Awrtable ama looyaqaana Beesha Yuusuf Darood, (Yuusuf bin Cabdirahman bin Ismaciil bin Ibrahiim al Jaberti, Af-Carabi: أورتبلي; sidoo kale loo qoro: Ortable, Aurtable or Owrtable)

Awrtable أورتبلي
Meelaha ay ku badan yihiin
 Soomaaliya

 Itoobiya

Luqada

Soomaali iyo Carabi

Diinta

Islam (Sunni)

Dadka ay dhalyo wadagaan

Reer Darawiish, Mareexaan, Warsangali, Dishiishe, Majeerteen, Ogaadeen, kuwo kale oo Daarood, Beelaha Soomaalida

.Meesha ey degan Reer Muse Ibrahim (Awrtable)
Caryes Ciise Kaarshe, oo ah abwaan caan ah oo Soomaaliyeed oo caan ku ah gabayada "Hooyo waa lama huran" iyo "Wan iyo Waraabe" wuxuu ka soo jeedaa beesha Muuse Ibraahim ee Awrtable.
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Yuusuf wuxuu sidoo kale ka soo jeedaa beesha Muuse Ibraahim ee Awrtable

Hordhac wax ka badal

Awrtable ama Yuusuf Daarood waa beel Soomaaliyeed oo ka soo jeeda qabiilka Daarood. Dhul-dhaqameedkiisu wuxuu ka kooban yahay Mudug, Nugaal, iyo meelo ka mid ah Bari. Xubnaheeda waxay ka kooban yihiin qayb ka mid ah qoyska qabiilka Daarood, waxayna inta badan degan yihiin Puntland ee waqooyi-bari Soomaaliya.Waxaa sidoo kale laga heli karaa Soomaali Galbeed iyo Jubaland. (Qaybta cas ee khariidadu waa halka uu degan yahay Reer Muuse Ibraahim. Dhammaan meelaha kale ee Awrtable degan lama qorin)

Awrtable waxay inta badan dagan yihiin dagmada buurtinle oo ay sigaar ah iyagu uleeyihiin iyo qayb kamid ah dagmada gaalkacayo, Jalam, Xaarxaar, Meeraysane, Dogob, Garowe, Gacanfale, Godobjiraan, Godod, Roox, Eyl, Rabaable, Dhuusomareb (Samareeb), Bacadweyne, Jamaame, Afdheer, Shilaabo iyo . Awrtable waa reerka kaliya ee ee laga helayo meel walba oo ay somali dagto marka laga yimaado meelaha ay iyagu sida gaarka ah udaganyihiin , Awrtable waxaa loo arkaa mid ka mid ah qabiilooyinka ugu sharafta iyo dhaqaalaha badan uguna aqoonta badan . Xilligii dagaalka ka hor, Awrtable wuxuu ka koobnaa inta badan dadka Daarood ee deggan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qaabdhismeedka Reeraha Beesha wax ka badal

  • Yuusuf Daarood wuxuu dhalay 1- Axmed / Waqle jire 2- Mahdi 3- Wardheere 4- Cumar 5- Cismaan Axmed/waqle jire wuxuu dhalay 1- cali/xakiin cali/xakiin wuxuu dhalay 1- islaan uroone 2- awroone islaan uroone wuxuu dhalay 1- ibraahim 2- ismaaciil ibraahim wuxuu dhalay 1- ismaaciil 2- maxamed 3- Axmed 4- Faarax Maxamed ibraahim islaan uroone wuxuu dhalay 1- Maxamuud 2- Xaaji cali ismaaciil ibraahim wuxuu dhalay 1- aadan ismaaciil 2- cali ismaaciil aadan ismaaciil wuxuu dhalay 1- ibraahim aadan 2- yuusud aadan ibraahim aadan wuxuu dhalay 1- musue 2- guuleed 3- jaamac 4- geedi 1.geedi ibraahim wuxuu dhalay 1- cigaal 2- samakaab 2.Guuled Ibrahim wuxu dhalay dhagaweyne, Dhagaweyne dhalay 1.Maxamed,2,cabdule, 3Jama, 4Ahmed, 5. Xirsi.

1.muuse ibraahim wuxuu dhalay 1- guuleed 2- sugaal sugaal muuse wuxuu dhalay 1- saalax 2- cumar 3- udug guleed muuse wuxuu dhalay 1- faarax 2- cali saalax sugaal wuxuu dhalay 1- fiqi idriis saalax fiqi idriis saalax wuxuu dhalay 1- maxamed fiqi 2- axmed fiqi 3- xasan fiqi 4- cabdalle fiqi 5- cismaan fiqi 6- cali fiqi maxamed fiqi idriis wuxuu dhalay 1- xaaji yuusuf 2- xaaji maxamuud axmed fiqi idriis wuxuu dhalay 1- maxamed 2- xaaji ciise 3- xaaji maxamuud 4- xaaji cali 5- nuur 6- cabdirixmaan 7- maxamuud cisman fiqi idriis wuxuu dhalay 1- faarax 2- cabdulle 3- cali 4- nageeye xasan fiqi idriis wuxuu dhalay 1- muumin 2- idriis Faarax guuleed muuse wuxuu dhalay 1- maxamed bidaar 2- cumar maxamed bidaar wuxuu dhalay 1- samatar 2- sahal

Dadka Caanka ah ee Awrtable (Yuusuf Daarood) wax ka badal

  • Maxamed Axmed Cabdulle waa suldaanka hadda jira ee Awrtable[1]
  • Gelle Mohamed Kanee waa ugaaskii hore. Wuxuu aasaasay magaalada Buurtinle.
  • Ugaas Cumar Ugaas Geele Ugaas Mohamed waa ugaaska Beesha Yuusuf Darood. Oo ah Wiilka Ugaas Gelle Ugaas Maxamed Ugaas Kaneec
  • Xaaji Diiriye Xirsi wuxuu ahaa xubintii aasaaska ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed iyo asaasay nidaamka wax barashada Soomaaliyeed[2]
  • Maxamed Maxamuud Gaani waa borofisar ku takhasusay caafimaadka xoolaha, wuxuuna hore u soo noqday madaxa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
  • Cabdi Yuusuf wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee la dilo intii uu socday kacdoonkii Dhagaxtur ee lagaga soo horjeeday gumaysigii Talyaaniga 1943.
  • Cabdi Asis Nuur Xersi waa wasiirkii hore ee Shaqada iyo Isboortiga sanadihii 1970-1977.
  • C / Raxmaan Nuur Xersi waa wasiirkii hore ee maaliyada Soomaaliya iyo gudoomiye ku xigeenka Bangiga Qaranka Carabta.


Tixraac wax ka badal

[3][4]

Tixraac wax ka badal

  1. "Nuqul Archive" (PDF). Ururka Guud ee Odayaha Soomaaliyeed. Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) 2021-04-21. Soo qaatay 2021-04-21.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. www.dierklange.de http://www.dierklange.de/horn-of-africa/haji-dirie-hirsi.html. Soo qaatay 2021-04-15.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. Gilkes. Patrick. September 1994. The Price of Peace: Somalia and the United Nations 1991-1994. Bedfordshire, UK: Save the Children Fund, UK.
  4. Samatar, Said (1987). ISBN 9780865315556.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
 
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: