waramaan in magaca Hargeysa ka yimid erey Af-Oromo ah kaasi oo la micno ah "meeshii tiinka badneyd". Ilo kale waxay waliba ku waramaan in magaca Hargeysa ka yimid "Harar as-Saqiir"" oo ay micneheedi ay tahay Hererkii yaraa ee luqada af Carabiga.
Taariikh
In kastoo aan la haynin taariikh xaqiiqo ah, waxaa la aaminsan yahay in Hargaysa uu aasaasay Sheekh Madar qiyaastii 1800, wakhtigaasi oo sheekhu ka dhisay maqaam xereed iyo meel lagu nasto marka loo socdo magaalada Saylac ama Herer.[8]
Faahfaahin Cimilada Hargeisa | |||||||||||||
---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|
Bilaha | Jan | Feb | Mar | Apr | May | Jun | Jul | Aug | Sep | Oct | Nov | Dec | Sanad |
Kuleel daran °C (°F) | 22 (72) |
22 (72) |
22 (72) |
22 (72) |
22 (72) |
29 (84) |
29 (84) |
29 (84) |
22 (72) |
32 (90) |
22 (72) |
32 (90) |
32 (90) |
Kuleel aan darnayn °C (°F) | 28.5 (83.3) |
29.3 (84.7) |
28.7 (83.7) |
27.7 (81.9) |
27.2 (81.0) |
26.9 (80.4) |
26.7 (80.1) |
27.2 (81.0) |
27.9 (82.2) |
27.7 (81.9) |
27.4 (81.3) |
28 (82) |
27.8 (82.0) |
Maalinle °C (°F) | 22.7 (72.9) |
22.6 (72.7) |
22.6 (72.7) |
21.9 (71.4) |
21.4 (70.5) |
21 (70) |
20.6 (69.1) |
20.9 (69.6) |
21.3 (70.3) |
21.8 (71.2) |
21.9 (71.4) |
21.9 (71.4) |
21.72 (71.09) |
Hoos udhaca kuleelka °C (°F) | 17.9 (64.2) |
18.3 (64.9) |
18.2 (64.8) |
18.1 (64.6) |
17.9 (64.2) |
17.7 (63.9) |
17.2 (63.0) |
17.0 (62.6) |
17.2 (63.0) |
17.5 (63.5) |
17.5 (63.5) |
17.8 (64.0) |
17.7 (63.9) |
Hoos udhac qiyaas leh °C (°F) | 12 (54) |
14 (57) |
13 (55) |
14 (57) |
15 (59) |
12 (54) |
12 (54) |
12 (54) |
13 (55) |
13 (55) |
14 (57) |
12 (54) |
12 (54) |
Roobka mm (Faraha) | 71 (2.8) |
54 (2.13) |
119 (4.69) |
174 (6.85) |
124 (4.88) |
66 (2.6) |
56 (2.2) |
91 (3.58) |
106 (4.17) |
126 (4.96) |
152 (5.98) |
86 (3.39) |
1,225 (48.23) |
% Dhado | 66 | 68.5 | 73 | 78.5 | 80.5 | 78.5 | 77.5 | 77.5 | 75.5 | 73.5 | 73 | 71.5 | 74.5 |
Dhexdhexaad. Xilli roobaadka (≥ 1 mm) | 7 | 8 | 12 | 16 | 13 | 8 | 7 | 9 | 11 | 15 | 14 | 10 | 130 |
Saacadaha Bilaha qorraxda | 155 | 170 | 155 | 120 | 124 | 180 | 186 | 155 | 150 | 155 | 150 | 124 | 1,824 |
Source #1: World Meteorological Organization,[9] Climate-Data.org for mean temperatures | |||||||||||||
Source #2: BBC Weather[10] |
Tixraac
- ↑ https://www.thebrenthurstfoundation.org/downloads/hargeisa_discussion-paper-04-2019-hargeisa-somaliland-invisible-city.pdf
- ↑ . Jubba Airways http://web.archive.org/web/20130122160435/http://jubba-airways.com/destinations/hargeisa.aspx. Soo qaatay 18 July 2013. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ http://www.world-gazetteer.com/wg.php?x=1350565654&lng=fr&des=gamelan&geo=-198&srt=pnan&col=abcdefghinoq&msz=1500&men=gcis&lng=en. Soo qaatay October 19, 2012. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ [1] Somaliland’s Quest for International Recognition and the HBM-SSC Factor
- ↑ Worldstatesmen – Somalia
- ↑ Encyclopædia Britannica, The New Encyclopædia Britannica, (Encyclopædia Britannica: 2002), p.835
- ↑ Briggs, Philip. Bradt Travel Guides. p. 10. ISBN 1841623717 http://books.google.ca/books?id=M6NI2FejIuwC&pg=PA10#v=onepage&q&f=false. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Ficadorey, Gianfranco. Basic Reference. Thomson/Gale. 3: 1032 http://books.google.ca/books?id=X38lxaUjm1MC&pg=PA1032&lpg=PA1032&dq=hargeisa+little+harar&source=bl&ots=Q91FLxkfKY&sig=z5JQxNvRhi5g8V_wpyQz1x4-9_Y&hl=en&sa=X&ei=WbdwULzUGNGC0QG81YH4CQ&ved=0CEQQ6AEwBA#v=onepage&q=hargeisa%20little%20harar&f=false. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ . World Meteorological Organization http://worldweather.wmo.int/168/c01328.htm. Soo qaatay April 30, 2013. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ . BBC Weather http://www.bbc.co.uk/weather/232422. Soo qaatay April 30, 2013. Maqan ama ebar
|title=
(caawin)