Boondheere (Af Carabi : ar‎) waa degmo qadiimi ah oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ee wadanka Soomaaliya. Degmadan waxaa mara Wadooyinka kala ah: Waddada Jenaraal Daa'uud oo Boondheere ka marta dhinaca Degmada Wardhiigley. Waddada Jubadda Sare oo marta dhinaca Degmada Shibis. Waddada Ummada ama sida loo yaqaan "Wadnaha" oo marta dhinaca Degmada Yaaqshiid. Waddada Jubadda Hoose oo marta dhinaca Degmada Shingaani. Waddada Nasiib Buundo oo Degmada Boondheere kala qeybisa iyo Waddada Shabeelle ee xuduudka u ah Degmooyinka Boondheere iyo Xamarweyne.

Boondheere
بونديرئ
Boondheere is located in Somalia
Boondheere
Boondheere
waxay Boondheere ku taalaa Somalia ama
DalkaSoomaaliya
GobolBanaadir (BN)
DegmoBoondheere, Muqdisho
Waaxyaha* Daljirka, Nasiib buundo, Ceel aw-Muude, Ceel Xaaji Haruur, Nabada kuwo kale
Dowlada
 • DuqaQaasim Cabdulle Xasan (Gudoomiyaha Degmada Boondheere)
Area
45 km2 (17 sq mi)
Joogga
5 m (16 ft)
Tirada dadka
(2012)
 • Dhammaan167,854 qof
Magac kaleRee Boondheere
Aag saacadeedUTC+3 (UTC)
 • Xagaa (DST)UTC+3 (UTC)
Thiinada Boostada
10003
Thiinada TelHertel 064, Telecom 021 Nationlink 043
CiidahaCiid Weyney iyo Ciid Yarey iww
Maalinta Ciidda10-ka Carafo iyo 1da Soon Fur iwm
WebsiteMareegta internetka
E-mail dc.boondheere@mogadishucity.net

Xaafadaha Boondheere

Xaafadaha Degmada ka kooban tahay waxay kala yihiin:

  • Shanta-Geed
  • Nasiib-Buundo
  • Al-Ahraam
  • Wiil-Waal
  • Busleeyda
  • Buur-Bishaaro
  • Ceel Aw-Muude
  • Ceel-Macalin
  • Buulo-Maqaarey
  • Buulo-Ukun
  • Ceel-Xaaji Haruur
  • Yusuf Al-Kowneyn
  • Daljirka Dahsoon
  • Forno
  • Nalka Hoose
  • Nalka Kore
  • Siinaay
  • Nabada
  • Aku doto
  • Maxmabaare

Kubaddaha Cagta & Koleyga (Basketball)

Boondheere waxyaabaha ee caan ku tahay waxaa ka mid ah soo saarida Ciyaartooy & mas'uuliyiin fara badan oo ku caan noqday Kubaddaha Cagta iyo Koleyga isla markaana xubno muhiim ah ka noqday Xulalkii degmooyinka, gobalada, iyo seriya A iyo qaar kala dambeeyey ee metalay Qaranka Soomaaliya.

Haddii dhowr shaqsi laga magacaabo Xiddigaha Qaran ee ku dhashay kuna soo barbaaray Degmada Boondheere waxaa ka mid ah; Gudoomiye Faarax Sendiko(marxuum), Gudoomiye Aadan Xaaji Yabarow Wiish(marxuum), Macalin Ayuub Sh. Abuukar "Ayuub Jeenyo"(marxuum), Macalin Baaskuwaale, Macalin Cabdi Cumar, Xaaji Macow Sayid "Jeenyo", Nuur Qaloocow, Baasi, Cali Yuusuf(marxuum), Axmed Cabaas Busuri, Cali Salaad(marxuum), Zakariye Baliile, Turumbo, Cabdi Boy, Cumar Calasow Raagge, Aajeelow, Nuur Cabdi Xaaji "Shaarkey"(marxuum), Sayidkey, yaxya cumar( Fiteli ama aqaama ), c/raxman uurey salaankey, maxamad nuur (moosjaqe),Macalin Aweys Hiraabe, Dr. Shiis, Cabdalla Dheere, Nuuradiin Cali Saciid, Cumar Anyeelow(marxuum), Akooko, Maxamuud Cadow "Dhaga juun", Ganjab, Xasan Gololeey, Yaxye Islow, Macoow Xuseen Xasan Geedi, Macalin Laalaash, Aabaliisha, Gudoomiye Wabazuu, Xaynuuf, Kamaludiin, Macalin Abukar sheekh muumin (Qamacow) sheekh cusmaan (elaay), Maxaadi, naani, Jaani (Boore), Max,ad (Enow), iyo Ciyaartoy kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin

