Towraad
Towraad Towrah Kitaabka Towraad (carabi: ﺗﻮﺭﺍﺓ, macanaha "Sharci" "Qawaaniin", ﮐﺘﺎﺏ ﻣﻮﺳﻰ, "kitaabki Muuse", (משה בן מימו), "kitabul Musa"; Af-Hebrow: תּוֹרָה, micnaheedu tahay: "tilmaamid", "waxbarid" Af Giriig: Τορά, Πεντάτευχος; ingiriis iyo Af-Taliyaani: Torah, Tora, Tawrāt; ) waa kitaabka diinta Towraad ee Ilaahay (koreeyee) ku soo dejiyay Nebi Muuse. Intaasi waxaa dheer, kitaabka Towraad waa diinta iyo dhaqanka dadka Yuhuuda ah ee reer bani Israa'iil. Dadka raacsan diinta Towraad ee Yuhuuda ah waxay ku macneeyaan dhowr micno oo kala duwan. Waxaana ka mid ah:
- Shanta kitaab ee loo yaqaano "Tanakh" taasi oo ah macnaha ugu muhiimsan ama inta ugu badan ay u yaqaanaan khubarada diinta Yuhuuda.
- Sharaxaada iyo fahanka cutubyada Tanakh.
- Soo degidii iyo ku dhanka Jenesiska (Genesis), oo ah kitaabka Hebrowga isla markaana ah aasaaska iyo saldhiga diinta Masiixiyadii hore, iyo dhamaadka Tanakh. Iyo,
- Iskugeynta fahanka dhaqanka iyo diinta guud ee dadka reer Israaiil.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa khubarada diinta Islaamku u aqoonsan tahay in kitaabka Towraad eey tahay waxyigii Alle (s.w) ku soo dejiyay Nebi Muuse; kuwaasi oo uu qoray Nebi Muuse naftiisa iyo isku duba rideen intii raacsanayd asaga ka dib markii uu geeriyooday.
Kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka, waxaa suurado badan iyo aayado badan lagu xusay kitaabka Nabi Muuse.
Nebi Muuse
wax ka badalMuuse Muusa Nebi Muuse Muuse binu Cimraan (ingiriis: Moses, Musa; carabi: ﻣﻮﺳﻰ, Mūsā, loogu dhawaaqo: "Muusa", sidoo kale: ﻋﻤﺮﺍﻥ ﻣﻮﺳﻰ, loo qoro: Mūsā Cīmran, "Muusa Cimran", sidoo kale: ﺁﻝ ﻋﻤﺮﺍﻥ, "Aalu Cimraan", "Qoyska reer Cimraan"; Luuqada Tiberiyaanka: Mōšéh ISO 259-3 Moše; loogu dhawaaqo: "Moose" ama "Moseh"; Hebrew: מֹשֶׁה, loogu dhawaaqo "Mosheh"; Hebrewga Cusub: Moshe, loogu dhawaaqo "Mooshe"; Af-Faarsi: ܐܫܘܡ, Moushe, loogu dhawaaqo: "Muushe") waa nebi iyo rasuul Ilaahay (s.w.t) u soo diray qoomiyadii Yuhuud[1] reer bani Israaiil, iyo Fircoon iyo qaraabadiisa iyo intii uu ku hoos noolayd ee uu maamulaayay.[2] Sida ay isku waafaqeen kitaabka Quraanka kariimka ah ee Ilaahay ku soo dejiyay Nebi Muxamed, Kitaabka Injiil ee Masiixiyada, iyo diinta Bahay Nebi Muuse wuxuu ahaa hogaamiye diimeed, xaakim, maamule shacabka, nebi iyo rasuul Alle (subxaanahu wa tacaalaa) siiyay Kitaabka Towraad iyo Suxufta Muuse; kaasi oo loo diray in uu u digo boqorkii Fircoon ee maamulaayay deegaanada Masar iyo nawaaxigeeda, iyo shacabkii reer banii Israaiil kuu noolaa meeshaasi. Sida ay qiyaaseen culimada taariikhda, Nebi Muuse wuxuu dhashay intii u dhaxaysay 1391 ilaa 1271 C.H (Ciise Hortiis) ama wuxuu dhashay sanadkii 1595 C.H.
