Portal:Afrika

(Waxaa laga soo toosiyay Portal:Africa)
Warbixin guud   Wadanada Afrika  

Afrika (Af Ingiriis : Afrika; Af Carabi : ar‎) waa qaarada labaad ee ugu weyn qaaradaha aduunka kadib qaarada Aasiya dhanka baaxada iyo dhanka dadkaba. Baaxada Afrika waxay la'egtahay c. 30,244,050 km² (11,677,240 mi²) tiradaas waxaa ku jira dhamaan jasiiradaha lagu xisaabo Afrika. Afrika baaxadeeda waxay dabooshaa 20.3% baaxada dhulka oo dhan. Sida lagu xusay tirokoob caalami ah oo la sameeyay sanadkii 2013ka waxaa ku nool qaarada Afrika dad tiradooda ay dhantahay 1.1 bilyan taasi oo ah tiro u dhiganta todobo qeyboodoo qayb dadka dunida ku noolo maanta.

Qaarada Afrika waxaa ku hareersan biyo; Bada Mediterraniyanka waxay ka xigta waqooyi, sidoo kale Gacanka Suweys iyo Bada Cas waxay ka xigaan waqooyibari, Badweynta Hindiya ayaa kaga taala koonfurbari, iyo Badweynta Atlantika oo ka xigta galbeed. Intaas waxaa dheer, wadanka jasiirada Madagaskar iyo gasiirado kale ayaa soo hoosgala qaarada. Sida rasmiga ah waxaa qaarada Afrika degan 54 wadan oo la aqoonsan yahay, sagaal deegaan iyo labo wadan oo wali la aqoonsan. Xaga bulshada, qaarada Afrika waxaa ku dhaqan dadka ugu da'da yar caalamka marka tirada guud laga hadlayo; 50% dadka Afrikaanka ahi waa da'da ka yar 19 sano. Juquraafi ahaan, wadanka Aljeeriya ayaa ugu wayn dhulka iyo baaxada, halka Nayjeeriya ugu dad badan tahay; waxaana guud ahaan caalamka la isku raacay in badhtamaha iyo Bariga Afrika yihiin meesha aadamuhu ka soo beermeer markii ugu horeeysay. Waxaa deegaanadan laga helay lafo aad u da' weyn oo muujinaya horaantii dadka. Tusaale ahaan, wadanka Itoobiya waxaa laga helay lafaha ugu da'da weyn inta la ogyahay midaasi oo jirta 200,000 kun sano. Guud ahaan qaarada Afrika waxaa dhex mara dhulbadhaha, waxayna leedahay noocyo badan oo cimilo kala gedisan ah. Waana qaarada keli ah ee laga helo astaamaha cimilada waqooyi ilaa koonfurta dhulka.

Fiiri maqaalo kale (cusboonaysiin)

Maqaalo Xul ah

  Bariga Afrika (Qaabaynta QM)
  Federaalka Bulshada Bartamaha Afrika
  Juquraafiga Bariga Afrika waxaa ku jira deegaano ka baxsan gobolka kaasi oo Qaramada Midoobay ku soo dartey.

Bariga Afrika (Af Ingiriis : East Africa; Af Carabi : ar‎) waa gobolka dhaca bariga qaarada Afrika, taasi oo aad ugu kala duwan deegaan ahaan, juquraafi ahaan iyo siyaasad ahaan. Sida ku xusan qawaaniinta gobolada ee dejisay Jimciyada Qarama Midoobay deegaanka Bariga Afrika waxay ka kooban tahay ilaa 20 wadan, kuwaasi oo kala ah:

Sawiro xul ah

Kilimanjaaro waa buurta ugu dheer Afrika

Shakhsi xul ah

Shilimaanta ay isticmaali jirtey boqortooyadii Xabashida

Boqor Najaashi (magaciisa saxda ahaa Asmaxa) waa mid kamida boqoradii Xabashida (maant loo yaqaano Itoobiya) waxa uu qaabilay asxaabtii dhankiisa u soo hijrootay xiligii rasuulka s.c.w, waxa ay lajoogeen intii u dhaxaysay 610-629, rasuuulkuna waxa uu yidhi xiligaas waa boqor aan agtiisa cidna lagu dulmiyin waxa uu xukunka qabsaday isaga oo jira 9 sano kadib markii uu adeerkii oo boqor ahaa geeriyooday waxyar kadib waxaa markiiba faafay cadaaladiisa iyo sida fiican ee uu u xukumayay dadkii uu u talinayay isaga oo cadaalada aad u jeclaa durbadiiba meelkasta waxaa gaadhay in uu yahay boqor caadila, sanadii shanaad ee dacwada islaamka ayaa rasuulku s.c.w waxa uu faray asxaabta in ay katagaan Makka oo ay aadaan xagaas iyo xabasha. waxaa jooga ayuu yidhi rasuulku boqor aan agtiisa cidna lagu dulmiyin asxaabtii markaas halkaas aaday waxa ay tiradoodu gaadhaysay 80 marka ciyaalka iyo dumarka laga reebo waxa layidhaahdaa waxa ay dhacday hijradaasii intii u dhaxaysay 10 ilaa 629.

Category

Maqaalada Afrika

Portal kale

Mashaariic Bahwadaag

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia ee qodobkaan raacsan:

Wikibooks
Buugaag

Commons
Sawirro

Wikinews 
Warar

Wikiquote 
Oraahaha

Wikisource 
Qoraal

Wikiversity
Xogaha waxbarashada

Wikivoyage 
Hagaha safarrada

Wiktionary 
Qaamuus

Wikidata 
Liiska caddeymaha

Wikispecies 
Abla-ablayn

Hooyga muhiimka ah:
Qaaradaha:

Aasiya | Afrika | Antarktika | Ooshiyaaniya | Latin Ameerika | Woqooyiga Ameerika | Yurub |

Portal Bahwadaag la ah:

Carabta | Hiddaha iyo Dhaqanka | Af-Soomaali | Siyaasadda |

Sidoo kale:

Soomaaliya

Bulsho ] Hooyga ]