Waraabe waxaa af ingiriis lagu dhahaa spotted hyena; (Af Carabi : arAf-Laatiin: hyaena Af-Taliyaani : iena Af Ingiriis : hyena) waa xayawaan duurjoog ah kaas oo cuna hilibka. Waraabuhu waa bahal xoogan oo ku nool, Afrika.

Waraabe

Waraabaha, waxoo leeyahay, ilko miishaar ah ama goon aad u xoogan. waraabaha, waa xayawaan kala duwan, markii la fiiriyo kuwa ku kala nool aduunka.

Waraabuhu waxa uu ka mid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda lafdhabarleyda ah (Chordate), gaar ahaan bahweynta naasleyda (Mammalia). Isla markaas, wuxuu ku jiraa dugaaga hilib cunka ah ee ugu caansan qaaradda Afrika (Carnivora) qoyska weyn ee Waraabaha (Hyaenidae). Bahda cilmiga Saynisku waxay ugu yeedhaan (Hyaenidae). Asal ahaan waxa uu kasoo jeedaa qaaradaha Afrika, Aasiya iyo jasiirada carabta. Dheddigiisa waxaa lagu magacaabiya candhadheer, dhashiisana ama cunugga waa wishiir.

Waraabe waxay isku bah yihiin: Dhidar, Cumar, iyo dhurwaa.