Xamarweyne

Gobolka Banaadir, Soomaaliya

Xamarweyne, waa degmo ku taalla magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir. Magaca Xamarweyne wuxuu ka yimid Xamarki duqoobay; 1600 ama qarnigii 16-aad xamarweyne waxay aheyd dhul xeebeed banaan oo ay ku nool yihiin dad xoolo dhaqato ah & dad kalluumeysato ah kana soo kala jeeda wadamo kala duwan oo carbeed waa halka ugu qaddiimisan koofurta iyadoo leh taariikh soo jireen ah, oo eyna ka soo taliyeen boqortooyooyin kala duwan rugna u aheyd ganacsigi barigi Afrika qarnigii 16aad illaa iyo kii 19aad. Degmada Xamarweyne waxey dhacdaa xeebta ee Badweynta Hindiya, dhererka xeebteeda waxey gaareysaa 1.2km. Dhanka waqooyi waxaa ka xiga degmada Wardhiigley iyo Boondheere, Dhanka barina waxaa ka xiga degmada Shangaani, koofur waxaa.ka xiga Badweynta Hindiya Galbeedna waxaa ka saaran Xamar Jajab noocyo badan sii kala leh sida Yuumbi, Jeedar, Tartaba iyo kuwo la mid ah. Xamar Weyne waa degmo xusuus badan leh oonan la iloobi karin sababtoo ah waxaa lagu yaqaan quruxda iyo saraha dhaadheer ee ka dhisan ku waasoo dadka eey ka fiirsadaan xeebta. Meela badan oo muhiim ahna weey ku yaalaan sida xarunta gobolka banaadir bacadlihi ugu weyna e dalka kawaanka ugu weyn e kaluunka somalia masaajidka Marwaas, Isnaa Casheri kaasoo ahaa masaajidkii ugu horeeyay ee laga furay dalka. Arbaca Rukun waa masaajid taariikh weyn lah.

Xamarweyne

Xamarweyne
Hamarweyne
Lua error in Module:Location_map at line 414: No value was provided for longitude.
DalkaSoomaaliya
GobolBanaadir (BN)
DegmoXamarweyne (Muqdisho) =
Area
88.4 hectares
0.884km2 km2 (Expression error: Unexpected < operator. sq mi)
Joogga
20 m (70 ft)
Tirada dadka
(2016)Qi.
 • Dhammaan18,740
Magac kaleBanadiri
Aag saacadeedUTC+3 (UTC)
 • Xagaa (DST)UTC+3 (UTC)
Thiinada Boostada
10016
Thiinada Tel+252

Dadka dagan Xamar Weyne waa Banaadiriga iyo Gibilcadka. Dadkaan waxeey badanaa u badanyihiin Ganacsadayaal, Jilayaal,Injineer, Qaalli iyo Macallimiin iyo wax la mid ah. Xamar Weyne dadka dagan waa dadka lafdharka ilbaxnimada lagu yaqaan. Badanaa jilayaasha waxaa lagu yaqaan fasiraada filimaanta sida Hindiga, Mareeykanka iyo Turkiga waxeeyna soo saaraan filimaan aad iyo aad cajiib iyo shactaro u ah laakiin ku saabsan waxa aay dhalinyarada Soomaaliyeed maraan. Istuudiyo yaal badan ayaa ka furan sida Saafi Films iyo Waaberi. Sidoo kale, ganacsiga aad ayaa looga taageraa oo waxa lagu yaqaan Carwooyinka waaween iyo Foornada macmacaan ka sameeya Ciidaha iyo aroosyada


Xamar Weyne waxay aheed meel kamid ah meelaha dadka ugu xadaarisani degan yihiin Muqdisho waxaana intaa sii dheeraa dhismayaasha quruxda badan ee ku yaalay oo welina ku yaalo meeshaas sida Guryaha Dawladdaha kala duwanaa ee Soomaaliya soo mara sida xaruntii Baarlamaanka, Bangigii Dhexe, Maxkamadii Sare, Holki Tiyaatarka iyo afiisyo kaloo badan oo aanan halkaan lagu soo koobi karin

xamar weyne waxay caan kutahay wadooyin sida wadada via-roma, wadada Xasan Geedi Abtoow ee De Martini Hospital hor marta iyo isbitaaka ugu wayn muqdisho sida isbitaalka martini,colaga dela suud. Wadada Curubo wadada casa italiya. Iyo wadada nisful-adan.

Xuduuda waxaey la leedhay 1. Wardhiigley 2. Boondheere 3. shangaani 4. Xamar Jajab.