Dhinaca kale, dadka Hebrewga ahi waxay Nebi Muuse ugu yeedhaan (מֹשֶׁה רַבֵּנו)ּ "Muuse macalinkayagii" iyo "Muuse kii wax na baray". Waxa uuna yahay nebiga ugu muhiimsan ee aasaaska iyo saldhiga u ah diinta Yehuudaka. Sidoo kale, Nebi Muuse waa tiir muhiim u ah diimaha Islaamka iyo Masiixiga.[3] Nebi Muuse wuxuu ku dhashay deegaanka Gooshen ee dalka Masar, wuxuuna ku dhintey buurta Neebo ee deegaanada Macoow. Intaasi waxaa dheer, Muuse waxaa dhalay oo aabe u ah Cimraan, waxaana hooyo u ah Jojebed (Jochebed), wuxuuna ka tirsan yahay Qoyska Cimraan asagoo walaal la ah Nebi Haaruun iyo gabadha Miryama.[4]
Reer Cimraan
wax ka badalCimraan Camraan Reer Cimraan (ingiriis: Amram, ʻAmrām, "Amran"; carabi: ﻋﻤﺮﺍﻥ, loo qoro: īmran, "Imran", loogu dhawaaqo: "Cimraan", sidoo kale: ﺁﻝ ﻋﻤﺮﺍﻥ, "Aalu Cimraan", "Qoyskii reer Cimraan"; Luuqada Tiberiyaanka: ʻAmrām; loogu dhawaaqo: "Camram"; Hebrew: עַמְרָם, loogu dhawaaqo "Amarami", Hebrewga cusub: Amram)[5] (macnaha ereyga Cimraan waa saaxiibkii kan ugu sareeya[6] iyo qofkii aadka u sareeyay) waa aabaha Nebi Muuse, Nebi Haaruun iyo walaashood Miryama iyo seeyga ama odayga qaba Jojebed (Jochebed).[7] Cimraan waxaa meelo badan Ilaahay (s.w) kaga xusay kitaabka Quraanka kariimka ah ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed.[8] Intaasi waxaa dheer, waxaa jirta suurad ka mid ah Quraanka oo loogu magac daray "reer Cimraan" waa Suuratul Al Cimraan (ﺁﻝ ﻋﻤﺮﺍﻥ).[9] Dhinaca kale, diinta Masiixiyada ee kitaabka Injiil ee Alle u soo waxyooday Nebi Ciise iyo qoraalo kale oo Giriig[10] iyo Laatiin ah waxay sheegeen in Cimraan aabihiis ahaa ninka lagu magacaabo Sebtuwajinti (Septuagint) kaasi oo ahaa nin sharaf iyo qadarin balaadhan ku dhex lahaa qoomkiisa iyo dadkii uu la noolaa wakhtigaasi.[11]
Qoyska Muuse
wax ka badalIsku soo duuboo Qoyska Cimraan waxaa ka mid ahaa Nebi Muuse, Nebi Haaruun iyo walaashood Miryama iyo xaas[12] ama oori Jojebed (Jochebed). Intaasi waxaa dheer, qoyskan waxaa ku abtirsada Maryama bintu Cimraan iyo dabcan wiilkeed Nebi Ciise, iyo Nebi Sakariye oo ahaa Maryama adeerkeed ama abtigeed.[13]
Nabiyada iyo Rasuusha
wax ka badalNebiya Ilaahay (s.w,t) ku sheegay kitaabka Quraanka kariimka ah ee lagu soo dejiayay Nebi Muxamedﷺ waa 25 Nabi kuwaasi oo kala ah:
Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha Kutubta lagu soo dejiyay
wax ka badalSida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ waxaa jira tiro badan[14] oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub.[15] Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ.[16] Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.[17]
Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:
Magaca | Magaca Af-Carabi |
Kitaabka | Suxufi | Sharaxaad Kooban |
---|---|---|---|---|
Nebi Muxamedﷺ | ﻧﺒﻲ ﻣﺤﻤﺪ | Kitaabka Quraanka "Al-Furqaan" (ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ) |
- |
|
Nebi Ciise | ﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰ | Kitaabka Injiil "Masiixiyad" |
- |
|
Nebi Muuse | ﻧﺒﻲﻣﻮﺳﻰ | Kitaabka Towraad (ﺗﻮﺭﺍﺓ) |
Suxufi Muusa |
|
Nebi Daa'uud | ﻧﺒﻲ ﺩﺍﻭﺩ | Kitaabka Sabuur (ﺯﺑﻮﺭ) |
- |
|
Nebi Ibraahim | ﻧﺒﻲ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ | - | Suxufi Ibraahim |
|
Kutubta Ku Xusan Quraanka
wax ka badalIsku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[18] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:
- Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamedﷺ
- Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
- Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse, iyo
- Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud.[19][20][21][22]
Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:
- Suxufta Ibraahim oo lagu soo dejiyay Nebi Ibraahim.
