Sheeko (Af Ingiriis : Narrative, ama story; Af Carabi : ar‎) waa soo gudbinta iyo ka waranka warar iyo macluumaad run ama khiyaali ah, kuwaasi oo ku saabsan dhacdo iyo marxalad wakhti la soo dhaafay dhacday. Sida caadiga ah sheekada waxaa lagu soo gudbiyaa qoraal ama hadal. Laakiin Sheeko Soomaaliga waxaa inta ugu badan lagu soo gudbiyaa si hadal ah.[1]

Sheeko Soomaali wax ka badal

Sheeko Soomaali Sidoo kale loo yaqaano Sheeko Xariiro waa nooc ka mid ah sheekooyinka khiyaaliga, xaqiiqada ama dhacdooyinka laga sameeyay si looga helo madadaalo, Waxbarasho, waayoaragnimo iyo aqoon korodhsi.

sheekooyinka soomaalida waa ay faro badan yihiin waana ay kala xikmad badan yihiin waana ay kala soo jiidasho wacan yihiin sheekooyinka badanaa waxaa lagu maaweeliyaa caruurta badanaana waxaa lagu bilaabaa (waabaa waxaa jiri jiray... )

sheekooyinku waxay iskugu jiraan kuwo khiyaali ah iyo kuwo xaqiiqo ah, sheekooyinka ay soomaalidu aad ka u yaqaanin waxaa ka mida: araweelo, cigaal shiidaad, juxa, sheekooyinka xayawaanada, sida waabaa waxaa jiri jiray diin iyo dawoco..., iyo kuwo kale.

Qoraalo Kale wax ka badal

Linkiyo wax ka badal

Tixraac wax ka badal

  1. Oxford English Dictionary (online): Definition of "narrative"
 
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: