Laxan (Af Ingiriis : Melody; Af Carabi : ar‎) waa habka iyo nidaamka dhawaqa hees leedahay, taasi oo fanaan ku luuqeeyo. Laxanka waxaa loo sameeyaa si heesaha loo kala sooco isla markaana loogu qurxiyo iyo macaaneeyo dhadhanka hees, gabay iyo ereyo loogu talogalay in dad lagu madadaaliyo.

Qoraalka laxanka hees Af Ingiriis ah

Sida caadiga ah heesaha Waxaa marka hore alifa abwaan, ka dib ayaa laxanka la saara, muusig loo sameyaa, ilaa ugu dambeynta fanaan ku luuqeeyo. Sidoo kale, heesta marka laxanka la saaro ayaa muusiga loo samayn karaa. Guud ahaan laxanadu way kala duwan yihiin, kala macaan yihiin. Laxanka heesaha Soomaalida wuxuu ka tirsan yahay shan dhawaaq nooc la yidhaahdo.

Taariikh

Heesaha iyo guud ahaan Suugaanta waxaa tan iyo wakhti hore loo samayn jiray laxan, si loo macaaneeyo dhageeysiga. Waxaa la aaminsan yahay in laxanku jiro dhowr kun sano.

Asalka Ereyga

Si la mid ah kalmado badan oo ku jira Af Soomaaliga, ereyga laxan waxaan ka soo amaahanay luuqada Carabiga.

Qoraalo La Xidhiidha

Linkiyo Banaanka

Tixraac

 
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: