Turkiga (Af-Turki: Türkiye; Af Carabi : ar‎) sida dowliga ah loo yaqaano Jamhuuriyada Turkiga, waa wadan aad u balaadhan waxa uu ku kala yaala labad qaaradood ee Aasiya iyo Yurub wadanka

Turkigu waxa uu xuduud la leeyhay Joorjiya, Iran, Armiiniya, Azrabijan dhinaca bari dhinaca koonfur waxa uu xuduud kala leeyahay dalalka, Ciraaq Suuriya iyo bada dhexe dhinaca galbeed waxaa ka xiga wadan giriiga iyo wadanka Bulgaariya iyo bada loo yaqaano eeje, dhina waqooyi waxaa ka xiga bada madaw,waxa uu ahaa turkigu mid ay maa musho dawladii cismaaniyuuntu ilaa 1922 markaas oo la sameeyay dawladan turkiga ee aynu manta naqaano, dawladaas oo uu sameeyay ninkii la odhan jiray Mustafa Kemal Atatürki. Magaca Turkiya waxa uu kasoo jeedaa laba kalmadood oo laysisaaray oo kala ah kalmada Turk oo ah kalmada tilmaamaysa shacab waynaha Turkiga iyo kalmada iye oo ka hadlaysa wexeenaa markaa magacu macna ahaan waxa uu noqonayaa Turkiyadeenii. Wadanka Turkiga intii kahoraysay sanadkii 1922 waxaa maamulaysa Dawlada Cosmaniya. Kadib markii ay bur burtay Dawladii Suluuqiyiinta waxa samaysamay Dawladi Sismaaniyiinta.