Imaam zuhri
Al-imaam abuubakar muxamad bin muslim al-zuhri wuxuu ka mid ahaa taabiciinta, waxa uuna ka wariyay saxaabada axaadiis aad u badan, waxa uu dagay shaam, Boqorada umawiyiinta ayuuna u ahaa mudo dheer la taliye arimaha diinta iyo shareecada, Al-zuhri waxaa loo yaqaanaa inuu yahay qofkii ugu horeeyay diiwaan galiyo axaadiista kitaabna ku kulmiyo [1] [2] waxa uu sidaas hormuud ugu noqday hormarinta cilmiga xadiiska.