Cigaal shiidaad cigaal waxa uu ahaa nin xigmad badan oo fulayna lagu xanto.waxa uu ahaa fulay laakiin xigmadi ku jirto oo ilaa hada soomalidu way isticmaashaa hadaldiisii ama maah maahihiisii.
matalan marka qof uu doonayo in qof ay saaxiib ahaayeen oo xumeeyay uu u maah maaho waxa uu soo qaataa maahmahdii uu bixiyay cigaal ee kurtinka somaliduna sidaan soo sheegnay ilaa hada aad ayay u isticmaashaa maah maahaha cigaal

qaar kamida hadaladii Cigaal wax ka badal

cigaal oo degan meel miyi ah oo magaalada u dhow ayaa goor barqo u socdaalay magaalada wuxuuna qaatay ul iyo wayso markii salaadii duhur ayuu iska dhigay ushiina dhinaca midig markuu waysadii isyidhi bilow, kadibna waysadii ayuu mooday bahal, intuu ushii si degdeg ah u qaatay ayuu weelkii waysadii ku dhuftay waayo wuxuu mooday bahal, wuxuuna yidhi " way nagaranaysaa oo nagaadaysaa" .

mar kalena wuxuu la joogay cigaal ari, waxay ahayd waqtiga arigu harsado geedaha, ri ka mid ah arigii oo cigaal hortiisa fidhida ayuu ka cabsaday. wuxuuna dhahay "garo way i garan wayna i gaadin".

Cigaal iyo Col wax ka badal

cigaal ayaa maalin asagoo gurigiisa joogo loo sheegay inay col usoo socdaan

markaasuu xaaskiisii ku yiri naayaahee waan is aaseyaayee igu dul ooy markeey u yimaadaan iyadoo ku dul ooneeysa markaasey yiraahdeen maxaa ku dhacey , uma ay jawaabin iyadoo oo hintii siiwadata ayuu cigaal qabrigii ka yiri NAA SHALUU GO,AY DHeh. Markaas ayay dadlkii u socday inay dilaan iska laabteen sababtoo ah waxay is dhaheen kan dabaal waaye ee maxaa ka dilaysaan Cigaal isma aasin ee wuxuu ku yiri xaaskiisa ugu duub raarkan ama falag hadba kii aad u taqaan.

Cigaal iyo Wiilkiisii wax ka badal

cigaal baa maalin asagoo gurigiisa hortaagan oo sita waran af badan baa waxaa ku soo guurguurtay wiil uu dhalay oo aan sanad gaarin oo afar fool kaliya leh markasuu cigaal baqay wiilka afka ku soo taagaya ee ku soo socda (ilaa waa aabihiise)cigaal naagtiisii buu ku yiri naa iga qabo afar foolaha rag la iskuma sii daaya oo gadaal gadaal u cararay naagtii inuu la ciyaarayay mooday oo kaftan bay u qaadatay oo way iska qososhay goortuu arkay inay qoslayso buu warankii la baxay oo ka madaxa ka taagay lol.. hadde maxaa dhacay wiilkii bartii buu ku takhalusay....

Cigaal iyo Naylo wax ka badal


Waa cigaal oo meel gurigiisa udhow jooga goor barqo ah, waxaa kusoo facleeyey naylo ama ubad badan si xoog lehna ugu yaacaya dhinicii guriga, haddee Cigaal saad kutaaqaaniinba maaha nacas ay taladu ka hoos baxdee, waxuu isyiri alaylehe balada kuwaan dabada kawada yay ku haleeline kagaarsii oo baxso, markaasuu naylihii hor cararay asagoo tafta haysta oo oo si xoog leh u neeftuuraya, waxaa arkay dadkii guriga joogay oo fahmay inaay maanta Cigaal maalintiisii tahay ayaa su'aashaan waydiiyay, "war maxaa kugu dhacay Cigaal?", wayna ku qosleen, Haddee ma Cigaalbay ka gar helin? waa nin aftahan ah oo sida la isu furdaansho kusoo takhasusay, waxuuna ku jawaabay. "war kunaas madaxa madow waxay kasoo dideen baan kasoo diday". Asagoo tilmaamaya inuusan talada baqashada uusan kali ku ahayne ee uu lawadaago kun naylood oo ayaguba isku raacay in gurigii laqabto intaan ladaba goosan.