Waxaa kale oo Degmada Boondheere aad loogu xusuustaa tartamaddii lagu qaban jiray Garoonka Kubadda Cagta eoo ku yaal Xarunta Degmada horteeda. Sanad walba Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa Garoonka Waamo lagu qaban jiray Tartan Kubadda Cagta oo ay ka soo qeyb geli jireen Ciyaartooyda ugu farsamada fiican ee xilliyadaa ku noolaa dhammaan degmooyinka Caasimadu ka kooban tahay. Tartanka Ramadaanka oo aad u xiiso badnaa áyaa waxa u soo daawasho tegi jiray Dadweyne ka kala yimid degaano fog sida Degmooyinka Wadajir iyo Heliwaa. Xiiso loo qabo darteed ayeey Taageerayaasha Kubadda jecel door bidi jireen inay goob joog ka ahaadaan cayaar walba ilaa iyo firimbiga ugu dambeeyo la yeeriyo, ka dibna waxay u afur doonnan jireen guryahooda oo ku yaal Degmooyinka kor ku xusan.

Sidoo kale Garoonka Kubadda Koleyga ee ku yaal guddaha Xarunta Degmada ayaa waxaa inta badan lagu qaban jiray Tartanka Kubadda Koleyga ee u dhaxeeya Xulalka ka socda dhammaan Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir. waxaan ka mid ahaa dhalinta ugu yar ee degmada ee waxaa lee dhahaa asad yaxye

Fanka iyo Suugaanta

Degmada Boondheere waxay kale oo caan ku tahay Fanka iyo Suugaanta. Kuwooda xagga Lookalka(Degmada) ugu cad-cadaa waxaa ka mid ahaa: Jidoow Maxamed, Baaba Tiirka, Maka Juuni, Maryan Xabasho. Xarunta Kacaanka Degmada Boondheere oo loo yaqaan magaca "Sheentarka" ayaa waxaa waagii Berisamaadka Fiidadkii lagu qaban jiray Barnaamijyo Maaweelo iyo Maddadaalo ah, sida Riwaayadaha Banaadiriga, Goo-Goosyo Heeso & Tartanka Hiddaha & Dhaqanka. Hadii sidoo kale dhowr magac laga xuso Fanaaniinta Qaran ee caan ku ahaa Hiddaha & Dhaqanka(Folklore Dance) waxaa ka mid ah: Canbuureey(marxuumad), Caashoow Aabaliisha, Xaawo Xaaji Colow, Cali Ganeey, Cumar Bare Barkaan(marxuum), Dheri, C/qaadir Cismaan Calasow, Ciise Maxamed Jidoow & Sheekh Abuukar.

Magacyada

"Beledkeena Waa Boondheerow-Libaax" Waa Halku Dhiga Shacabka reer Boondheere Degmadooda ugu Naaneysaan.

Degmooyinka xuduuda la leh

Wasaaradaha

  • Wasaarada Arrimaha Gudaha
  • Wasaarada Boostada & Isgaarsiinta
  • Wasaarada Waxbarashada & Barbaarinta
  • Wasaarada Ganacsiga
  • Wasaarada Caafimaadka
  • Wasaradda Warshadaha

Wadooyin

  • Ummada ama Wadnaha
  • Jenaraal Daa'uud
  • Nasiib Buundo
  • Jubadda Sare
  • Jubadda Hoose
  • Waddada Shabeelle

Dugsiyada

  • Dugsiga hoose/dhexe ee Yaasiin Cismaan
  • Dugsiga hoose/dhexe ee 12-ka Oktoobar "Dugsiga Qasabka"
  • Dugsiga hoose/dhexe ee Kacaanka (ex iskool Boondheere)
  • Dugsiga hoose/dhexe ee Wiilwaal
  • Dugsiga sare ee Sh. Xasan Barsame
  • Dugsiga sare ee Sh. Yuusuf Al-Kowneyn (Xisaabaadka & Cabiraada)
  • Dugsiga sare ee Saacid

Masaajidyo & Mowlac

  • Masaajidka Jaamaca & Mowlaca Sh.Xuseen Cade
  • Masaajidka Jaamaca Buurfuule
  • Msaajidka sh. Cusmaan mocow
  • Masaajidka Jaamaca ee Suuqa Af-Leershe
  • Masaajidka Jaamaca ee Al-Raxma (Sh. Abukar Macalim)
  • Masaajidka Xaaji Ciise
  • Masaajidka Xaaji Yabaroow
  • Mowlaca Shiikh Cali Cambar
  • Masaajidka Aa Cadaawe
  • Masaajidka Sheekh Muxammad Faqi Yuusuf
  • Masaajidka Reer Sheekh Axmed Jimcaale
  • Msaajidka jaamac sh. max,ed faqi abore
  • Mowlaca sh. cadi cili
  • Mowlaca dhagey

Suuqyada

  • Suuqa Qadiimiga Af-Leershe ama suuqa dheriyada

Goobo Caafimaad

  • Isbitaalka Raabo (Ospedale di Ravo)
  • Isbitaalka Caymiska Shaqaalaha (Assicurazione di Personale)
  • Rugta Caafimaadka Kutuba-Xoor
  • Rugta Caafimadka Hooyada & Dhallaanka Boondheere
  • Farmashiye Jubba
  • Farmashiye Boondheere
  • Farmashiye Safwaan
  • Farmashiye Manaas
  • Farmashiye kumburole

Goobo Madadaalo

  • Xarunta Kooxda Iftin
  • Goobta Jika Jaakoow/Ceel aw-Muude
  • Shineemo Kumburaale
  • Tiyaatarka Degmada
  • Goobta Maanabooliyo
  • Naadiga Masaarida
  • Rugta ruushka y,alkowneyn

Xarumo Dowladeed

  • Bangiga Sarifka Lacagaha Qalaad
  • Maktabada Qaranka
  • Xaruntii Gudoonka Waxbarashada G/Banaadir
  • Hogaanka Taliska Nabadsugida Soomaaliyeed (N.S.S)ta
  • Kaalinka Shidaalka (Agip) Siinaay
  • Kaalinka Shidaalka Xaawa Taako
  • Kaalinka Shidaalka Shabeelle
  • Maktabka wasiirka warshadaha

Goobo Isboorti

  • Garoonka Ceel Aw Muude
  • Garoonka Busleeyda "Acquedotto"
  • Garoonka Kubadda Cagta Ee Waamo
  • Garoonka Kubadda Cagta Ee Iskool Wiil-Waal
  • Daljirka
  • Forno
  • Garoonka Kubadda Koleyga Ee Xarunta Degmada

Safaaradaha

  • Safaarada Talyaaniga
  • Safaarada Faransiiska
  • Safaarada 2 Jarmal
  • Xarunta Jaalliyada Masaarida

Goobo Caan Ah

  • Taallada & Fagaaraha Daljirka Dahsoon
  • Taallada Xaawa Taako
  • Xarunta Baarlamaankii Hore
  • Xarunta Shirkada Baabuurta Mercedes & Benz (Buwero)
  • Hoyga Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma'arke
  • Godka Jilacoow
  • Afarta Jardiino Rugta c/fimaadka Dr Muxidin Ilka-boqol
  • Daarta Kutuba-Xoor
  • Dawaarka Kashamo
  • Baar Cadale
  • Baar Koogaar
  • Ceeldheer Restaurant
  • Baar naastaro
  • Baar delmuñdo
  • Baar jeego
  • Baar Roma kasoo horjeedka rugta buujinaha
  • Hargeisa
  • Baar 3 frateli
  • Baar Fara-Faro
  • Hotel Royal
  • Hotel Monopolio
  • Foorno Laura
  • Maxayadda Cali afweyne
  • Maxayadda xasan xiid
  • Maxayadda xasan joodax
  • Maxayadda witiq
  • Maxayadda Biijo
  • Maxayadda Cali Shanghai
  • Biibitada Axmed Siidka
  • Macmacaanka Aa Caliiska
  • Xalwada Aniga cabdalla mascuud
  • Xalwada odi abukar nuur abkii
  • Xalwo Xaaji Yuusuf
  • Baar Balan-Baalis
  • Baar Clifton (ka soo horjeedka Hotel Jubba)

Tixraac