Firiley

(Waxaa laga soo toosiyay Firi)
Kani waa maqaal ku saabsan guud ahaan midhaha firida.
Boga "firi" halkan ayaa laga soo toosiyay

Firi (Af Ingiriis : grain; Af Carabi : ar‎) waa midho yaryar, qalalan, adag, siidh ah, kuwaasi oo (qaarkood) qolof sare ama dahaar maqaar leh oo ka baxa geedo gaaban iyo kuwo u dhow geedka cowska. Midhaha firileyda ah waxaa quuta oo cunto u tahay dadka iyo xoolaha.[1] Midhaha firida waxaa ka mid ah bariiska, qamadiga, garowga, heeda, sareenka, digirta, hadhuudhka iyo kuwo kale oo badan.

Midhaha dhowr nooc oo firiley ah

Midhaha firileyda waxaa laga beeraa dhamaan qaaradaha caalamka, waana cuntada ugu badan ee dadka iyo xooluhu quutaan. Firileyda waxaa laga sameeyaa daqiiqda, canjeerada, sabaayada, malawaxa, buskudka, keega iyo noocyo badan oo kala duwan oo laga cuno dhamaan caalamka.

Firileydu waa xubin ka mid ah dhirta cowsleyda ah ee dhasha midhaha firida ah, taasi oo ka baxda meelo badan oo dunid ah. Midhaha geedahan waxaa loo isticmaalaa cunto ahaan, in kastoo wadano badan oo caalamka ahi u isticmaalaan ineey ku quudiyaan xoolaha la dhaqdo.

Midhaha wax ka badal

 
Midhaha firida waxaa ka mid ah: qamadi, masago, heed, sareen.

Dhamaan midhaha firida waxay xubin ka yihiin qoyska cowska.[2] Midhaha firidu waxay leedahay dahaar iyo qolof ku dhegan midhaha waxayna leeyihin kaarbonhaydarate badan iyo awood. Qaar ka mid ah midhaha firida laga beerto caalamka:

Muuqaalka wax ka badal

Qoraalo La Xidhiidha wax ka badal


Tixraac wax ka badal


  1. Babcock, P. G., ed. 1976. Webster's Third New International Dictionary. Springfield, Massachusetts: G. & C. Merriam Co.
  2. Vaughan, J. G., C. Geissler, B. Nicholson, E. Dowle, and E. Rice. 1997. The New Oxford Book of Food Plants. Oxford University Press.
 
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: