Gobolada Somaliland

(Waxaa laga soo toosiyay Gobolada somaliland)

Gobolada Jamhuuriyada Somaliland (Af Ingiriis : Regions of Somaliland) waa gobolada dowliga ah ee Jamhuuriyada Somaliland. Sida caadiga ah, dowlada Somaliland oo ku dhawaaqdey madaxbanaanideeda sanadkii 1991kii ayaa waxay ka koobnayd shan gobol tan iyo wakhtiyadii dowladii Maxamed Siyaad Barre. Si kastaba ha ahaatee, waxaa dowladu ku dhawaaqdey lix gobol oo cusub kuwaasi oo ka dhex samaysmay shantii gobol ee loo yaqaaney Waqooyiga Soomaaliya.[1]


Warbixin

 
Gobolda Somaliland

Gobolada somaliland intii u dhaxaysa 22 maarso ilaa 22 may, 2008, waxa uu madaxwaynihii horore ee Somaliland magacaabay gobolo cusub oo lagu daray goboladii hore ee lixda ahaa taas oo kadhigatay gobolada somaliland 13 gobol, gobolda cusub ee kuwii hore lagu daray waxa ay yihiin.

Sharaxaad

Tan ilaa horaantii qarniga 21aad waxaa muran uu ka dhex taagnaa gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn kuwaasi oo ay sheegtaan labada maamul ee Somaliland iyo Puntland.[2]

Taariikh

Intii u dhexaysay Maarso 22 iyo Maay 15, 2008, ayaa madaxweynihii wakhtigaas talada hayay Daahir Rayaale Kaahin ku dhawaaqay samaynta lix gobol oo cusub oo laga dhex sameeyay kuwii horay u jiray. Waxyar ka dib, markey taariikhdu ahayd Maay 15, 2008, ayaa madaxweyne Daahir Riyaale Kahin mar labaad ku dhawaaqay gobol cusub oo loogu magacdaray Hawd kaasi oo noqdey gobolka 13aad ee dowladaas.[3]

Gobolada

# Gobol Magaalo Madax  
1 Awdal Boorama
2 Maroodi Jeex Hargeysa
3 Saaxil Berbera
4 Togdheer Burco
5 Sanaag Ceerigaabo
6 Sool Laascaanood

Sidoo kale fiiri

Linkiyo kale

Tixraac

  1. . Garowe Online. 02-05-2012 http://allafrica.com/stories/201202062200.html. Soo qaatay 20 July 2012.  Hubi qiimaynta taariikhda: |date= (caawin); Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. Somaliland’s Quest for International Recognition and the HBM-SSC Factor
  3. http://web.archive.org/web/20081207092348/http://harowo.com/2008/05/15/madaxweynaha-oo-gobol-cusub-u-magacaabay-baligubadle/. Waxaa laga kaydiyay the original 7 December 2008.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
Gobolada Soomaaliland  
Awdal | Cayn | Daadmadheedh | Hawd | Maroodi Jeex | Salal | Sanaag | Saraar | Sool | Togdheer | Xaysimo