Baasto
- Kani waa maqaal ku saabsan nooc ka mid ah cuntada. Boga "pasta" halkan ayaan laga toosiyay
Baasto (Af Ingiriis : pasta; Af Carabi : ar) waa cunto[1][2][3] bisil oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka Talyaaniga, taasi oo la aaminsan yahay in lagu isticmaali jirey ila sanadkii 1154.[4] Baastadu waxaa laga sameeyaa midhaha firileyda ah oo la ridqay (burburiyay) ka dib lagu qasay ukun iyo biyo. Sidoo kale, baastadu waa mid dhaadheer, dhuuban, aad u jilicsan marka la kariyo.
Baastada, meelaha qaar looga yaqaano Baasto gaagaab, waa cunto ka mid ah raashinka dadku isticmaalaan maalin kasta, gaar ahaan waxaa baastada la isticmaalaa cashada iyo qadada. Sidoo kale, waxaa jira noocyo badan oo baasto ah, taasi oo leh midabo kala duwan, dhadhan iyo nafaqo kala duwan. Farqiga baastada waxaa keeni kara midhaha iyo waxyaabaha laga sameeyay.
Baasto Soomali
wax ka badalSi la mid ah shacabka caalamka, bulshada Soomaalidu waxay isticmaalaan noocyada kala duwan ee baastada. Inta ugu badan waxaa la cunaa baastada wakhtiga qadada iyo cashada, laakiin wakhtiyadu intaas kuma koobna. Jaadyada baastada ee deegaanada Soomaalida ku caanka ah waxaa ka mid ah baasto iskudhax karis iyo baasto iyo suugo.
Jaadyada
wax ka badal-
Baasto dhaadheer
-
Basto gaagaab
-
Baasto gagaab
-
Basto fudud
-
Basto ukun
-
Basto cusub
-
Basta al forno
Baasto Cusub
wax ka badalBastada cusub waa mid ka samaysan midho feresh ah taasi oo lagu diyaariyo xaafadaha ama deegaanada lagu isticmaalayo. Baastada noocan ah waxaa inta ugu badan laga sameeya daqiiq cusub oo lagu xashay ukun iyo xawaash fudud.[5]
Baasto Qalalan
wax ka badalBaastada qalalan waa nooca lagu diyaariyo wershadaha sababtoo ah waxaa mashiino lagu sameeyaa wax badan oo loogu talogalay baayacmushtar iyo ganacsi. Sida badan laguma daro ukun, laakiin waxaa laga yaaba in noocyo ka mid ah lagu daro waxyar oo ukun ah.
Muuqaalka
wax ka badalQoraalo La Xidhiidha
wax ka badalLinkiyo Banaanka
wax ka badalTixraac
wax ka badal- ↑ Cooking Spaghetti Giulia’s Way
- ↑ A Visit to Italy
- ↑ Ehrlich Richard, Process of Elimination The Guardian
- ↑ McClatchey Caroline How pasta became the world's favourite! BBC
- ↑ "Quessenberry"Quessenberry, Sara. Real Simple http://www.realsimple.com/food-recipes/shopping-storing/food/dried-vs-fresh-pasta-10000001609408/. Soo qaatay 28 March 2012. Maqan ama ebar
|title=
(caawin)
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |