Anas bin Maalik waa Saxaabi ka tirsan Ansaarta, waa khaadimkii Rasuulka , wuxuu ku juraa saxaabada axaadiista badan 2286 Xadiis ayuu wariyay.

Anas wuxuu noolaa cimri dheer sanadkii 93H ayuu ku dhintay magaalada Basra ee Ciraaq.

Anas bin Maalik
أنس بن مالك
Saxaabi
Xog ku saabsan
Aabihiisa: Maalik bin Nadar
Hooyadii Umu Suleym binti Milxaan
Dhashay: 612
Ku dhashay: Madiina
Diintiisa: Islaam
Xaaska Zeynaba binti nabiid
Ilmahiisa Nadar bin Anas, Muusa bin Anas, Abuu bakar bin Anas
Walaalihiis Baraa bin Maalik, Cabdulaahi bin Abdii dalxa
Dhintay: 93H/712
Ku dhintay: Basra, Ciraaq

Taariikh Nooleydkiisa wax ka badal

Waa Anas bin Maalik bin Nadar bin Damdam bin Zeyd bin Xaraam bin Jundub bin bin Caamir bin Ganam bin Cadiyyi bin Najaar [1][2][3][4], Kunyadiisa waa Abuu Xamza Nabiga ayaa u bixiyay, waxa uu ku dhashay Madiina 10 sano ka hor hijrada [5][6][7][8], Wuxuu ka soo jeedaa beesha Banii Najaar oo ka mid ahayd lafaha qabiilka Khazraj ee Ansaarta kuwaas oo abtiyaal u ahaa awoowaha Nabiga Cabdi Mudalib, Anas aabihiis waxaa la dilay xiligii jaahiliga, Hooyadii Umu Suleym ayaana guursatay Abuu Dalxa oo saxaabi Ansaari ahaa [9], Anas waxaa la walaal ahaa Baraa bin Maalik iyo Cabdulaahi bin Abii Dalxa.

Markii uu Nabiga u soo hijrooday Madiina Anas wuxuu jiray 10 sano hooyadii Umu Suleym ayaa gacanta qabatay oo u geysay Nabiga waxeyna ku dhahday "Magaalada Madiina cid aa wax kuu soo hadiyeen kuma harin anigana ma awoodo wiilkeygaan maahanee ee ha kuu adeego" Anas wuxuu la jiray Nabiga toban sano uu khaadun u ahaa, waxa uuna kala kulmay Nabiga mucaamalo wanaagsan waligiisna ma garaacin mana canaan, Anas oo ka sheekeenaya ayaa dhahay:

"Waxaa u adeegay Nabiga scw Toban sano waliigsna ima dhihin Uf iyo maxaa u sameysay? iyo maxaa u sameyn weesay?"

Anas wuxuu ahaa khaadun aamin ah oo ilaaliya sirta Nabiga , mudo dheer markuu Nabiga u shaqeynaayay hooyadii ayaa ku dhahday Nabiga "kan waa khaadunkaaga yaraa ee u duceey Rasuulkii Allow" wuu u duceeyay Nabiga asigoo leh "Allahayow badi xoolihiisa iyo ilmahiisa, cumrigiisana dheereey, dambigiisana dhaaf" [10][11][12][13].

Anas ducadii Nabiga scw Alla wuu u aqbalay wuxuu Alla siiyay ilmo kor u dhaafaya boqol uu asaga dhalay, xoolaha alla wuu u badiyay, timirtiisa waxey miro bixin jirtay sanadkii labo jeer, cimriga Alla wuu u dheereeyay wuxuu gaaray boqol sano saxaabada kuwa ugu dambeeyay dhimashada ayuu ku juray.

Jihaadkiisa wax ka badal

Kama uusan qeyb qaadan Anas dagaaladii Badar iyo Uxud da'diisa oo yar awgeed, laakin wuxuu uga qeyb galay asigoo u adeegay Nabiga , Duulaankii khandaq ayuu ka qeyb galay markaas oo da'diisa ahayd 15 sano, sidoo kale Hishiiska Xudeybiya ayuu goob joog ka ahaa, waxa uuna ku juray dadkii Nabiga kula baayactamay geeda hoosteed, Duulaankii Kheybara ayuu xaadiray go'doominteyda qeyb ayuu ka qaatay, Dagaalkii mu'tata asna wuu xaadiray sida culumo badan dhaheen, sidoo kale Xunayn iyo Furashada Makka.

Dhimashada Nabiga ka dib Abuu bakar Sidiiq ayaa u diray dhulka Baxreyn si xoolaha sakada uga soo aruursho, Cumar ayaana ku dhahay "u dir waa wiil caqli leh oo qoraa ah", Anas wuxuu ka soo laabtay howshii loo diray Cumar oo khilaafada qabtay wuxuuna u gutay xoolhii uu keenay.

Anas jihaadka ma uuna ka harin wuxuu qeyb ka noqday Dagaaladii ridada gaar ahaan Dagaalkii yamaama sidoo kale furashooyinka Ciraaq iyo Faaris ayuu goob joog ka ahaa, Dagaalkii Qaadisiya iyo Go'doominta Tustur ayuu qeyb ka ahaa, waxa uuna ahaa kan u kaxeeyay Hurmuzaaan taliyhii Tustur ee la soo qabtay Madiina Cumar hortiisa.

Waayihiisa dambe iyo Dhimashadiis wax ka badal

Dhamaadka furashooyinka ka dib Anas wuxuu dagay megaalada Basra, waxa uuna mararka qaar booqasho ugu tagaay Dimishiq Khulafada Umawiyiinta.

Wuxuu soo gaaray Anas waqtigii Xajaaj uu madax ka ahaa Ciraaq waxa uuna kala kulmay dhibaatooyin badan, maalin ayuu Xajaaj dhahay "haye khabiiskaan fitnada dhax wareega, mar Cali ayaa la jirtaa marna ibni Zubeyr mar kalana ibni Ashcas, walaahi waa ku jirid goynaa sidii xabagta oo kale" wuxuu yiri Anas "yuu amiirka haystaa" Xajaaj ayaa dhahay "adigaa ku haystaa dhagaha Alla ha ku tiree" wuxuu yiri Anas "inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun" Xajaaj ayaa amray in lagu shaabadeeyo "waa midkii uu xureeyay Xajaaj" asigoo raba inuu ku duleeyo arintaas, Anas markii albaabka uu ka sii baxaayay wuxuu dhahay "waxaa xasuustay ilmaheeya oo badn waana u baqay maahaateena waxaa ku dhihi lahaa hadal uusan mar dambe igu soo dhiiran gadaashiisa" intaas ka dib Anas wuxuu u qoray khaliifka Umawiyiinta Cabdi Malik bin Marwaan waraaq uu kaga cabanayo sida uu Xajaaj kula dhaqmaayo, waxaana hadaladiis ku juray:-

Nabiga scw ayaa u adeegay 10 sano, walaahi hadey kirishtaanka arki lahaayeen qof nabigooda u shaqeeyay wey karaameyn lahaayeen

Jawaabta Cabdi Malik waxey ahayd inuu faray Xajaaj joojinta dhibka uu ku haayo Anas iyo raali galin inuu siiyo [14], Xajaaj wuxuu raali galin ugu tagay Anas asigoo leh "adiga kuma rabin ee waxaa rabay dadka inay ii hogaansamaan" Wuxuu Anas noolaaday cimri dheer ilaa uu iska nacay nolosha, waxaa leysku raacaay da'diisa inay dhaaftay 100 sano, wuxuu dhihi jiray "Cimrigeeya wuu dheeraaday ilaa aa ka xishooday cideyda, wxaana u xiisay la kulanka rabigeey" ilmaha Anas waxey dhaafeen 100 canug [15], balse Daacuunkii Jaarif waxaa uga dhintay 70 ama 80 canug, Anas wuxuu ahaa saxaabigii ugu dambeeyay ee labada qibla tukada [16] iyo saxaabigii ugu dambeeyay ee ku dhinta Basra [17] waxa uuna dhintay 93H, wuxuu ka dardaarmay Muxamad bin Siiriin inuu arimaha duugtiisa tawaliyo balse Ibni Siiriin waqtigaas xabsi ayuu ku juray, talyihii maamulka haayay ayaa lala hadlay wuuna aqbalay inuu sii daayo, ibni Siiriin ayaana dhaqay oo ku tukaday [18].

