Shaleemada Soomaaliya
Shaleemo Soomaalida (Af Ingiriis : Cinema of Somalia) waa shabakada soo bandhiga filimaanta, heesaha Soomaalida, ruwaayadaha iyo majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika. Shaleemo Soomaaligu waa waax ka mid ah Fanka Soomaalida. Guud ahaan, fanka Soomaalidu waa nooc ka mid ah Suugaanta Soomaalida. Sidoo kale, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer. In kastoo fanka maanta jira yahay mid aad u da' yar wuxuu leeyahay waaxyo iyo noocyo aad u badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah heesaha qaaciga, qaraamiga, heesaha jaaska, ruwaayadaha, majaajiloyinka, filimaanta, bandhigyada fanka, qoob-ka-ciyaarka iyo guud ahaan madadaalada ku baxda luuqada Soomaaliga.
Inkasto sanadahan dambe la casriyeeyay, heesaha fanka Soomaalida inta ugu badan waxaa la isticmaala agab sahal ah, sida kabanka, gitaar, durbaanka, narsada, turunbada, sacabka iyo noocyo kale. Sida badan, heesaha fanka Soomaalidu waa kuwo degan, dhandhan fiican leh, oo inta ugu badan si sahlan loo sameeyo.
Fanka Soomaalida waxaa diyaariya dad badan oo kala duwan, kuwaas waxaa ka mid ah abwaanka (qofka sameeya sheeko, gabay, hees iwm), laxanmiiste, fanaan, jilaa, atoore, muusigyahan iyo kuwo kale.
Sharaxaad
Heesaha soomaliga in muusig la saaro waxa bilabay allah ha u naxariiste Cabdilahi qarshe
Habka Fanka
Sida caalamka qiray, dhaqanka Soomaalidu wuxuu qani ku yahay fanka iyo suugaanta. Samayska midhaha fanka ayaa ah mid aad u cajiib badan. Waxaanu fanku inta badan ka turjumaa nolosha iyo Waayaha Bulshada. Dhinaca kale heesaha Af Soomaaligu waa kuwo ka duwan caalamka dhan. Aslakooda waxay heesuhu u dhacaan hab jiidjiid isku xidhan ah. Dadka ajaanibka ah marka ugu horeeysa maqla heeso Soomaaliga waxay ku khaldaan kuwa Itoobiya, Suudaan ama Carabta, laakiin Waxaa markaaba lagu garan karaa laxanka iyo habka ay u dhacayso heesta. Heesaha Waxaa sameeya dhowr nooc oo dad ah, kuwaasi waxaa ka mid ah abwaanka, laxanmiistaha, fanaanka.[1]
Inta ugu badan heesaha waxaa loo garaacaa qalab kala duwan, sida kabanka, durbaanka, turunbada. Laakiin wakhtiyadan dambe waxaa inta badan caan ah biyaanoda.[2]
Si kastaba ha ahaate, deegaanada Koonfurta Soomaaliya iyo meelaha u dhow xeebaha waxaa caan ka ah noocyo kale oo heeso Soomaali ah. Kuwaasi Waxaa ka mida:[3][4][5]
- Qalabka la tumo: narso, mokhoddon iyo masoondhe (durbaan aad u wayn), reeme, jabbu iyi yoome (durbaano yaryar);
- Qalabka la afuufo: malkad iyi siinbaar, sumaari, fuugwo buun, muufe iyo gees-goodir;
- Qalab shanqadha: shagal (qalab biro la isku garaacayo), shanbaal (alwaax la tumayo), shunuuf, tenegyo,
- Noocyo kale: shareero, kinaandha, madhuube, iyo seese.
Taariikh
Guud ahaan heesaha aan maanta naqaano ee Af Soomaaliga lagu qaado waxay soo bilaabmeen 1930meeyihii. Taas macnaheedu ma ahan in dadka Soomaalida heesta aqoonin wixii ka horeeyay 1930kii, laakiin Waxaa wakhtigan bilaabmey heesaha leh muusiga, kabanka, durmaanka, turunbada iyo wixii la mid ah.
Heesaha la qaadi jiray ka soo biloow 1930meeyihii ilaa laga soo gaadho 1970kii waxaa sida guud loo yaqaanaa qaraami, halka kuwa wakhtiyadii 70aadki ka dambeyay isla markaana kaban loo garaacayo loo yaqaano qaaci.
Qoraalo La Xidhiidha
Tixraac
- Abdullahi, Mohamed Diriye. Greenwood. ISBN 978-0-313-31333-2 http://books.google.com/books?id=2Nu918tYMB8C. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - Ministry of Information and National Guidance, Mogadishu, Somalia (1974). Somali Culture and Folklore
- Mukhtar, Mohamed Haji (2003) Historical Dictionary of Somalia. Scarecrow Press. ISBN 0-8108-4344-7
- Puchowski, Douglas (2013). The Concise Garland Encyclopedia of World Music, Volume 1. Routledge, ISBN 9781136095702
Linkiyo Banaanka
- Bclub19
- Markacadey Archived Diseembar 19, 2013 // Wayback Machine
- Somali Music
- Interview About Somali Music
- Sawiraan Kabanka Soomaalida iyo Masa Archived Diseembar 20, 2007 // Wayback Machine
- Oud Cafe
- shanqadha kabanka
Tixraac
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |