Reexaan

Reexaan (Af Carabi : arAf Ingiriis : Basil) waa jaad ka mida dhir uduga cuntada lagu carfiyo, saliideeda waxaa laga sameeyaa catarka iyo noocyo ka mida cabitaanka

Waa geed udug gu'le iyo ka badanba jira ilaa 0.6m kor u baxa, Waxa uu ka baxaa dhulka cimiladiisu ay diirrimaadka tahay, waa xawaashka cunnada lagu kariyo kan ugu caansan. reer yurub ayaa qarnigii 17 u adeegsan jiray ku daawenta qabowga iyo ka-soo-baxa, iyo gooryaanka caloosha, hindiya ayaa loo adeegsadaa la dagaalanka bagteeriyada jirka dushiisa, saliidiisa ayaa loo adeegsada finanka wajiga iyo yaraynta roomatiisamka, waxay kaloo leedahay xanuun baabiiye iyo fiitamiin Aga ilaaliya inay duqoobaan unugyada, caleenta reenta ayaa markii la kariyo biyeheeda ay u fiicanyihiin qabowga, hargabka, sambab xanuunka, waxay kaloo u fiicantahay qandhada malaariyada.

Soomaalida ayaa u adeegsata badanaa carfinta cuntada,

Nafaqooyinka ku jira

wax ka badal

100 gr ee reexaan sida wasaarada beeraha ee maraykanka sheegtay macluumaadka cunto ee ku jira ayaa ah sida:

  • kulka 22
  • dufan 0.64
  • karboohaydraad 2.65
  • qolof ama xanshir 1.6
  • brootiin 3.15
  • koolistrool 0

Waxtarka caafimaad

wax ka badal
  1. waxaa ku ira fiitamiin A iyo C iyo Cusbo ma kaalshiyan, sidoo kale wuxuu leeyahay bootaasiyam, iyo magniisiyam.
  2. magniisaymka ayaa u roon wadanaha wuxuu fududeya shaqada xidida dhiiga iyo weelasha wadnaha, isagoo ka qaata dejinta iyo xasilinta daalka wadnaha.

Hab Abuurka 

wax ka badal

waxaa loo beeraa laba qaab 1- in jirida dhulka lagu aaso ka dibna biyo lagu shubo maalin walba. 2- in iniinta dhulka lagu aaso lana waraabiyo.


Sidoo kale eeg

wax ka badal

Noocyo Kale

wax ka badal
Khudaar  
Khudaarta Bisil (fruit)
Babaay  · besbaaska  · tamaandhada  · saladhka  · toonta  · kaarootka  · Liin Macaan  · Liin Dhanaan  · Liin Bambeelmo  · Liin Qarboosh  · Tufaax  · Muus  · Cambe  · Canabka  · Qare  ·
Khudaarta Ceyriin (vegetable)
Barandhe  · Basal  · tamaandhada  · toonta  · Dabocase  · Kamsar