Category:Khulafo Raashidiin

Khilaafada Islaamka Khulafo Raashidiin Rashidiinta Afarta Khulafo (ingiriis: Rashidun Caliphates; carabi: ﺍﻟﺨﻼﻓﺔ ﺍﻟﺮﺍﺷﺪﺓ) waa afartii asxaabi ee ku xigtey Nebi Muxamed (n.n.k.h) maamulka iyo hogaanka dawladii Islaamka, kuwaasi oo kala ah:

  • Abu Bakr Sadiiq - ﺃﺑﻮ ﺑﻜﺮ ﺍﻟﺼﺪﻳﻖ
  • Cumar (Cumar bin Khataab) - ﻋﻤﺮ ﺑﻦ ﺍﻟﺨﻄﺎﺏ
  • Cusmaan binu Cafaan - ﻋﺜﻤﺎﻥ ﺑﻦ ﻋﻔﺎﻥ iyo
  • Cali (Cali binu abi Dalib) - ﻋﻠﻲ ﺑﻦ ﺃﺑﻲ ﻃﺎﻟﺐ

Khaliif (ingiriis: Caliph; carabi: ﺍﻟﺨﻼﻓﺔ) waa khaliifyadii hogaaminayay maamulka diinta Islaamka, waxaana ka mid ah:

Afarta Khulafo Raashidiinta wax ka badal

Khulafo al-Rashiidiintu waa afarta asxaabi ee hogaanka iyo talada maamulka dowlada Islaamka la waday Nebi Muxamed intii uu noolaa isla markaana gacanta ku dhigay ayagoo iskaga dambeeyay hogaaminta dowladii Islaamka. Wakhtigii Khulafo al Raashidiinta dowlada Islaamku aad ayay u balaadhatay waxayna gaadhay meelo badan oo ka mid ah Bariga Dhexe, galbeedka qaarada Yurub, waqooyiga Afrika, bariga fog iyo wadano aad u badan oo kale. Wakhtigani maamulka dowlada Islaamka ee Afarta Khulafo wuxuu bilaabmey 8dii Juune sanadkii 632 C.D; wuxuuna dhamaadaa 28 Luuliyo sanadkii 661 C.D taasi oo ku beegan goortii la dilay Cali binu Abi Dalib ee xilka iyo hogaanka dowlada Islaamka uu la wareegay Mucaawiya binu Abi Sufyaan. Intii Afarta Khulafo talada dowlada Islaamka hayeen waxay qabsadeen dhu aad u baaxad weynt taasi oo lagu qiyaaso 9,000,000 km² (sagaal milyan mitir laba-laaban) (3,474,919 sq mi). Tirada dadka ku hoos jirey maamulka iyo hogaanka Khulafo al-Raashidiinta waxaa lagu sheegaa 40,300,000 (qiyaas dhan 40 milyan oo qof).

[1] [2]

Xigasho wax ka badal

  1. AD 2036 Is the End: The Truth about the Second Coming of Christ and the meaning of life, p. 77. By Christian Jacobsen [1]
  2. A Chronology Of Islamic History 570-1000 CE, By H.U. Rahman 1999 Page 48 and Page 52-53