Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato

Hadal kooban oo aay muslimiinta dhahaan markii lagu ag sheego nabi muxamed ama anbiyada kale

Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato

Qoraalka magaca Nebi Muxamed farta Thuluth.
Calayhi salaatu wa salaam.
Rasuul/Nebi Muxamed
Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato.

Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato Salalaahu Calayhi Wa Salam (ingiriis: Peace Be Upon Him; carabi: ﻋﻠﻴﻪﺍﻟﺴﻼﻡ; sidoo kale: ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ, "ṣall Allāhu ʿalay-hi wa-sallam", loo soo gaabiyo: S.A.W.) waa kalmado ay asxaabta Nebi Muxamed samaysteen kadib markii ay soodegtay aayadda )إن الله وملائكته يصلون على النبي يأيها ألذين ءامنوا صلو عليه وسلموا تسليما( si ay ugu sharfaan asaga.[1][2] Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato, , waxaa la sameeyay geeridii nabiga ka dib, taasi ooy asxaabtu isla garteen ineey qadarin iyo sharafta ay u hayaan nabiga ku muujiyaan. Wakhtigaasi asxaabtu waxay soo ururiyeen “noloshii nebiga” (siirada) iyo hab "dhaqankii nebiga" (sunnada) kuwaasi oo ah aasaaska iyo saldhiga shareecada lagu maamulo Dawladda Islaamka. Sidoo kale, asxaabtu waxay isla-garteen in marka la soo hadal-qaado magaca nebiga la dhaho Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato (ﻋﻠﻴﻪﺍﻟﺴﻼﻡ, "ʿalayhi as salām").[3][4]

Taariikhda Nebiga Oo Kooban wax ka badal

 
Deegaanada Carabiya iyo sidii qabiiladu u kala degi jireen wakhtigii Nebi Muxamed noolaa.


Dad badan oo aan muslim aheyn oo taariikhaha dunida wax ka baadha waxey isku raaceen inuu Nabi Maxamed NNKH uu ahaa qofkii dunida uguu wanaagsanaa. Markey taariikhdu ahayd sanadkii 570kii C.D ayaa Nebigu ku dhashay magaalada Makkah ee deegaanka Xijaas ee dhulka Carabiya. Nebi Muxamed wuxuu ka dhashay beesha reer Haashim ee ka tirsan qabiilka Quraysh. Waalidkii waxay dhinteen asaga oo aad u yar, waxaana soo koriyay awoowgii oo wakhti yar ka dib dhintey. Markaasi masuuliyada nebiga waxaa la wareegay adeerkiis Abu Daalib oo gurigiisa uu ku soo barbaaray Muxamed.

Abtiriskiisa wax ka badal

Muxammed Bin Cabdullaahi Bin Cabdimudalib (Shaybah) Bin Haashim (Camar) Bin Cabdimanaaf (Muqiira) Bin Qusayi (sayd) Bin Kilaab Bin Murra Bin Kacab Bin Lu'ey Bin Ghaalib Bin Fihir Bin Maalik Bin Nadar (Qays) Bin Kinaana Bin Khuzeyma Bin Mudrika Bin Ilyaas Bin Mudar Bin Nizaar Bin Macad Bin Cadnaan.

Dhalashaddii & Barbaarintii rasuulka wax ka badal

Waxa uu Rasuulka   dhashay sanadkii Maroodiga (Caamul-fiil), maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga  , Cabdimudhalib waa uu bishaareystey wuxuuna tegey Kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey. Rasuulka   wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu la bixi jirin, wuxuu guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la yiraahdaa wuxuu dhashay asaga oo gudan.

Nabiyada iyo Rasuusha wax ka badal

Sida saxda ah sunaha diinta Islaamka waxaa ka mid ah in marka la soo hadal-qaado nebi ama rasuul la yidhaahdo "Naxariisi korkiisa ha ahaato", marka laga reebo Nebi Muxamed  oo la odhanayo "Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato". Midani waa sharfid, qadarin iyo maamuus ay dadka muslimiinta ahi u hayaan nebiyada iyo rusuusha Alle.

Nebiya Ilaahay (s.w,t) ku sheegay kitaabka Quraanka kariimka ah ee lagu soo dejiayay Nebi Muxamed  waa 25 Nabi kuwaasi oo kala ah:

Nabiyada iyo Rusuusha Ku Xusan Quraanka
(الأنبیاء والرسل في القرآن)
Nebi Aadam
Nebi Al-yasac
Nebi Ayuub
Nebi Ciise
Nebi Dulkifli
Nebi Daa'uud
Nebi Haaruun
Nebi Huud
Nebi Ibraahiim
Nebi Idriis
Nebi Ilyaas
Nebi Ismaaciil
Nebi Isxaaq
Nebi Luud
Nebi Muuse
Nebi Muxamed 
Nebi Nuux
Nebi Saalax
Nabi Shuceyb
Nebi Sulaymaan
Nebi Yaxye
Nebi Yacquub
Nabi Yuusuf
Nebi Yuunus
Nebi Zakariye

Qoraalo La Mid Ah wax ka badal

Xigasho wax ka badal

  1. "ingiriis: Peace Be Upon Him; carabi: ﻋﻠﻴﻪﺍﻟﺴﻼﻡ; sidoo kale: ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ, "ṣall Allāhu ʿalay-hi wa-sallam", loo soo gaabiyo: S.A.W."
  2. "asxaabta Nebi Muxamed "
  3. "“noloshii nebiga” (siirada) iyo hab "dhaqankii nebiga" (sunnada)"
  4. "Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato (ﻋﻠﻴﻪﺍﻟﺴﻼﻡ, "ʿalayhi as salām")"