Careys Karshe

(Waxaa laga soo toosiyay Careys Ciise Karshe)

Carays Ciise Karshe wuxuu ahaa nin ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku caanka baxay gabayada, geeraarka iyo saarka. Carays wuxuu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb, Gobolka Galguduud.

Taariikh wax ka badal

Carays Ciise Kaarshe oo ahaa saaryahan weyn oo Soomaaliyeed wuxuu ku dhashay tuulo u dhaw Kismaayo. Carays wuxuu ahaa geesi buuxa oo weliba gobanimadu kala weyn tahay wax kastoo yaalla guudka dunida. Sida la weriyey Carays wuxuu ahaa Wiilkii saddexaad oo uu dhalay Ciise Kaarshe.

Carays Ciise wuxuu ahaa xoolaraac si walba ula qeybsaday dhib iyo dheefba beesha uu la noolaa. Intaa waxaa u wehelisay in uu Quraanka Kariimka ah si fiican u yaqiin maadaama uu ahaa wadaad.

Carays Ciise afmaalnimada ka sokow wuxuu ahaa nin waddani ah oo mar kasta jecel bulshaweynta Soomaaliyeed in uu waajibka saaran ee qaranimo ku boorriyo, ugana digo wax kasta oo uu isleeyahay waa qalad. Carays Ciise wuxuu Fannaaniinta Waaberi ku soo biiray amaba ka mid noqday lixdameeyadii markii labada gobol ee Soomaaliyeed midoobeen. Carays wuxuu ka mid noqday Kooxda Waaberi markii uu wacdaro layaab leh ee suugaaneed uu ka muujiyey munaasibad lagu xusayey isku darkii labada gobol waqooyi iyo koonfur. Xafladdaas oo lagu maamusayey israaca Labada Gobol laguna qabtay Gobolka Jubbada Hoose magaalada Kismaayo. Xafladdaas waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Warfaafinta. Ujeeddada waftigana waxay ahayd inay kala qaybgalaan dadweynaha ku nool Gobolka Jubbada Hoose, fantasiyaha damaashaadka maalinta kowda Luuliyo. Waftigii waxaana ka qayb ahaa suugaanyahanadii madasha ka hadlay Carays Ciise iyo koox dumar ah oo isaga wehelisay, watana dharkii hiddaha iyo dhaqanka aanu u lahayn. Carays Ciise fagaarahaas wacdaro aan la soo koobi kareyn ayuu ka muujiyay, wuxuuna tiriyay saar ku saabsan Munaasibadda kowda Luuliyo. Waxaa kale oo uu halkaa ka tiriyay Saar ku saabsan waxa uu Ingiriisku u hortaagan yahay xornimada N.F.D. wuxuuna yiri sidatan:

Afrika iyo Eeshiya
Iyo orobaba dhammaan
Iyaguba way noo ordaye
Maxaad Ingiriis adigu
Albaabka u taagan tahay
Eed Soomaalida u adyadeyn

Suugaanta wax ka badal

Carays Ciise Kaarshe wuxuu ka mid ahaa kooxdii lixaad ee Hobolada waaberi oo gashay Dugsiga Tababarka Xalane 1972dii, halkaas oo lagu barayay Tababarka Ciidamada iyo Maamulka Shaqada. Carays inkastuu ahaa nin waayeel ah, haddana niyaddiisu aad iyo aad ayey uga wanaagsaneyd kan dhallinyarada, wuuna ka firfircoonaa mar kastana wuxuu jeclaa in uu ilaaliyo magaca kooxdiisa Waaberi. Carays Ciise maalin maalmaha ka mid ahayd isaga oo gudanaya shaqadiisii tababarka ahayd, ayaa wadnaxanuun ku soo boodey. Maalintaas taariikhdu waxay ahayd 6-6-1972dii, maalin Arbaca ah, waxaana isla markii loola cararay Isbitaalka Xoogga, halkaas oo uu ku nafwaayey 6-8-1972dii. Carays geeridiisii ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto aad ayey uga murugoodeen, xabaashiisiina si fiican oo sharaf iyo xurmad mudan ayaa loo qabanqaabiyey, loogana soo qaybgalay. Carays wuxuu ifka kaga tagey qoys ka kooban lix qof, shan carruur oo isugu jirta afar wiil iyo gabar, iyo hooyadood. Carays Ciise in kasta oo uu dhintay, maantana nala joogin oo noo muuqan, haddana taariikhda Suugaaneed ee Ummadda Soomaaliyeed marnaba lagama yaabo in ay hilmaanto kaalinta lama-illaawaanka ah ee uu ka galay. Taasaana keentay in lagu xuso qoraal kasta oo laga qoro Suugaanta Soomaaliyeed.

Qaar ka mida Gabayada wax ka badal

  • Hooyadu waa lama huraan
  • Dharaaraha kuma jirtoo Waa maantaan dhalanayoo..
  • Gumaysi iyo Gobonimo ma laba la is garab dhigaa..?
  • Dhulkeennu waa Magool mirey geeduhu dhaleen..
  • Wan iyo Waraabe, iyo qaybo badan oo wadaniyadda taabanahaya.

Waa taariikh aad u fiican in wax laga ogaado ee fadlan haddii aad jeceshahay inaad wax ku darted raaci bogga hoose si aan wax uga ogaano ku darniinkaada.

Saarka Hooyadu waa lama huraan.

  • Higaad waa la akhriyaa
  • Hagaag waa loo socdaa
  • Hor waa loo sii hoydaa
  • Hadal waa la hindisaa
  • Ha'dii kale waxaan lahaa
  • Mudaan uurka hurrudnoo
  • Culays bey hayn jidhoo
  • Talaabtey la hakatoo
  • Xanuun bey la hingatey
  • HOOYADU WAA LAMA HURAAN!
  • Ha'dii kale waxaan lahaa
  • Habeen goor uu bartamay
  • Caanihii bey nagu habtoo
  • Horaadkeey noo dhigtoo
  • Dharkii bey na huwiseye
  • HOOYADU WAA LAMA HURAAN!


  • Calooshaadoon hif oran
  • Adiga oon ka haqabbi'in
  • Hunguri ma haweeysatee
  • HOOYADU WAA LAMA HURAAN!
  • Habaaq goor aad tahayo
  • Talaabta aan la holi karin
  • Adoo ciidii hambaday
  • Dhaqsaba waa ku hinjisaye
  • HOOYADU WAA LAMA HURAAN!
  • Afkaa aan ku hadalniyo
  • Hannaankeeniyo hub qaad
  • Hagaag bey noo bartey
  • HOOYADU WAA LAMA HURAAN!
  • Innaga oon haybad qabin
  • Hal beesa aan suubsan karin
  • Habaaskeey naga huftoo
  • Waa tii noo hiilisaye
  • HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

Tixraac wax ka badal