Axmed Mooge

(Waxaa laga soo toosiyay Axmed Mooge Liibaan)
Haku khaldin fanaanka "Maxamed Mooge Liibaan"

Axmed Mooge Liibaan (Af Ingiriis : Ahmed Mooge Liibaan, Af Carabi : ar‎) (geeriyooday Oktober 1997) wuxuu ahaa fanaan, kabanyahan, Heesa, halabuur, laxanmiiste, abwaan, muusigyahan iyo majaajileyste ku soo barbaaray magaalada Hargeysa, Somaliland. Fanaan Axmed Mooge iyo walaalkiis Maxamed Mooge Liibaan waxay ka mid ahaayeen hobolada ugu caansan ee heesaha sameeysta. Sidoo kale waxaa Axmed lagu yaqaanay heeso gubaabo iyo dhaqdhaqaaq lid ku ah dowladii kalitaliska ahayda ee Soomaaliya.

Axmed Mooge Liibaan

احمد الموجي لبنان
Ku dhashay (1943-01-01) Janaayo 1, 1943 ( 81jir)
Hargeysa, Somaliland
DhimashoOktober 1997
Nayroobi, Kenya
Sababta dhimashadaXanuun
Ku aasanNayroobi, Kenya
DhalshoSomali
QoomiyadaSomali
DhalashoSomalia
ShaqadaFanaan, kabanyahan, Heesa, halabuur, laxanmiiste, abwaan, muusigyahan
Sanadaha Shaqada1967kii ilaa 1980meyihii
Ka tirsanHobolada Waaberi, Walaalaha Hargeysa
Shaqooyinka ugu muhiimsanFanka Soomaalida, Qaaci, Qaraami, Kaban (Cuud)
DiintaSuufi Islaam
QaraabadaMaxamed Mooge Liibaan (walaal)
Website
Axmed-mooge.com
Notes
Axmed Mooge iyo walaalkiis Maxamed Mooge waxay ka mid ahaayeen fanaaniinta Soomaalida ee ugu caansana wakhtigoodi, waxaana aad loogu xasuustaa heesaha lidka ku ahaa dowladii Maxamed Siyaad Barre.

Taariikh wax ka badal

Axmed Mooge wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa ee maanta caasimada u ah maamulka Somaliland wakhti lagu qiyaaso 1943dii. Asaga iyo walaalkiis Maxamed ayagoo da' yar ayaay bilaabeen heesida iyo laxameeynta suugaanta Soomaalida. Sidoo kale Maxamed wuxuu ka tirsanaa Hobolada Waaberi ee ugu caansanaa geyiga wakhtigaasi. Axmed Mooge wuxuu aad ugu soo shaacbaxay garaacida kabanka oo in badan uu sameeyay muusig.

Fanka wax ka badal

In kastoo Maxamed Mooge iyo walaalkii Axmed ay sameeyeen iyo ku luuqeeyeen heeso badan oo dhinacyo badan taabanaya waxaa ugu caansanaa kuwan hoos ku xusan:

  • Gaasira
  • I taageer Allahayow
  • Adduunyooy
  • Aduunyadu Wareeriyo
  • Gaashaamo
  • Nin Raga
  • Dadka hayska weyneyn
  • Dalxiis
  • Dhayyal looma heesee
  • Dhulkii hooyo
  • Doonidii Jacaylka
  • Galbis
  • Guga
  • Habluhu kala wanaagsan
  • Hami Iyo Jacayl
  • Haween U Samir
  • Idil
  • Ifka
  • Jirab
  • La Jiifiyaana
  • Maxaa Iga Galay Nin Geelbadan
  • Maxamed
  • Mudantii haweenkaa
  • Nabsiga Hiisha
  • Nafta Ku Ogolaatay
  • Oogada Jirkeygiyo
  • Saxarla
  • Saylaha
  • Shacbaan
  • Waa Oday Kasheekee
  • Walaac
  • Waayeel Dadow
  • Xeebtaa Jabuuti
  • Xilo Jano
  • sabab kale ha moodine

Ilma mooge liibaan wuxay ku dhasheen hargesa lakiin ma ahayn isaaq qabiilkoodu wuxu aha shekhaal

Cadaymo wax ka badal

Xidhiidhyo Banaanka Ah wax ka badal

Tixraac wax ka badal