Khudaar (Af Carabi : arAf-Taliyaani : verdura Af Ingiriis : vegetable) waa midho ka baxa dhirta kuwaas oo lagu darsado cuntada.

salad buuxda oo noocyo badan oo khudaar ah ku jiraan.

Khudaartu way ka duwan tahay midhaha, sababtoo ah midhuhu waa cunto bisil oo in la kariyo u baahnayn, laakiin inta u badan khudaarta waa in la kariyo ka hor intaan la cunin.

Khudaarta maalin walba dadku isticmaalaan waxaa ka mid ah: basasha, tamaandhada, barandhaha, saladhka, toonta, kaarootka, besbaaska, iyo kuwo kale oo badan.

Midhaha firileeyda ah ee yaryar, sida bariiska iyo qamadiga lama odhan karo waa khudaar, sababtoo ah waxaa loo yaqaanaa firileey.