Beerta Xayawaanka Duurjoogta Jilib

Waa Beer Xayawaanaadka Qaranka ugu weyn guud ahaan wadanka Soomaliya , waxayna ku taala Gobolka Jubada Dhexe , cabirka dhulka beerta waa 950km sq

Taariikhda Beerta wax ka badal

Beerta Xaywaanka Duurjogta jilib ( Jilib national Park) ayaa ahayd beerti ugu horeysay laga hirgeliyo wadanka somaliya,mashruuca dhismaha beerta ayaa la bilaabay dhamaadki 1970 meyadii waxa hirgelisay oo maalgelinaysay wazaaradda Dalxiiska iyo duurjoogta ,Qeybta waaxda duurjoogta Dowladdi Kacaanka Somaliya , nasiib wanaag iyadoo aan dhismaha beerta la dhameynin , xarigana laga jarin ayaa dhacday Dowladdi kacaanka waxana bilaabmay dagaalki sokeeye ee somaliya 1991 , waxa istaagay dhamaan howlihi laga qabanayay beerta xayawaanka .

Nasiib daro, dagaalkii sokeeye wuxuu khasaare weyn u geeystay nolosha duurjoogta Soomaaliya. Waxaa dhintey tiro badan oo xayawaan duurjoog ah iyo dhir leh, waxaa si khalad ah loo isticmaalay khayraadka duurjoogta ee wadankeena, iyo tiro badan oo xayawaan u qaxay wadamada Kenya iyo Itoobiya. Burburka ka dib Qurbo joog ka tirsan beesha sheekhaal oo ka soo jeeda Gobolka Jubada Dhexe ayaa isku dayday in ay dib u dhisaan beerta xayawaanka waxay shirar kala duwan ay ku qabteen wadanka dibaddisa, laakin nasiib wanaag waxaa suurto geli weyday in dib loo dhiso beerta xayawaanka duurjoogta jilib.

Xayawaanka Duurjoogta Ku Noolaa Beerta wax ka badal

Beerta waxa ku noolaa xayawaanaad kala duwan waxaana ka mid ah : Naasley , Xamaarato , Shimbiro iyo bahalo kale oo badan .

Sido kale waxa ku noolaa in ka badan 100 xayawaan naasley ah , 700 Shimbiro kala nooc ah , iyo tiro badan oo xamaarato ah aan la tiro koobi karin .

Sidoo kale beerta dhexdeeda waxa laga helaa noocyo bada oo dhir ah sida sogsogta, galoolka, qudhaca, baxarasaafka, dhirta khudaarta, dhirta midhaha iyo noocyo badan

Xayawaanadka ku noolaa Beerta waxa kamid ah: .

 
Maroodi
 
Korow
 
Haramacad
 
Waraabe
 
Eelo ama Cawl
 
Geri
 
Biciid
 
Daanyeer


 
Libaax
 
Dameer farow
 
Doofaar
 
Goodir
 
Jeer


 
Lo gisi









 
Sagaaro
 
dawaco


 
Mas Cobra
 
Galeyr
 
Bakayle
 
Wiyil








Xigasho wax ka badal

[1][2]

  1. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2022-09-25. Soo qaatay 2022-09-25.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2022-09-25. Soo qaatay 2022-09-25.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)