Kenya
Coordinates: 1°16′S 36°48′E / 1.267°S 36.800°E
Kenya waa wadan ku yaal bariga Afrika. Waxey xal la wadaagtaa wadammada Tansaaniya, Ugaandha, Harta Fiktooriya, Soomaaliya iyo Itoobiya. Dhinaca barina waxaa kaga dhagan Badweynta Hindiya. caasimada wadanka Kenya waa Nairobi. Wadanka Kiinya wuxuu ka mid yahay wadammada ee ku badan yihiin xayawaanaadka ee Qaarada Afrika, sida libaaxa, waraabaha iyo shabeelka. Waa wadan ee dadka adduunka soo dalxiisaan oo na dhaqaalo hiisa kor u socdo. Wadanka magaciisa waxaa lagu magac daray Mount Kenya (buurta Kiinya). Waa buurta ugu weyn wadanka Kiinya, waana midda labaad oo ugu weyn qaarada Afrika. Waayadii hore waxaa la dhihi jiray wadanka British East Africa, waa markii oo Ingriiska gumeynsan jiray Kiinya iyo Yugaandha.
Jamhuuriyadda Keenya Jamhuri ya Kenya
|
||||||
---|---|---|---|---|---|---|
|
||||||
Hal ku dheg: "Harambee" (Af-Sawaaxili) "Aan wada shaqayno" |
||||||
Heesta qaranka: Ee Mungu Nguvu Yetu | ||||||
Magaalo madax | Nairobi 1°16′S 36°48′E / 1.267°S 36.800°E | |||||
Magaalada uguwayn | Nayroobi | |||||
Luqadaha rasmiga ah | ||||||
Qaybaha qoomiyedaha | ||||||
Dadka | Kinyaati | |||||
Xukunka | Qaab jamhuuriyad | |||||
- | Madaxweeyne | Uhuru Kenyatta | ||||
- | Madaxweeyne ku xigeen | Dr. William Ruto | ||||
- | Afhayeenka baarlamaanka | Justin Muturi | ||||
- | Gudoomiyeha maxkamadda sare | David Maraga | ||||
Sharci dejinta | Baarlamaan | |||||
Xoriyad | ||||||
- | Ka qaadatay Ingriiska | 12 December 1963 | ||||
- | Waxaa laga dhigay Jamhuuriyad | 12 December 1964 | ||||
Baaxad | ||||||
- | Guud ahaan | 582,646 km2 km2 (47th) 224,961 sq mi |
||||
- | Biyo (%) | 2.3 | ||||
Tirada dadka | ||||||
- | 2020 qiyaasta | 52,574,000 (31st) | ||||
- | 2019 Tirakoob | 47,564,296 | ||||
- | Mugga Dadka | 67.2/km2 (140th) 174.1/sq mi |
||||
Wax soo saar (PPP) | 2020 qiyaastii | |||||
- | Guud ahaan | $206.532 billion | ||||
- | Qof qof | $4,071 | ||||
Wax soo saar (Iskaga magacaaban) | 2020 estimate | |||||
- | Guud ahaan | $109.116 billion | ||||
Qaybsiga (2014) | 42.5 (medium / 48th) | |||||
Kobaca (2018) | ![]() |
|||||
Lacagta | shillin (KES ) |
|||||
Waqtiga | EAT (UTC+3) | |||||
- | Xagaa (DST) | Lama arag (UTC+3) | ||||
Taariikhda | dd/mm/yy (AD) | |||||
Wadista Baabuurta | bidix | |||||
Furaha telka | +254 | |||||
Furaha Internetka | .ke |
TaariikhEdit
Waayadii hore inta oo wadanka soo galin gumeysigii Ingriiska, wadanka gudihiisa waxaa ku noolaa dad ayaga ismaamuli jiray oo Bantu ah ama jareer, laakiin dhinaca xeebaha waxaa ganacsi ka sameyn jiray Carabta oo waqtigaas ka ganacsan jirtay Bariga Afrika, Bortuqiiska waqtiga oo maamulkiisa bilaabay 1500, waxay la canacsan jireen Carabta oo waagaas ka shaqeenaayeen magaalada Mombaaso. Dadka Bantuga ahaa oo deggenaan jiray gudaha dalka Kenya, uma shaqeyn jirin sida dadka deggenaa xeebaha, Laakiin dadka Masaayda ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq dhinaca xukunka ah