Gaashaanbuurta NATO

(Waxaa laga soo toosiyay NATO)

Gaashaanbuurta NATO (Ingiriis North Atlantic Treaty Organisation, Af-Faransiis (Organisation du traité de l'Atlantique nord) waa gaashaanbuur militari oo samaysantay kadib Dagaalkii Labaad ee Aduunka. Magaca NATO waxa loosoo gaabiyay Ururka Gaashaanbuurta Waqooyiga Atlantikga. Waxaa la aasaasay sanadkii 194, waxaana xarun u ah magaalada Boroksel, caasimada Beljimka. Gaashaanbuurta NATO waxa ay leedahay laba luqadood oo rasmi u ah waxayna kala yihiin Ingiriisiga iyo Faransiiska. Hadafka amaba ujeedada koobaad ee ururkani waxa uu yahay ilaalinta xoriyada dawladaha xubinta ka ah. Waxa uu door ka qaataa meelaha ay kajiraan khilaafaadka amaba dagaaladu. Dhammaan dawladaha kamidka ahi waxa ay ka qaybqaataan keenista agabka dagaal amaba militari iyo sidoo kale keenista ciidamada, taas oo sare u qaada in uu ururkani noqdo mid heersare ah. Waxaa jira dawlado ururka aan kujirin laakiin calaaqaad uu kadhexeeyo waxaana lagumagacaabaa dawladahaas saaxiibada sare ee NATO (Major non-NATO ally).

Calanka NATO


Dawladaha xubnaha ka ah wax ka badal

Taariikh Taariikhda uu wadan kastaa kusoo biiray No.
4 Abriil 1949   Beljim,   Denmark ,  Faransiiska,   Talyaaniga,   Kanada ,   Luksemburg,   Holland,   Norway,   Bortuqaal,   Ingiriiska,   Maraykan iyo   Island 12
18 Febraayo 1952   Giriig iyo   Turki 14
6 May 1955   Jarmala 15
30 May 1982   Isbania 16
12 Maarso 1999   Hungaria,   Boland iyo   Jamhuuriyadda Tashik 19
29 maarso 2004   Bulgaria,   Estoniya,   Latfiya,   Lithuaniya,   Romania,   Islofaakiya iyo   Isloveeniya 26
1 Abriil 2009   Albania iyo   kroatia 28
2023   Finland 32
2023   Sweden 32


  • Kursi-Ka Nato   Ukraine 2023 heshiiska Ukraine si ay u noqdaan xubin macquul ah

Warka wax ka badal









































































Sido Kale fiiri wax ka badal

Webka Rasmiga ah, ee NATO http://www.nato.int/cps/en/natolive/index.htm