Filim
- Kani waa maqaal ku saabsan filim-ka, qoraalo kale fadlan fiiri shaneemo
Filim (ingiriis: film ama movie) waa muuqaal-socde (motion pictures) la duubay ayadoo la isticmaalayo Kamera ama sawir-qabte. Filim waa sheeko habaysan oo loogu talo-galay daawasho lagana jiley taariikh ama dhacdo run ama khiyaali ah oo ku saabsan qof, dad, wadan IWM taas oo lagu soo koobay saacado dhowr ah gudahood looguna talo galay madadaalo ama wax-barsho.
Filimka qisadiisa oo ugu yaraan socota dhowr daqiiqo ( short films filimaanta gaaban) ilaa dhowr saacadood (Normal films ama filimaanta caadiga ah) ayaa u dhiganta sheeko sanado badan ama qarniyo ah.
Taariikhda FilimaantaEdit
Samaynta FilimkaEdit
Dunidan aan maanta ku nool nahay waxa jiro shirkado ama shaqsiyaad badan oo filimaanta sameeya haba kala qiimo iyo qaayo sareeyaanee. Kuwa ugu caansan eed taqaano waxaa ka mid ah dallada weeyn ee Hollywood oo Maraykanka laga leeyahay, dallada weeyn ee Bollywood ee Hindiya, iyo Nollywood oo ah shirkada ugu filim soo saarista badan dunida oo laga leeyahay wadanka Naayjeriya.
Sida runta ah, shirkadaha Mareeykanka ee la isku yidhaahdo Hollywood waxay soo saaraan qaar ka mid ah filimaanta ugu qaalisan dunida sidoo kale ugu tayada sareeya.
Filimaanta ugu QaalisanEdit
Filimaanta qaar sameeyntooda waxa ku baxa lacag aad u badan - qaarkood $200 miylan ayaa lagu sameeyaa. Aad ayay u kala duwantahay kharashka lagu sameeyo filim iyo kan uu soo saaro. Inkastoo filimaantu leeyihiin qeeybo iyo jufooyin loo kala saaro, waxa dhamaantood wadaagaan in wakhtiga ugu badan ee filimku ku xidhnaado hal qof (leading actor). Qofkaasi waa kan oogu mishaharka badan dhamaan jillayaasha filimka, waana qofka oogu shaqada badan wakhtiga la sameeynayo filimka.
Dhinaca kale waxa mishahar badan qaata jiheeyaha (director) oo ah ninka hoowsha dhan kala wada ee qof kasta u sheegaya kaalinta uu kaga jiro filimka.
Filimaanta ugu Kharashka BadanEdit
Markaan ka hadleeyno kharashka lagu sameeyay, waxaa jira tiro badan oo filimaan ah oo kharash aad u badan ku baxo. Halkan waxaad ku arki qaar ka mid ah tobanka filim ee ugu qaalisan dunida waxa ka mid ah: The Pirates of the Caribbean - At World’s End (2006) iyo qeebtiisa kale ee Dead Man's Chest (2007) ayaa si wada jir ah loogu sameeyay lacag dhan $525 milyan taas oo ka dhigeeysa filimaanta kharshka ugu qaalisan lagu sameeyay, labadaas filim waxay soo saareen lacag ku dhow $2 bilyan.
King Kong (2005) ayaa ku jira tobanka ugu kharashka badan asaga ooy ku baxday $207 milyan, isla markaana soo saaray lacag dhan $550 milyan.
Filimaanta ugu Macaashka badanEdit
Dhinaca kale, markaan fiirino filimaanta soo saaray lacagta ugu badan ee aadka looga macaashay waxaa ka mid ah:
Avatar (2009) ayaa wuxu yahay filimka kali ah ee ugu qaalisan dunida asago lagu sameeyay $237 milyan isla markaana soo saaray $2.7 bilyan oo dollarka Maraynkanka. Waa macaash toban-laab ah.
Sidoo kale, filimka Titanic (1997) ayaa lagu tilmaama inuu ku jiro kaalinta 2aad ee filimaanta ugu macaashka badan dunida. Waxa lagu sameeyay $200 milyan waxaana lagu iibiyey lacag dhan $2.2 bilyan taas oo ka badan toban-jeer-laab macaash ah.
Qeeybaha FilimaantaEdit
Inkastoo filimaantu leeyihiin qeeybo iyo jufooyin loo kala saaro,
Filim SoomaaliEdit
Marka laga hadlayo madadaalada, Bulsho-weeynta Soomaaliya waxay caan ku tahay oo aad loo yaqaan [Ruwaayad]]aha kuwaas oo u dhigma filimaanta dunida inkastoo aanay duubneeyn.
Inkastoo sanadahan dambe la sameeyay filim Soomaali badan, waxa jira in badan oo la sameeyay wakhtiyo hore - qaarkood xoriyada dalka ka hor - waxaa ka mid ah:
- A Somali Dervish (1983)
- Ali Iyo Awrala (2006)
- Ambad (2011)
- Carara (2009)
- Charcoal Traffic (2008)
- Judaan (2016)
- Rajo (2013)
- Warmooge (2006)
- Xaaskayga Araweelo (2006)
- Shalaay (2005)
- Ciyaar Mood (1986)
- Dan Iyo Xarrago (1973)
- Dhig ama Dhaqo (2011)
- Dub'aad (1920s–1950s)
- Fire Eyes (1994)
- Geedka nolosha (1987)
- La Conchiglia (1992)
- Love Does Not Know Obstacles (1961)
- Miyo Iyo Magaalo (1968)
- Pastoral and Urban Life (1969)
- Soldiers of Bronze (1920s–1950s)
- Somalia (1912)
- Somalia Dervishes (1985)
- Somalia: Gheledi (1913)
- Somalia italiana (1913)
- Somalia: Le bellezze del fiume Nebi (1913)
- Sotto la Croce del Sud - Somalia Italiana
(1926)
- The Horn of Africa (1961)
- The Parching Winds of Somalia (1984)
- The Somali Darwish (1984)
- Viaggio di S.M. il Re in Somalia (novembre-
dicembre 1934) (1934) Visioni della Somalia italiana (1929)
XigashoEdit
- Abu Bakr, Yahya; Saad Labib, Hamdy Kandil (1985). Unesco. ISBN 92-3-102082-X http://books.google.ca/books?id=pERiAAAAMAAJ. Cite wuxuu adeegsadaa barameter hoos u dhaca
|coauthors=
(caawin); Maqan ama ebar|title=
(caawin) - Armes, Roy (2008). Indiana University Press. ISBN 92-3-102082-X http://books.google.ca/books?id=88sTRTl6yKwC. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - Association des trois mondes. KARTHALA Editions. ISBN 2-84586-060-9 http://books.google.ca/books?id=61Ol3PLhYhsC. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - Farīd, Samīr (1979). s.n. http://books.google.ca/books?id=14UNAAAAIAAJ. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - IMDB - Somalia
- Kaplan, Irving (1977). U.S. Govt. Print. Off. http://books.google.ca/books?id=Ok1yAAAAMAAJ. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - Legum, Colin; John Gordon Stewart Drysdale (1976). Africana Pub. Co. ISBN 0-86036-030-X http://books.google.ca/books?id=jDYEAQAAIAAJ. Cite wuxuu adeegsadaa barameter hoos u dhaca
|coauthors=
(caawin); Maqan ama ebar|title=
(caawin) - Ministry of Information and National Guidance (1974). Ministry of Information and National Guidance http://books.google.ca/books?id=zWsMAQAAIAAJ. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - National Endowment for the Humanities. The Endowment http://books.google.ca/books?id=SWliAAAAMAAJ. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - R R Bowker Publishing. R.R. Bowker. ISBN 0-8352-3588-2 http://books.google.ca/books?id=FLJYAAAAMAAJ. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - . The Other Paper. 2007-04-19 http://www.hiiraan.com/news2/2007/may/somaliwood_columbus_has_become_a_haven_for_somali_filmmaking.aspx. Soo qaatay 2008-01-25. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - Xodo, Chiara (August 2008). (PDF). Centro Interculturale Millevoci, Provincia Autonoma di Trento Dipartimento Istruzione http://www.vivoscuola.it/Intercultu/Archivio/News/COMPLETO-CATALOGO-AUDIOVISIVI.pdf. Soo qaatay 2009-09-25. Maqan ama ebar
|title=
(caawin)
Sidoo kale fiiriEdit
- Sinemaha Soomaaliya
- Hay'ada Filimaanta Soomaaliyeed
- Somaliwood
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |