Suxufi Ibraahim
Suxufi Ibraahim
Suxufi Ibraahim Kitaabka Suxufiga ee Nabi Ibraahim (ingiriis: Scrolls of Abraham; carabi: ﺻﺤﻒ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ, "suxufi ibraahim", ﮐﺘﺎﺏ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ, "kitaab ibrahim"; Af-Soomaali: qoraaladii Nebi Ibraahim, "suxufi ibraahim") waa kitaab diini ah oo Ilaahay (koreeyee) ku soo dejiyay Nebi Ibraahim.[1][2] Qoraaladaasi waxaa khubarada diinta Islaamku u aqoonsan tahay ineey yihiin waxyigii Alle ku soo dejiyay Nebi Ibraahim; kuwaasi oo uu qoray Nebi Ibraahim naftiisa iyo isku duba rideen intii raacsanayd asaga ka dib markii uu geeriyooday.
Kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka, waxaa suurado badan iyo aayado badan lagu xusay qoraalada suxufiga ee Nabi Ibraahim.[3]
Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[4] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:
- Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamedﷺ
- Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
- Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse, iyo
- Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud.[5][6][7][8]
Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:
- Suxufta Ibraahim oo lagu soo dejiyay Nebi Ibraahim.
Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha Kutubta lagu soo dejiyay
wax ka badalSida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ waxaa jira tiro badan[9] oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub.[10] Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ.[11] Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.[12]
Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:
Magaca | Magaca Af-Carabi |
Kitaabka | Suxufi | Sharaxaad Kooban |
---|---|---|---|---|
Nebi Muxamedﷺ | ﻧﺒﻲ ﻣﺤﻤﺪ | Kitaabka Quraanka "Al-Furqaan" (ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ) |
- |
|
Nebi Ciise | ﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰ | Kitaabka Injiil "Masiixiyad" |
- |
|
Nebi Muuse | ﻧﺒﻲﻣﻮﺳﻰ | Kitaabka Towraad (ﺗﻮﺭﺍﺓ) |
Suxufi Muusa |
|
Nebi Daa'uud | ﻧﺒﻲ ﺩﺍﻭﺩ | Kitaabka Sabuur (ﺯﺑﻮﺭ) |
- |
|
Nebi Ibraahim | ﻧﺒﻲ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ | - | Suxufi Ibraahim |
|
Qoraalo La Mid Ah
wax ka badal- Diin
- Islaam
- Qu'raan
- Nabi Aadam C.S.
- Nebi Maxamed
- Nabi Ismaaciil C.S.
- Nabi Ayuub C.S.
- Nabi Muxamed (c.s.w)
- Nabi Daa'uud C.S.
- Nabi Suleymaan C.S.
- Nabi Nuux C.S.
- Nabi Idriis
- Nabi Saalax
- Nabi Shuceyb
- Nabi Yuusuf
- Nabi Muuse C.S.
- Nabi Ilyaas
- Nabi Ibraahiim C.S.
- Nabi Huud
- Nabi Ciise
- Kitaabka quduska
- Masiixiyad
- Luqmaan Alxakiim
- Sifaynta Diinta Islaamka
- Su'aallo Diini ah iyo Jawaaba hooda
- Islam
Xigasho
wax ka badal
- ↑ "Suxufi Ibraahim Kitaabka Suxufiga ee Nabi Ibraahim"
- ↑ ingiriis: Scrolls of Abraham; carabi: ﺻﺤﻒ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ, "suxufi ibraahim", ﮐﺘﺎﺏ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ, "kitaab ibrahim"; Af-Soomaali: qoraaladii Nebi Ibraahim, "suxufi ibraahim"
- ↑ "Quraanka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka"
- ↑ "Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab oo la kala siiyay afar Rasuul"
- ↑ "*Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed"
- ↑ Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
- ↑ Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse
- ↑ Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud
- ↑ kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ
- ↑ nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub
- ↑ "Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim"
- ↑ "Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis"