Xariirad (Af Ingiriis : Harirad) waa magaalo ku taala waqooyigalbeed gobolka Awdal, wadanka Soomaaliya. Magaaladani waxay ku taala deegaano ka tirsan banka Geriyaad ee dhexmara waqooyiga gobolkaasi. Intaas waxaa dheer, magaaladani waxay dhacdaa wadada iskuxidha magaalada Boorama iyo wadanka Djibouti. Magaalada Xariirad waxay dhacdaa 150 kilomitir koonfurta magaalda Saylac iyo 3 km (2 mi) waqooyiga xadka wadanka Itoobiya. Intaas waxaa dheer, magaaladani waxay leedahay joog dhan 972 mitir biyaha bada ka kor, waxaana ku hareersan buuro waaweyn oo ka mid ah Silsilada Golis. Juquraafi ahaan magaaladan waxay ka tirsan tahay Degmada Saylac, waxay marar badan si toos ah u hoostegtaa Maamulka Saylac & Lughaya.

Xariirad

Xariirad

Harirad
Magaalo
Xariirad is located in Somalia
Xariirad
Xariirad
Meesha ka dhacdo Soomaaliya.
Wadan Somalia
GobolAwdal
DegmoDegmada Saylac
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Taariikh

Sida lagu sheegay dhaqanka dadka deegaanka, meesha magaalada Xariirad hada dhacdo waxay ahaan jirtey meel aad u dhir badan oo geedo noocyo badan leh ka baxaan. Waxaa intaas dheer, magaaladan waxay waligeed ku caan ahayd biyo nadiif ah, taasi ooy sababtey dhinac ahaan in lamadegaan ka saaran tahay.

Bulshada

Sida lagu xusan tirokoob madaxbanaan oo Qaramada Midoobay hay'ado ka mid ah sameeyeen sanandkii 2012, waxaa la sheegay in bulshada magaalada Xariirad dhan tahay iaa 827 qof kuwaasi oo iskugu jira xoolo-dhaqato iyo ganacsato. Bulshada ku dhaqan magaaladan waxay u badan yihiin dad Soomaali ah, kuwaasi oo ka soo jeeda beelaha Gadabuursi iyo tiro kooban oo Beesha Ciise ah.



Juquraafiga

Magaalada Xariirad waxay dhacdaa deegaan buuroley ah, waxaana dhowr dhinac kaga wareegsan dooxooyin ka bilaabma dhulka sare. Magaalada agagaarkeeda waxaa caan ku ah noole badan oo duurjoog ah; kuwaasi waxaa ka mid ah: dacawoda, bisad duurjoogta, yayga, daanyeerka, noocyo badan oo shimbiro ah iyo weliba xayawaano kale oo badan.

Cimilada

Cimilada magaalada Xariirad waa mid lamadegaan la mood. Sidoo kale wuxuu deegaanku leeyahay "Cimilada Buuroleyda", taasi oo ah kuleyl iyo qalayl wakhtiga gu'ga iyo qaboow wakhtiga jiilaalka. Waxaa xusid mudan jooga magaalada oo ah ilaa 972 mitir ka saraysa biyaha bada.

Faahfaahin Cimilada Xariirad
Bilaha Jan Feb Mar Apr May Jun Jul Aug Sep Oct Nov Dec Sanad
Kuleel aan darnayn °C (°F) 26.8
(80.2)
27.2
(81.0)
29.4
(84.9)
30.6
(87.1)
32.9
(91.2)
34.7
(94.5)
34.0
(93.2)
33.4
(92.1)
32.8
(91.0)
30.7
(87.3)
28.5
(83.3)
26.8
(80.2)
30.65
(87.17)
Maalinle °C (°F) 20.5
(68.9)
21.5
(70.7)
23.6
(74.5)
25.2
(77.4)
27.3
(81.1)
29.1
(84.4)
28.3
(82.9)
27.7
(81.9)
27.5
(81.5)
24.6
(76.3)
22.2
(72.0)
20.6
(69.1)
24.84
(76.72)
Hoos udhaca kuleelka °C (°F) 14.2
(57.6)
15.9
(60.6)
17.9
(64.2)
19.9
(67.8)
21.7
(71.1)
23.6
(74.5)
22.6
(72.7)
22.1
(71.8)
22.3
(72.1)
18.5
(65.3)
15.9
(60.6)
14.5
(58.1)
19.09
(66.37)
Roobka mm (Faro) 9
(0.35)
15
(0.59)
26
(1.02)
51
(2.01)
31
(1.22)
15
(0.59)
49
(1.93)
71
(2.8)
50
(1.97)
12
(0.47)
9
(0.35)
3
(0.12)
341
(13.43)
Source: Climate Data[1]

Magaalooyinka Maamulka Saylac iyo Lughaya

Maamulka Saylac & Lughaya
Magaca magaalada Bulshada
Saylac 8,600
Lawyacado 1,600
Lughaya 1,501
Ceel Gaal 124
Cabdulqaadir (degmo) 567
Xariirad 678
Caasha Cado 421
Jidhi 249

Sidoo kale fiiri

Xigasho

  1. http://en.climate-data.org/location/647478/. Soo qaatay 6 May 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)

Tixraac iyo Linkiyo