Luqmaan Alxakiim Eebbe kor ahaaye wuxuu qur'aankiisa ku yiri: Oo runtii waxaanu siinay Luqmaan xikmad. Luqmaan nasabkiisa layskuma raacsano iyo goortuu noolaa. Sidoo kale layskuma raacsano ma wuxuu ahaa nebi mise nin suubban? hase ahaatee culumada badankood waxay leeyihiin wuxuu ahaa nin suubban. Xikmaddii Eebbe uu siiyeyna waxay ahayd fahamka diinta iyo caqliga.