Xafsa bint Cumar
Xafsa binti Cumar (ingiriis: Hafsa bint Umar) waa gabadh uu dhalay asxaabiga weyn iyo mid ka mid ah Khulafo Ar-Raashidiinta Cumar bin Khadaab, taasi oo carmali (garoob) ku noqotey Dagaalkii Beder markii ninkeeda Khunais ibn Hudhaifa lagu diley dagaalka dhexdiisa. Markey taariikhdu ahayd sanadkii 3aad ee hijrada ayaa Nebi Muxamed dumaalay (guursadey) si uu uga baabi'iyo dhibaatada iyo murugada ka soo gaadhay dagaalkaasi.
Xaasaska Nebi Muxamed |
Khaddiija bint Khuwaylid |
Xaasaska Rasuulka
wax ka badalMagaca Xaaska | Wakhtiga uu Qabay | Tirada Caruurta |
---|---|---|
Khaddiija bint Khuwaylid | 595 ilaa 619 C.D | |
Sowda bint Zamca | 619 ilaa 632 C.D | - |
Ca'isha bint Abi Bakr | 619 ilaa 632 C.D | - |
Xafsa bint Cumar | 624 ilaa 632 C.D | - |
Saynab bint Khuzayma | 625 ilaa 627 C.D | - |
Hinda bint Abi Umayya | 629 ilaa 632 C.D | - |
Saynab bint Jahsh | 627 ilaa 632 C.D | - |
Juwayriyya bint al-Xarith | 628 ilaa 632 C.D | - |
Safiyya bint Huyayy | 629 ilaa 632 C.D | - |
Ramla bint Abi Sufyan | 628 ilaa 632 C.D | - |
Maymuna bint al-Harith | 630 ilaa 632 C.D | - |
Maryama al-Qibtiyya | 630 ilaa 632 C.D | |
Rayhana bint Zayd | 629 ilaa 632 C.D | - |
Qoyska Nebi Muxamed
wax ka badalXaasaska Nebi Muxamed waxay ahaayeen sadex-iyo-toban (13) kuwaasi oo uu guursaday wakhtiyo kala duwan. Dadka muslimiinta ahi waxay u yaqaanaan dumarkaasi ineey yihiin “Hooyooyinka Rumeeyayaasha” "Umaatul al-Mu'miniin". Waxayna dadka aaminsan ee rumeeysan diinta Islaamka ka mudan yihiin sharaf, qadarin iyo heybad; sababtoo ah Ilaahay (koreeye) ayaa Quraanka ku xusan xaasaska nebiga. Markuu ka hadlayay ooriyada Nebi Muxamed Rabbi (casa wa jala) wuxuu yidhi:
- “Nebigu wuxuu dadka rumeeyay Alle uga dhow yahay naftooda, xaasaskiisuna waxay u yihiin (waa kuwa Alle rumeeyay ee) hooyooyin oo kale.”[1]
Qoyska iyo reerka Nebi Muxamed waxaa la kala raaciyaa kala qeybinta taariikhda Islaamka oo ah:
- Hijrada Ka Hor: wakhtigani waa ka soo biloow dhalashaddii Nebi Muxamed sanadkii 570 C.D ilaa sanadkii 622 ee uu magaalada Madiina u guurey. Wakhtigan Hijrada Ka Hor nebigu wuxuu ku noolaa magaalada Makka. Iyo
- Hijrada Ka Dib: oo ah wakhtigii nebiga iyo asxaabtu u soo kicitimeen isla markaana u soo guureen magaalada Medina, wakhtigaasi oo ka soo bilaabmaya sanadkii 622 C.D ilaa laga soo gaadho goortii nebigu geeriyooday ee sanadkii 632.
