Kani waa maqaal ku saabsan guud ahaan Fanaanka. Qoraalo kale fiiri fanka Soomaalida, fanaan Soomaali, suugaan, hees.
Boga "heesaa" iyo "fanaanad" halkan ayaa laga soo toosiyay.
File:Tubeec.jpg
Maxamed Saleebaan Tubeec, boqorka codka
File:Magool.jpg
Xaliimo Khaliif Magool

Fanaan (Af-Ingiriis: singer; Af-Carabi: غناء) waa heesaa, jilaa, iyo qof muusigga yaqaan. Fanaanka waxaa badanaa loogu yeeraa, qof xirfaddiisa shaqo heesaha iyo muusikada tahay. Haweeneyda waxaa loogu yeeraa "fanaanad", ninkana "fanaan". Guud ahaan, fanaanku waa qofka ku codeeya hees, gabay, geeraar, tix, iyo tiraab. Waxaa jira shakhsiyaad gaar ah oo leh xirfad ka baxsan heesida, sida dadka halabuurka leh (abwaan), majaajilada fiican leh, ciyaarta qoob-ka-ciyaarka yaqaana (dance), ama garaaci kara qalabka muusiga (sida kabanka, durbaanka, turunboda iwm).

Fanaaniinta SoomaaliyeedEdit

Fannaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah aad bay u badan yihiin rag iyo dumarba; haddaynnu dhawr ka xusno fannaaniintii hore ee waaweynaa waxa ka mid ah:

  • Cali Sugulle
  • Axmed Nuur Jaangow
  • Siciid Harawo
  • Xareedo Ismaaciil Duniyo
  • Cali jareerre
  • Cusmaan C/kariim Gacanlow.

Hogaanka Bahda Fanka SoomaaliyeedEdit

Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta Soomaaliya, fadlan fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.

Bahda fanka ku luuqaysa iyo ku heesta luuqada af-Soomaaliga aad ayay u badan, kuwaasi oo ka soo baxay meelo kala duwan iyo wakhtiyo kala duwan. Sidoo kale, maanta waxaa jira tiro aad u badan oo fanaaniin ah oo ku nool dhamaan qaaradaha dunida, kuwaasi oo soo saara heeso cusub iyo kuwo la cusboonaysiinayoba. Jadwalka hoos ku qoran waxaanu ku soo bandhigeynaa qaar ka mid ah fanaaniinta sida fiican looga yaqaano dalka gudahiisa iyo dibadiisaba.

Fanaaniinta Soomaaliyeed
Magaca Kooxda Wakhtiga Fanka Sawirka Faalo Kooban
Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo)
Maxamed Saleebaan Tubeec Hobolada Waaberi 1967dii ilaa 2010kii Boqorka Codka
Xaliima Khaliif Magool Hobolada Waaberi 1969kii ilaa 1993dii Boqorada Codka
Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) Hobolada Waaberi 1974tii ilaa maanta Hooyada Fanka
Cabdi Tahliil Warsame (Tahliil) Hobolada Waaberi 1971dii ilaa maanta Cod Wanaagsane
Maxamed Nuur Giriig Hobolada Waaberi 1970kii ilaa
Qamar Maxamed Xuseen Hobolada Waaberi 1980kii ilaa 1994tii Gabadha Fanka
Saalax Qaasim Hobolada Waaberi Aabaha Fanka
Khadra Daahir Cige Hobolada Waaberi 1978kii ilaa hada
Boqorada Fanka
Saado Cali Warsame Hobolada Waaberi 1979kii ilaa hada
Cabdi Nuur Alaale hobolada Jabuuti
  • Fanaanka ugu heesaha badan
Maxamed Mooge Hobolada Waaberi 1971dii ilaa 1988dii Madaalaha Fanka
Xasan Aaden Samatar Hobolada Waaberi
  • Libaaxa Fanka
  • Fanaanka labaad ee ugu heesa badan
Axmed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1973dii ilaa 1991dii
Maxamed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1962dii ilaa 1980dii
C.Qadir Macalin Jubba kooxda Waaberi 1979kii ilaa maanta Yarka Sanadka
Cumar Dhuule kooxda Ileys 1972kii ilaa 1998dii
Sahra Axmed kooxda Ileys/Hobolada Waaberi 1978dii ilaa 2004tii Quruxda Fanka
Faadumo Cabdilahi Maandeeq
Cabdule Yusuf Hanuuniye Hobolada Waaberi Ma daalaha Waaberi
Cumar Shooli
Axmed Naaji Sacad
Axmed Nuur Jaangow
Siciid Harawo
Axmed Yaasiin Digfeer
Shimaali Axmed Shimaali kooxda Dalmar/Kooxda Ileys 1982dii ilaa maanta Jeceeyloowga Fanka
Maxamed Xasan Lafoole
Cumar Dhuule Cali
Aamina Cabdilahi Xirsi
Kinsi Xaaji Aadan
Saalax Qaasim Naaji

Qoraalo La Mid AhEdit

Muuse Ismaaciil Qalinle