Haku khaldin curiyeha birta ah ee "Tin (curiye)".

Tin Timo (ingiriis: hair) waa dun yariis ah oo ka soo baxda maqaarka jidhka dadka iyo in badan oo xoolaha iyo xayawaanka ka mid ah.[1] Timaha xoolaha iyo xayawaanka waxaa loo yaqaanaa dhogor.[2] Dhogortu waa tin dheer oo aad u awood badan taasi oo inta badan u samaysan qaab wareegsan ama duuduuban.

meelaha timuhu ka soo baxaan jidhka dadka.

Guud ahaan timuhu waxay ka samaysan yihiin borotiin loo yaqaano "keratin". Xayawaano badan oo naasley ah ma lahan wax dhogor ah, kuwaas waxaa ka mid ah maroodiga iyo nibiriga.[3][4]

Faa'iidada Timaha wax ka badal

 
Aarku wuxuu leeyahay dhogor badan taasi oo u eekaysiisa mid wayn.

Timuhu shaqo badan ayay u hayaan jidhka noolaha, waxaana ka mid ah:

  • ineey ka difaacaan ileyska waxyeelada u ah jidhka.
  • ineey sii yaan kul iyo qaboow jidhka.
  • waxay difaac u yihiin daloolo jidhku ka soo bixiyo dhididka iyo qashinka saa'idka ah.
  • xayawaano badan dhogorta ayaa ka difaacda in biyaha roobku gaadhaan jidhkooda.
  • dhogortu waxay ka dhigtaa xayawaanada qaarkood mid aad u wayn.

Timaha Dadka wax ka badal

 
Timuhu waxay ka soo baxaan meelo badan oo jidhka ah.

Dadku waxay leeyihiin timo badan oo ka soo baxa meelo kala duwan oo jidhka ah. Inta ugu badan timuhu waxay ka soo baxaan madaxa, wejiga labka (timaha wejiga ka soo baxa waxaa loo yaqaanaa gadh iyo shaarbo),[5] laabta, lugaha iyo gacmaha.[6]

Bulshooyinka duniku way ku kala duwan yihiin midabka iyo tirada timaha; Aasiyaanka iyo dadka dega Ameerikooyinka[7] ayaa ugu yar timaha ka soo baxa jidhka, waxaana ugu badan dadka reer Yurub.

Midabka Timaha wax ka badal

Midabka timaha dabiiciga ah waxaa qofku ka dhaxlaa waalidka, kuwaasi oo ku dhex jira "jiiniska" (genes). Waxaa jira noocyo badan oo midabka timaha dadka ah. Kuwaas waxaa ka mid ah: midabka madoowga ah, timaha midabka cas, timaha midabka cowlan leh iyo inta u dhexaysa kuwaas.

Qoraalo La Mid ah wax ka badal

Wacdiyahii wax ka badal

„Timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin.”

„Dabiicadda qudheedu miyaanay idin barin in ninku hadduu timo dheer leeyahay ay maamuusdarro u yihiin isaga, laakiin naagtu hadday timo dheer leedahay, waa u sharaf iyada. Waayo, timaha waxaa iyada loo siiyey hagoog.”

Xigasho wax ka badal


  1. "maqaarka jidhka dadka iyo in badan oo xoolaha"
  2. "dhogor"
  3. "borotiin loo yaqaano "keratin""
  4. "naasley ah ma lahan wax dhogor ah, kuwaas waxaa ka mid ah maroodiga iyo nibiriga."
  5. "madaxa, wejiga labka (timaha wejiga ka soo baxa waxaa loo yaqaanaa gadh iyo shaarbo)"
  6. "laabta, lugaha iyo gacmaha"
  7. "Aasiyaanka iyo dadka dega Ameerikooyinka"