Dhambalin (ama Dhambaliin) waa goob farshaxan wakhti hore oo dhacda waqooyi-galbeed gobolka Togdheer, Somaliland. Dhambalin waa buur jeexeed ka kooban farshaxanka dhagaxaanta taasi oo ay sameeyeen dadkii hore. Waxaa lagu qiyaasay in farshaxankani yahay ilaa 5,000 sanno jir.[1]

Dhambalin
Snakes, sheep and goat polychrome with symbolic elements and other rock art in the cave complex
Map showing the location of Dhambalin
Map showing the location of Dhambalin
LocationDhambalin, Saaxil, Somaliland
Coordinates10°23′59″N 45°54′01″E / 10.399768°N 45.900335°E / 10.399768; 45.900335Coordinates: 10°23′59″N 45°54′01″E / 10.399768°N 45.900335°E / 10.399768; 45.900335
AccessPublic

Hordhac wax ka badal

Dhambalin waxay ka mid tahay goobaha leh farshaxankii wakhtiyadii hore ee laga helo geyaanka Soomaalida ee Geeska Afrika. Farshaxankan waxaa ka muuqda sawiraanta xoolo kala duwan sida lo' geesoleey iyo adhi. Sidoo kale waxaa ka muuqda halgeri iyo noocyo kale oo xayawaan ah. Sanadkii 2007 ayaa la ogaaday farshaxanka buurta dhambiil[2] Goobtani waxay ka mid tahay ilaha Dalxiiska Somaliland.

Taariikh wax ka badal

Khubaro caalami ah ayaa cilmibaadhis ku samaysay farshaxanka Dhambaliin, kuwaasi oo sheegay in farshaxanku jiro wakhti ka badan 5,000 sanno.[3] Sidoo kale, waxaa la sheegay in farshaxanku markhaati ka yahay dadka xoolo-dhaqatada ah ee ku noolaa deegaanada Geeska Afrika. Goobta Dhambaliin waxay ka mid tahay meelaha ay aqoonsatay hay'adda UNESCO (World heritage site) ee dhaxalgalka ah.[4]

Juquraafiga wax ka badal

Dhambaliin waxay dhacdaa 40 miles (64 km) qiyaas ujirta Badacas. Magaalada ugu dhow waxaa loo yaqaanaa Beenyo Dhaadheer.

Sidoo kale fiiri wax ka badal

Tixraac wax ka badal

  1. Alberge, Dalya (September 17, 2010). https://www.theguardian.com/world/2010/sep/17/cave-paintings-found-in-somaliland. Soo qaatay 25 May 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. Mire, Sada (December 2008). African Archaeological Review. 3-4. 25 (3–4): 153–168. doi:10.1007/s10437-008-9032-2.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. Mire, Sada. African Archaeological Review. 25 (3–4): 153–168. doi:10.1007/s10437-008-9032-2.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. . Karst World.Com. 5 February 2011 http://www.karstworlds.com/2011/02/first-aid-needed-for-5000-year-old.html. Soo qaatay 27 May 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)