taariikhda marka ee ahayd 1800, laakiin dhaqdhaqaaqaas wuu joogsaday sannado badan ka dib markii oo wadanka qabsaday cudur oo xoolaha dhameeyay. Wadanka Kenya gaar ahaan dhinaca xeebaha wuxuu markiisa hore ahaa meel ee Carabta ku ganacsan jirtay adoomada, gaar ahaan meesha ee Carabta u gaarka ahayd ee Zanzibar. Kenya waxaa qabsaday Ingriiska taariikhda marka ee ahayd 1895tii, Muran ayaa ka socon jiray shirkii Barliin oo ahaa meesha dhulalka lagu kala qaybsan jiray, shirkaas wuxuu ku dhamaaday Ingriiska oo qaatay Zanzibar, Kenya iyo Yugaandha, waxaana loogu magacaabay Ingriiska Bariga Afrika. Markii la dhameeyay jidkii tareenka oo ku yaalay meesha biyo deegaanka ah ee Fiktoriya 1902dii, waxaa lagu go'aan gaaray in ee shacab Yurubiyaanka ee u soo guuraan Kenya intii ee san jecleysan wadankii la dhihi jiray (Rhodesia) oo maanta ku yaalo Simbaabwi iyo Koonfur Afrika. Kenya waxay lahayd dhul beeraad aad u weyn, dhulkaas neh waxaa degay ajaanibta Ingriiska, isla markaas neh dadkii u dhashay dalka Kenya gaar ahaan dadka Kikuyuga ah iyo dadka Masaayda ayaa la soo dajiyay dhulka, waxaana loo sameeyay shaqo oo wax soo saarkooda loo dhoofin jiray wadammada Yurubiyanka,badanaa dadka qaarkood lacag raqiis ee ku shaqeyn jireen ama amar, Kenya waxay Ingriiska ka xoroowday 1963dii.
JuqraafiEdit
Kiinya wuxuu ku fadhiyaa dhul balaaran oo gaaraayo 582,646 km2. waxay ka mid tahay wadammada waaweyn. Kiinya waa wadanka afartan iyo toddobaad oo ugu weyn Aduunka. Kiinya waxay xuduud la leedahay wadammada Tansaaniya , Ugaandha , Harta Fiktooriya , Soomaaliya, Itoobiya iyo Konfuur Suudaan .
JawigaEdit
Jawiga Kiinya waa kuleyl, dhinaca xeebaha. woqooyiga Kiinya waa meel doog ah oo roob badan ka dain. Roob badan ayaa Kiinya ka da'o bilaha Maarso iyo Maajo. Roob yarna wuxuu da'aa Oktoobar iyo Nofeembar. xaraaradaha neh, Kuleyl ayuu ku egyahay.
DhaqaaleEdit
Sanadka 2013 ilaa iyo 2017, dhaqaalaha Kenya wuxuu kubcay 5.5% waxaa lagu qiyaasi in uu lubci doono 6.1% sanadka 2019
wadanka Kiinya sida oo u xoroway, dhaqaalihiisa kor ayuu u socdaa.
waxayna soo saaraan, sonkor, biyaha macaanka, qamadi, qamri, warqado, nalal, alaabta baabuurta iyo wax badan oo kale.
Dadka adduunkana wey u soo dalxiisaan. Dhaqaalaha Kenya maanta wuxuu gaaray Dhaqaalaha ugu xoogan Bariga Afrika. Wadanka Kenya wuxuu ku dadaalooyaa horumarinta shacabka Kenyaatiga iyo dhismaha dalka.
MagaalooyinkaEdit
- Nayroobi - 3,138,295 qof
- Mombaaso - 707,400 qof
- Kisumu - 322,024 qof
- Nakuru - 319.200 qof
- Majakos -144,109 qof
Gobolada uu dalka ka koobnaan jiri
1. Gobolka Dhehe ( Central)
2. Gobolka Xeebta (Coast)
3. Galbeedka (Western)
4. Waqooyi bari (North Eastern)
5. Nyanza (Nyanza)
6. Dooxada (Rift Valley)
7. Bari (Eastern)
9. Nairobi
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro Kiinya. |
XigashoEdit
- ↑ (PDF). United Nations http://hdr.undp.org/en/media/HDR_2011_EN_Tables.pdf. Soo qaatay 2 November 2011. Maqan ama ebar
|title=
(caawin)