Dhishiike  (Af-ruush ДШК, Af Ingiriis : DShK) waa qori weyn oo ah lidka diyaaradaha baasna u dhaca, waxaa laga ridaa rasaas cabirkeedu yahay 12.7x108 ml, dhubucda uu duleelin karona 16 ml 500 oo mitir. waxaa kaloo loo adeegsadaa ciidanka lugta ee cadowga, moodalkii ugu horeeyay waxaa sameeyay Vasily Degtyaryov oo sofiyeetka ka soo jeeday, ka dib asxaabtiisa ayaa la hormarisay, qorigaan dhishiikaha ayaa aad loo jeclaaday ilaa hadana la jecelyahay waxaana aad u adeegsda wadamo badan oo aduunka ka mida.

Soomaalida iyo dhishiikaha wax ka badal

waxaa la sheegaa soomaalidu inay ahaayeen cidii u horeysay oo saarta qorigaa gaariga cabdi balaha, iyagoo aduunka uga hormarya qaabkaas, qorigaa ayaa aad ug qayb qaatay dagaaladii sokeeye ee soomaaliya soo maray,

waxaana ka mida noocyadiisa Dabool yare iyo Daboolweyne.

 
MITRALOZ 12.7 mm KA

Tilmaamo iyo taatiko  wax ka badal

  • Baalootada qoriga waa 12.7 ml, qoriga dhirirkiisu waa 1625 mm.
  • Degdega baaska waa 125 baalooto halkii daqiiqo.
  • qaadka qasnada  (siliska) 50 baalooto.
  • culayska qoriga 34 kg, waxaa ka hawl gala labo qof. Cabeeye iyo Gaandhari.
  • Dhubucda uu wax duleelin karo waa 16 mm, masaafo dhan 500 m.
  • Tiirada toosan 3500 m
  • Tiirada cirka ah waa 2500 m

Wadamada adeegsada wax ka badal


Sawirro wax ka badal

Tixraac wax ka badal