Warinta Axaadiista wax ka badal

axaadista Nabiga scw ayuu uga aqrinaayay dadka, waxay culamada tiro koobeen laba boqol in ka badan oo wax ka warisay, tirada axaadista uu wariyay waxey gaareysaa 2286 Xadiis,

Cibaadadiisa wax ka badal

Anas waxaa lagu sifeeyay dadka inuu ugu salaad qurxoonaay safar iyo nagaasho, istaaga ayuu aad u dheereen jiray ilaa lugaha dhiig la dilaacaan [19], wuxuuna aad u la yaabi jiray dadka saaladooda, Imaam Zuhri oo sheekeenaya wuxuu dhahay Anas oo oonaya ayaa ku arkay Dimishiq waxaa ku dhahay "Maxaa ku helay?" Wuxuu yiri "Wixii aa soo gaaray waxaa ka aqaanay salaada ayadana waa la dayacay"

Xigasho wax ka badal

  1. أسد الغابة في معرفة الصحابة لابن الأثير الجزري - أنس بن مالك بن النضر Archived Agoosto 13, 2017 // Wayback Machine Archived 2017-07-22 at the Wayback Machine Template:وصلة مكسورة
  2. الإصابة في تمييز الصحابة لابن حجر العسقلاني - أنس بن مالك (1) Archived Mey 7, 2019 // Wayback Machine Archived 2017-07-10 at the Wayback Machine Template:وصلة مكسورة
  3. سير أعلام النبلاء» ومن صغار الصحابة» أنس بن مالك Archived 2017-06-19 at the Wayback Machine
  4. الطبقات الكبرى لابن سعد - أَنَسُ بْنُ مَالِكِ بن النضر بن ضمضم (1) Archived Luuliyo ama Luulyo 20, 2017 // Wayback Machine Archived 2017-07-20 at the Wayback Machine Template:وصلة مكسورة
  5. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named أسد2
  6. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named الإصابة12
  7. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named الذهبي2
  8. تهذيب الكمال للمزي » أَنَس بن مالك بن النضر بن ضمضم (2) Archived 2016-11-23 at the Wayback Machine
  9. سير أعلام النبلاء» الصحابة رضوان الله عليهم» أم سليم الغميصاء Archived 2017-02-21 at the Wayback Machine
  10. الطبقات الكبرى لابن سعد - أَنَسُ بْنُ مَالِكِ بن النضر بن ضمضم (3) Archived Luuliyo ama Luulyo 20, 2017 // Wayback Machine Archived 2017-07-20 at the Wayback Machine Template:وصلة مكسورة
  11. تهذيب الكمال للمزي » أَنَس بن مالك بن النضر بن ضمضم (3) Archived 2016-11-23 at the Wayback Machine
  12. تهذيب الكمال للمزي » أَنَس بن مالك بن النضر بن ضمضم (5) Archived 2016-11-23 at the Wayback Machine
  13. الإصابة في تمييز الصحابة لابن حجر العسقلاني - أنس بن مالك (2) Archived Mey 7, 2019 // Wayback Machine Archived 2017-07-10 at the Wayback Machine Template:وصلة مكسورة
  14. الكامل في التاريخ، ابن الأثير،(2/284) Archived Maaj 4, 2016 // Wayback Machine Archived 2016-03-04 at the Wayback Machine
  15. اتحاف الخيرة المهرة بزوائد المسانيد العشرة، أحمد بن أبي بكر بن إسماعيل البوصيري،(7/96). Archived Maaj 4, 2016 // Wayback Machine Archived 2016-03-04 at the Wayback Machine
  16. تهذيب الكمال للمزي » أَنَس بن مالك بن النضر بن ضمضم (10) Archived 2016-11-23 at the Wayback Machine
  17. تهذيب الكمال للمزي » أَنَس بن مالك بن النضر بن ضمضم (10) Archived 2016-11-23 at the Wayback Machine
  18. الطبقات الكبرى لابن سعد - أَنَسُ بْنُ مَالِكِ بن النضر بن ضمضم (2) Archived Luuliyo ama Luulyo 20, 2017 // Wayback Machine Archived 2017-07-20 at the Wayback Machine Template:وصلة مكسورة
  19. تهذيب الكمال للمزي » أَنَس بن مالك بن النضر بن ضمضم (9) Archived 2016-11-23 at the Wayback Machine