Si kastaba ha ahaatee, nebigu markuu ahaa 25 sano jir ayaa wuxuu guursadey Khaddiija bint Khuwaylid oo ahayd mulkiilaha shaqo ganacsi oo nebigu wakhtigaasi ka shaqeeynaayay. Sababtoo ah wuxuu ahaa arooskii ugu horeeyay iyo Khaddiija oo ahayd qof aad u wanaagsan, Nebi Muxamed wuxuu guurkani ka helay farxad iyo damaashaad iyo raynrayn ilaa laga soo gaadho geeridii Khaddiijo 25 sano ka dib markeey ahayd oorida nebiga. Si kastaba ha ahaatee, Khaddiija waxay nebigu u dhashay labo wiil iyo afar gabdhood kuwaasi oo kala ah: Qaasim iyo Cabdulaahi (labadooduba waxay dhinteen ayagoo aad u yar); gabdhaha oo kala ah Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum iyo Faatima.[2]
Si kastaba ha ahaatee, Nebi Muxamed ma guursanin xaas kale markii ay Khaddiijo ka dhimatey ilaa uu ka imanayay magaalada Medina halkaasi oo uu markii ugu horeeysay ku guursadey Sowda bint Zamca oo dhibaato badan la kulantey markeey soo muslimtey. Markuu nebigu guursanayay Sowda waxay ahayd qof reer horey u soo martey oo 55 jir ah. Wakhti yar ka dib, nebigu wuxuu mehersaday gabadh yar oo 9 jir ah oo uu dhalay saaxiibkii iyo la taliyiisa kowaad waa asxaabi Abu Baker, gabadhaasi yar waa ee nebigu guursaday waa Ca'isha bint Abi Bakr. Caa'isha uma dhalin wax caruur ah nebiga, markuu nebigu ka dhintey iyada da'deedu waxay ahayd 17 sano jir. Intaasi waxaa dheer, Ca'isha waxay nebiga kala hadhay aqoon iyo cilmi aad u badan, waxaana la sheegaa in Caaisha warisey in ka badan 2,000 oo Xadiis.
Dagaaladii u dhexeeyay nebiga iyo ciidankiisa iyo kufaartii reer Quraysheed ee ka soo duulayay magaalada Makka waxaa ku dhintay asxaab badan kuwaasi oo dumar badan ka dhigay carmali (bilaa saay). Asagoo u hiilinaya dumarkaasi ayaa nebigu wuxuu dumaalay Xafsa bint Cumar, Saynab bint Khuzayma, Hinda bint Abi Umayya, Saynab bint Jahsh iyo Juwayriyya bint al-Xarith.[3]
Goortii uu dhamaaday Dagaalkii Khaybar waxaa asxaabtu soo qabsatey adoomo badan, kuwaasi waxaa ka mid ahaa Safiyya bint Huyayy oo ka dhalatey qoys Yuhuud ah oo dhaqaale fiican heeysta. Markuu nebigu arkey Safiya wuu xoreeyay wuxuuna u soo bandhigay inuu guursado ayadna wey aqbashay, sidaasi ayayna ku noqotey mid ka mid ah xaasaska rasuulka.
Goortii nebigu uu la galay heshiis nabadeed xoogagii reer Quraysheed, waxaa dhacday in Abu Sufyaan uu Nebi Muxamed siiyay gabadhiisa Ramla bint Abi Sufyan, taasi oo nebigu aqbalay, wakhti yar ka dibna uu guursadey. Wakhtigii lagu gudo jirey heshiiskii Xudaybiyah ayaa rasuulku wuxuu u soo ambo baxay magaalada Makka si uu u soo siyaarto Kacbada halkaasi oo uu kula kulmey Maymuna bint al-Harith oo nebiga ka codsatey inuu guursado taasi oo uu ka aqbelay.
Maryama al-Qibtiyya waxay ahayd adoon laga soo diray wadanka Masar hadiyad ahaan ku soo gaadhay nebiga. Wuu xoreeyay ka dibna uu guursadey, waxayna u dhashay wiil Ibraahim[4]
Qoraalo La Mid Ah
wax ka badalXigasho
wax ka badalIlaahay Ibraahim iyo Reerkiisii Buu Barakeeyay
- ↑ "Quraan suurad Al Axsaab aayada 6aad 33:6 Archived Juun 6, 2014 // Wayback Machine"
- ↑ "Qaasim iyo Cabdulaahi, Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum iyo Faatima"
- ↑ "Xafsa bint Cumar, Saynab bint Khuzayma, Hinda bint Abi Umayya, Saynab bint Jahsh iyo Juwayriyya bint al-Xarith"
- ↑ "Maryama al-Qibtiyya waxay ahayd adoon laga soo diray wadanka Masar"