sxb kay waxaan kacod sanayaah mar ka uu qorayo sheeko ama sheekooyin waa in uu wada tashi sameeyo si uu u helo xogta dhabta ah runtii waa nin aad u fakar fican waayo waxa uu isku dayay in uu usoo gudbiyo dhanbaal ah sheekoyin aad ufican somaliwey markila eego rag sumcad ku dhexlahaa oo lasugi jiray hadal ka kasoo yeero

sida cigaal shidaal raage ugaas sayd abdalle xasan wiilwaal qaman bulxan mataan ciided iyo rag aad ubadan sida juxa oo carab ahaa kn shekoyin macaan ku dhex leh caruurta 

cigaal shudaal waxa uu ahaa nin nin dhalay oo geesi ah lkn saban ka aad ku nosha hay waxaa had iyo jeer laga dalacdaah nin bulshadu si weyn uxisayso sugan tisa ama shekoyin kisa wayo qofku marka uu isku dayo she koyin dad ku way ku amanin hadaladad waysi wad wadin si aad marwalba uguso gudbiso mid xisa leh waxaan dhihi karaah cigaal waxa uu ahaa jilaa caan ah oo ku jilijilay qarnigaa lajogo si uu bulshada u qanciyo cigaal waxa atoore badiye \ hadaba cigaal dadku maxay ku shegaan waa su aal? cigaal waxa uu ahaa nin dheer ilmaa mitrkisu ya 2 mtr waxa uu ahaa nin cad oo bidaar le waxa uu xiran jiray dharka midab kisu yahay cadaan jeniqar waxa uuhaa nin sumcad kuleh bulshada waxa uu ahaa nin ku jili jiray fulay waxa una ahaa nin qabilkisu yahay ogaadeen waxa uu na dagi jiray dhulkan somalida eithopea wa inta an ka aqaan cigaa oo aan kamaqlay mar waad mahad san tahiin

Cigaal shiidaad wax ka badal

waxaa la odhan karaa sheekooyinka cigaal shiidaad waa kuwo caalami ahaan la tartami kara sheekooyin caalami ah, sida sheekooyinka caalamiga sheekooyinka cigaal shiidaad waxa ay ka mid yihiin sheekooyinka dhaqanka u ah umada somaliyeed isla markaasna ay umada somaliyeed hida ahaanta u leedahay laakiin ku dhaw in dhawaan lawaayo.


waar armay nagu daraan inkaar qabaha


Sheekadii cigaal (WAR AMAY NAGU DARAAN INKAAR QABAHA)

Wiil uu cigaal shidaad adeer u yahay ayaa ladilay markasaa waxaa ay dhaheen tolkisii aanu ka soo aarsano oo usoo aarno willkenii. Cigaal shidaad ayaa loosheegay inay ragu ku tala galeen inay usoo araan wiilkii uu adeerka u ahaa markasuu cigaal wuxuu isleeyahay isagoo isla hadlaya, " war inkaar qabaha amay nagu daraan anagana" sidii baa dagaal loogu diyaar garoobay.

Cigaal wuxuu ahaa ninka raga ugu geesisan sida sheekada ka muuqata, raga geesiyada ahna fardaha kuwa ugu dhereeya ayaa lasiin jiray. wxaaa qoaray cunug yar ooo kenyaaati uraaayo aah


waxaa dhacday in cigaal faras dhereeya lasiiyo. waxaa dhacday faraskii inuu dadkii oo dhan kala dhexbaxo cigaal oo saaran ileen fardaha oo dhan ayuuka dhereyaa. cabaar markuu ka hormaray dadkii oodhan ayuu cigaal shidaad is yiri " war balaayadu amuu col iila galaa dhereyaa"

hal marbuu iska tuuray faraskii oo gurigii dib oogu soo laabtay.

dadkii ayaa wareestay oo yiri "CIGAAL MAXAA DHACAY SOTAAD DAGAALKII KA QAYBGASHAY MA AHAN" Cigaal wuxuu ku jawaabay " waalaisku baa ba'ayoo faraskaygii waa dhintay manta waranbaa caloosha ka soo riday" sheekadii isagoo wada ayaa farayskii soociyay oo guriga gasadiisa soo sitaagay, markasay dadkii dhaheen faraskii Cigaal shidaad waa kanaaa. inta isla hadlay ayuu yiri "sharafta alla kaa qaad, muusugo intaan hadalka dhameenayo"


fadlan hadaad sheekadan sikale u xafidsantahay oo aad isledahay waa qalday, waad isixi kartaa adoo aad u maha

Instagram: @lil_griemzy




qore mohamed ali ahmed