Qoraalo La Mid Ah
wax ka badal- Diin
- Kitaab
- Rasuul
- Nabi
- Nabi Aadam C.S.
- Nebi Maxamed
- Nabi Ismaaciil C.S.
- Nabi Ayuub C.S.
- Nabi Muxamed (c.s.w)
- Nabi Daa'uud C.S.
- Nabi Suleymaan C.S.
- Nabi Nuux C.S.
- Nabi Idriis
- Nabi Saalax
- Nabi Shuceyb
- Nabi Yuusuf
- Nabi Muuse C.S.
- Nabi Ilyaas
- Nabi Ibraahiim C.S.
- Nabi Huud
- Nabi Ciise
- Kitaabka quduska
- Masiixiyad
- Luqmaan Alxakiim
- Sifaynta Diinta Islaamka
- Su'aallo Diini ah iyo Jawaaba hooda
- Islaam
Xigasho
wax ka badal
- ↑ "ingiriis: Moses, Musa; carabi: ﻣﻮﺳﻰ, Mūsā, loogu dhawaaqo: "Muusa", sidoo kale: ﻋﻤﺮﺍﻥ ﻣﻮﺳﻰ, loo qoro: Mūsā Cīmran, "Muusa Cimran", sidoo kale: ﺁﻝ ﻋﻤﺮﺍﻥ, "Aalu Cimraan", "Qoyska reer Cimraan"; Luuqada Tiberiyaanka: Mōšéh ISO 259-3 Moše; loogu dhawaaqo: "Moose" ama "Moseh"; Hebrew: מֹשֶׁה, loogu dhawaaqo "Mosheh"; Hebrewga Cusub: Moshe, loogu dhawaaqo "Mooshe"; Af-Faarsi: ܐܫܘܡ, Moushe, loogu dhawaaqo: "Muushe""
- ↑ Israaiil, iyo Fircoon iyo qaraabadiisa
- ↑ "Islaamka iyo Masiixiga"
- ↑ "aabe u ah Cimraan, waxaana hooyo u ah Jojebed (Jochebed)"
- ↑ "ingiriis: Amram, ʻAmrām, "Amran"; carabi: ﻋﻤﺮﺍﻥ, loo qoro: īmran, "Imran", loogu dhawaaqo: "Cimraan", sidoo kale: ﺁﻝ ﻋﻤﺮﺍﻥ, "Aalu Cimraan", "Qoyskii reer Cimraan"; Luuqada Tiberiyaanka: ʻAmrām; loogu dhawaaqo: "Camram"; Hebrew: עַמְרָם, loogu dhawaaqo "Amarami", Hebrewga cusub: Amram"
- ↑ ""
- ↑ "aabaha Nebi Muuse, Nebi Haaruun iyo walaashood Miryama iyo seey"
- ↑ ""
- ↑ "suurad ka mid ah Quraanka oo loogu magac daray "reer Cimraan" waa Suuratul Al Cimraan (ﺁﻝ ﻋﻤﺮﺍﻥ)"
- ↑ "diinta Masiixiyada ee kitaabka Injiil ee Alle"
- ↑ "Cimraan aabihiis ahaa ninka lagu magacaabo Sebtuwajinti (Septuagint)"
- ↑ "Qoyska Cimraan waxaa ka mid ahaa Nebi Muuse, Nebi Haaruun iyo walaashood Miryama iyo xaas"
- ↑ "Nebi Sakariye oo ahaa Maryama adeerkeed ama abtigeed"
- ↑ kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ
- ↑ nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub
- ↑ "Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim"
- ↑ "Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis"
- ↑ "Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab oo la kala siiyay afar Rasuul"
- ↑ "*Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed"
- ↑ Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
- ↑ Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse
- ↑ Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud