Baarlamaanka Somaliland
Baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland (Af Ingiriis : Parliament of Somaliland; Af Carabi : ar) waa golaha baarlamaanka ee Jamhuuriyada Somaliland. Sida caadiga ah, golaha baarlamaanka Somaliland waxaa loo qeybiyaa labo golle oo kala ah: Golaha Guurtida (Golaha Sare) oo ah golaha duqeyda, iyo Golaha Wakiilada (Golaha Hoose).
Baarlamaanka Somaliland Parliament of Somaliland البرلمان في ارض الصومال | |
---|---|
Currently Dissolved | |
Qaabka | |
Qaabka | Laba Aqal |
Magacyada | Golaha Guurtida Golaha Wakiilada |
Taariikh | |
La Aas'aasay | 1990 |
Hogaanka | |
Speaker | Bashe Mohamed Farah tan iyo 2017 |
Meesha ay ku kulmaan | |
Hargeisa, Somaliland | |
Website | |
somalilandparliament.net |
Labada gole oo u wada shaqeeya si toos ah ayaa waxay leeyihiin 82 xubnood iyo gudoon u gaar ah mid kasta. Golaha Wakiilada waxaa gudoomiye u ah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi "Cirro", kaasi oo ah gudoonkii ugu horeeyay ee shacab doorto tan iyo la soo noqoshadii xoriyada Somaliland.[1]
Hordhac
Wakhti xaadirkan dowlada Somaliland waxay qorshaynaysaa in doorasho baarlamaan dhacdo Maarso 27, 2017 taasi oo sida qorshuhu yahay la rabo in lagu bedelo golaha wakiilada hada kuwaasi oo kursiga ku fadhiyay tan ilaa sanadkii 2005ta.
Dhinaca kale waxa golahu ka koobantahay 82 Xubnood waxa ladoortaa Shantii sanaba mar iyda oo uu shacabku si xora xubnihiisa wakiilada u doorto. Baarlamaanka somaliland waa xubin muhima oo kamida dawlada SomalilandGudoomiyaha Barlaamnka somaliland ee xiligana waa mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Oo katirsan Xisbiga Cusub Ee Wadani.
Golaha Guurtida
Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland waa gole ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyada Somaliland. Sida caadiga ah, golaha odoyaasha waa "Golaha Sare" ee wadanka kaasi oo ka kooban 82 oday oo laga soo xulay beelaha Somaliland.[2]
Shaqada ugu muhiimsan ee golahani waa ilaalinta iyo xalinta nabada wadanka; sidaas ay tahay waxay sharci ahaan ansixiyaan ama ka soo horjeestaan sharciyada ay soo bandhigaan Golaha Wakiilada.
Golaha Guurtida Somaliland waxaa xarun u ah caasimada Hargeysa, waxaana gudoomiye u ah Saleebaan Maxamuud Adam "Saleebaan Gaal".
Golaha Wakiilada
Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland waa gole ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyada Somaliland. Sida caadiga ah, golaha Wakiilada waa "Golaha Hoose" ee wadanka kaasi oo ka kooban 82 xubnood oo laga soo doortay Gobolada Somaliland.[3]
Sidoo kale fiiri
Tixraac
- ↑ . Garowe Online. 02-05-2012 http://allafrica.com/stories/201202062200.html. Soo qaatay 20 July 2012. Hubi qiimaynta taariikhda:
|date=
(caawin); Maqan ama ebar|title=
(caawin) - ↑ . Garowe Online. 02-05-2012 http://allafrica.com/stories/201202062200.html. Soo qaatay 20 July 2012. Hubi qiimaynta taariikhda:
|date=
(caawin); Maqan ama ebar|title=
(caawin) - ↑ . Garowe Online. 02-05-2012 http://allafrica.com/stories/201202062200.html. Soo qaatay 20 July 2012. Hubi qiimaynta taariikhda:
|date=
(caawin); Maqan ama ebar|title=
(caawin)