Kani waa maqaal ku saabsan nooc ka mid ah cuntada. Sidoo kale fiiri raashin

Casho (Af Ingiriis : dinner; Af Carabi : ar‎) waa cuntada sadexaad ee dadku cunaan habeenkii ka hor intaanay seexan. Sida caadiga ah cashadu waa cuntada ka dambeysa qadada taasi oo dadku cunaan wakhtiga ka dambeeya qorax dhaca ilaa habeen badhka. Wadanada qaar waxaa caan ah in dadku casheeyaan 5ta galabnimo, ka hor intaanay qoraxdu dhicin, taasi oo dhakhaatiirta iyo cunto yaqaanadu ku sharaxeen ineey tahay mid u fiican caafimaadka. Wadanka Soomaaliya iyo guud ahaan dadka Soomaalidu waxay inta ugu badan casheeyaan salaada cishaa'i wixii ka dambeeya. Sidoo kale, cuntooyinka ugu caansan ee dadka Soomaaliyeed ku casheeyaan waxaa ka mid ah: canjeerada, rootida, sabaayada, malawaxa, baastda, fadiirada, garowga, digirta, cambuulada, qamadiga, misirka, khudaar, midhaha iyo noocyo badan oo halkan lagu soo koobi karin.

Deegaano badan oo caalamka ah cashadu waa cuntada ugu muhiimsan maalinta oo dhan, taasi oo dadku isticmalaan raashinka ugu muhiimsan ee la heli karo. Sidoo kale, cashadu waxaa lagu fasiri karaa micnayaal badan taasi oo ku xidhan dhaqanka iyo deegaanka.[1]

Muuqaalka wax ka badal

Qoraalo La Xidhiidha wax ka badal


Tixraac wax ka badal

  1. Olver, Lynne. Lynne Olver http://www.foodtimeline.org/foodfaq7.html#mealtimes. Soo qaatay 2 April 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
 
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: